Tanzania oo lagu cadaadinayo in ay maydad soo fasaxdo

Xigashada Sawirka, Reuters
Safaaradaha reer galbeedka ee dalka Tanzania, oo ay ku jiraan UK iyo France, ayaa ugu baaqay maamulka inay bixiyaan dhammaan meydadka dadkii lagu dilay rabshadihii doorashadii bishii Oktoobar ka dhacay dalkaas.
Iyaga oo soo xiganaya "warbixinno lagu kalsoonaan karo", 17-ka safaaradood waxa ay sheegeen in ay jiraan "caddayn dilal sharci darro ah, dad la waayay, xadhig aan loo meel dayin" iyo "qarrinta meydad" taa oo ay ku kaceen mas'uuliyiinta Tansaaniya intii ay socdeen rabshaduhu.
Tanzaniya ayaan ka hadlin balse warkaan ayaa imaanaya maalmo un kadib markii madaxweyne Samia Suluhu Hassan ay si cadho leh u weerartay wadamada reer galbeedka oo ay ku eedaysay inay faragalin ku hayaan arrimaha gudaha ee dalkaasi.
Boqolaal qof ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen rabshadaha, inkastoo dowladdu aysan shaacin tirada rasmiga ah.
Maamulka ayaa si ba'an ula dagaalamay mudaaharaadyo baahsan kadib doorashadii madaxtinimo ee dhacday 29kii Oktoobar, taasoo lagu dhawaaqay in Madaxweyne Samia uu ku guuleystay ku dhawaad 98% codadkii la dhiibtay.
Xubnihii ugu waaweynaa ee ay Samia isku hayeen ayaa la xayiray, taasoo keentay caro baahsan oo ka dhalatay cadaaladda loo tartamayo doorashada madaxtinimo, taasoo mucaaradku ku cambaareeyeen "ku jeesjees dimuqraadiyadda".
Maamulka ayaa sidoo kale soo rogay internet-ka go'an waxayna u hanjabeen cid kasta oo la wadaagaysa sawirrada mudaaharaadyada.
Samia waxay difaacday cadaalada doorashada waxayna diiday dhaleecayn loo jeediyay xaaladeeda xuquuqul insaanka.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Ugu yaraan 240 qof ayaa lagu soo oogay dacwad khiyaano qaran ah ka dib mudaaharaadyada, laakiin madaxweynaha ayaa markii dambe damcday inay dejiso xiisadda, waxayna ka codsatay dacwad oogayaasha inay muujiyaan "dabacsanaan". Qaar badan oo ka mid ah dadka la soo eedeeyay ayaa la sheegay in mar hore la sii daayay.
Hogaamiyaha mucaaradka Tundu Lissu ayaa lagu soo oogay dacwad khiyaano qaran ah bishii April, waxaana uu weli ku xidhanyahay yahay xabsiga.
Bayaan ay si wadajir ah u soo saareen Jimcihii, isbaheysiga safaaradaha reer galbeedka ee Tansaaniya ayaa ku booriyay dowladda Madaxweyne Samia in ay sii deyso maxaabiista siyaasadeed ayna u ogolaato maxaabiista si ay u helaan gargaar sharci iyo mid caafimaad.
"Waxaan ugu baaqaynaa mas'uuliyiinta inay si deg deg ah u sii daayaan dhammaan meydadka dadka dhintay si ay u helaan qoysaskooda," ayaa lagu daray qoraalka ay soo saareen wafdiga Midowga Yurub, dhowr waddan oo Midowga Yurub ka tirsan, Canada, Norway iyo Switzerland.
Waxay soo dhaweeyeen go'aanka ay dawladdu ku doonayso inay ku baadho sababaha iyo duruufaha rabshadaha balse waxay ku nuuxnuuxsadeen in baadhitaanku ahaado mid madax-bannaan, daah-furan, lagana wada qayb-qaato bulshada rayidka ah, ururrada diinta ku salaysan iyo daneeyayaasha siyaasadda.
"Waxaan ku celinaynaa baaqayada dowladda inay ilaaliso ballanqaadyadeeda caalamiga ah ee ilaalinta xorriyadaha aasaasiga ah iyo xuquuqda dastuuriga ah ee dhammaan dadka Tansaaniya si ay u helaan macluumaadka ayna u muujiyaan si xor ah," ayay raaciyeen.
Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo ay sii kordhayaan cadaadiska diblumaasiyadeed ee lagu hayo Tansaaniya ee ku aaddan xad-gudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo la sheegay in lagu sameeyay doorashadii lagu murmay.
Afhayeenka xafiiska xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay Seif Magango ayaa jimcihii shir jaraa'id oo uu ku qabtay magaalada Geneva ku sheegay in dowladda Tanzania ay "xoojisay howlgallada ka dhanka ah dadka kasoo horjeeda tan iyo markii la codeeyay".













