Maxaa dhex maray diyaaradaha F-16 ee Pakistan iyo kuwa midowga Soofiyeeti?

Bishii Agoosto 1988, xilli subax ah ayaa meel u dhow Miran Shah oo ka tirsan dhulka Pakistan, laga helay burburka diyaarad ay lahaayeen Soviet-ka inkasta oo qolka diyaaradda aysan qofna ku jirin oo ay marneyd.

Saraakiishii Pakistan ee gaaray goobta ay diyaaradu ku burburtay ayaa sheegay in ay macquul gal tahay in duuliyihii diyaaradda uu ku guuleystay inuu u baxsado dhanka Afgaanistaan.

Duuliyaha ayaa isku dayay in uu baxsado kadib burburkii diyaaradda, balse xilli uu dhexmarayay xaafado dad reer miyi ah daganaayeen ayay aragtay haweeney saqbarkii u soo baxday xaajo gudasho, waxa ayna sheegtay in ay aragtay nin qurux badan oo ay dherarkiisa ku qiyaastay 182.88- Centimeter, kaas oo xirnaa nigis ama ‘hoos gashi’, sidoo kale waxa uu lahaa indho cagaaran, halka shaaribkiisa uu maariin casaan xiga ahaa, haweeneyda ayaa sheegtay in ay dib ugu laabatay guriga si ay u gudbiso xogta ah in nin ajnabi ah uu xaafadaha ku jiro.

Muddo yar kadib koox dadka deegaanka ah ayaa duuliyaha ugu labistay qamiis ay xirtaan Pakistaaniyiinta kaas oo lagu magacaabo shalwar kameez, waxa uuna u jiheystay dhanka Pakistan. Duuliyaha oo muddo sideed maalmood ah lagu hayay dalka Pakistan ayaa magaciisa lagu sheegay Colonel Alexander Rutskoy, waxa uuna sadaxsano kadib noqday madaxweyne ku xigeenkii midowga Soofiyeeti.

Balse su’aasha ayaa ah sidee ayaa diyaarad dagaal oo uu waday duuliye ka tirsan Soofiyeedka loogu soo riday gudaha Pakistan?

Midowga Soofiyeeti iyo Afgaanistaan

Sida uu qabo Mohammad Owais, oo ah khabiir ku takhasusay xiriirka caalamiga ah kana hadlay xiriirkii ka dhaxeeya midowga Soofiyeeti iyo Pakistan sida uu iskugu badalay iska hor imaad, kadib markii ciidamada Soofiyeetka ay gudaha u galeen Afgaanistaan bishii December 1979-kii, Pakistan waxa ay noqotay marin macaawino iyo hoy malaayiin qaxooti ah.

Dhanka kale khabiir dhanka amniga ah laguna magacaabo Sebastian Roblin, ayaa mid kamid ah maqaaladiisa ku qoray in ‘duqeymo ay fulinayeen diyaaradaha Soofiyeetka ay gudaha u galeen hawada Pakistan, waxa ayna bartilmaameydsadeen xeryo qaxooti.’

Sida uu sheegay wariye Steven R. Weisman, in ka badan 300 oo qaxooti Afgaanistaan u dhashay ayaa lagu dilay duqeymahaas lala beegsaday xeryaha barakaca waxaana la bartilmaameydsaday 1,300 oo jeer.

Taliyihii militariga Pakistan, General Zia-ul-Haq, ayaa maamulka madaxweynihii mareykanka ee waqtigaas Ronald Wilson Reagan, ku qanciyay in ay ogolaadaan iibinta 40 diyaaradood oo F-16 ah, iyadoona diyaaradahaas ay heleen intii u dhaxeysay 1983 ilaa 1986.

Rabinheim, isaga oo dib u eegaya buugii Air Marshal A. Rashid Shaikh (retd.) ee 'The Story of the Pakistan Air Force, 1988-1998: War Against Odds', waxa uu sheegay in wax ka qabashada soo galitaanka diyaaradaha cadawgu ay si gaar ah u adkeyd.

"Pakistan waxa ay ku jirtay xaalad nabad ah, buuruhuna waxa ay xireen raadaarka iyada oo aanu jirin nidaamka digniinta ee Awax. Markaa wakhtiga digniinta hore waxa uu ahaa ku dhawaad eber.

Laga soo bilaabo bartamihii 1986-kii, ciidamada cirka ee Pakistan waxa ay diiradda saarayeen in badan oo ka mid ah qalabka cabsi gelinta diyaaradaha weerarka soo qaadayay , laakiin waxaa sidoo kale jiray weeraro gaadmo ah oo marmar ah.

Weerarkii lagu qaaday Miran Shah iyo sida ciidamada cirka Pakistan u dagaallameen

Habeenimadii Agoosto 8, Kornayl Alexander Rutskoi wuxuu hogaaminayay koox si tartiib tartiib ah u socotay balse aad u hubeysneyd kuwaas oo watay diyaaradaha dagaalka ee Su-25 Frogfoot waxa ayna weerar dhanka cirka ah ku qaadeen wakaalada (FATA) taas oo ku taalay dhanka waqooyi ee Waziristan una dhaw xadka Pakistan ay la leedahay Afghanistan.

Waxay ahayd nus saac ka hor qorrax dhaca markii hogaamiyaha kooxda koontaroolka Tawfiq Raja uu ku arkay raadaarka Pakistan, balse hogaamiyaha Kooxda Athar Bukhaari ayaa dhankiisa u degdegay ka hortaga.

Sida laga soo xigtay Sebastian Roblin, waxaa loo sheegay in kooxda weerarka fulisay ay dib ugu laabanayeen Afgaanistaan hawada gobolka Hangu ee Pakistan. Waxay hakiyeen diyaaradahoodii waxayna bilaabeen inay gaaf wareegaan meel 10,000 mayl dhanka waqooyi ka xigta Bannu.'

PIA and Aviation Forum ayaa ka soo xigatay Athar Bukhaari in maamulaha uu sheegay in bartilmaameedku ahaa 15 nautical miles oo xagal 30 digrii dhanka bidix ah.

Roblin waxa uu qoray in markii ay diyaaradaha F-16 ka ay dib u soo kabteen koox dagaal oo loo yaqaan Pakistan Tail Choppers, Rutskoi uu si adag ugu leexday diyaarad Pakistani ah, malaha wuxuu u maleeyay in dabada diyaaradeedu isu beddeshay mid kulul. Gantaal iyaga ku soo socda ayaana ag maray.

Laakin ma aysan dhicin sababtoo ah gantaalka waxaa loo qorsheeyay in uu ku dhufto bartilmaameedyada dhan walba. Taangiga duula ee Ritskoi waxa uu gantaalku u kala jabay laba qaybood.'

Rutskoi ayaa markii dambe wareysi uu bixiyay ku sheegay in diyaaradiisa lagu soo riday gantaal lagu hagayay raadeer kaas oo dhulka laga soo ganay, wuxuuna diiday inuu rumaysto in Buhari uu riday hal gantaal oo kaliya. Saddexda xubnood ee ka badbaaday weerarka ayaa u tallaabay xadka Afgaanistaan.

Waxaa sidoo kale jira fikrado kala duwan oo ku saabsan taariikhda dhacdadan. Fazal Hussain Awan ayaa ku andacoonaya in ay dhacday 4-tii Agoosto, halka dhowr qof oo kale ay ku warameen in ay ahayd taariikhda 8-da Agoosto.

Xarig iyo sii deyn

Diyaaradda Rutskoi ayaa laba jeer la soo riday intii uu socday dagaalkii Afgaanistaan, balse waxa u uku guuleystay in uu si nabad ah ku baxsado labada jeerba.

Guru ayaa qoray in uu si dhuumaaleysi ah ku raacay Markab si nabad ahna uga dagay isagoona ka badbaaday xarig wallow mar sadaxaad la qabtay waxa uuna xirnaa laba habeen iyo maalin. Waxaa xiligaas la qabtay asaga oo aroor hore hurda meel banaan ah.

“Markii la soo qabanyay waxa u uku sugnaa tuulo u dhaw halka ay diyaaradu ku burburtay, waxaana aragtay haweeney iyada oo dadka ku wargalisay, sidaas ayaana lagu qabtay, waxa uu xirnaa khamiis.’

"Su’aalo la weydiiyay ayuu si aan rasmi ahayn uga jawaabay waxa uuna iska dhigay qof aan fahmeyn luuqada Ingiriiska ah, balse waxaa la ogaaday in uu ahaa 40 jir taliye u ah garab ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee Soofiyeedka. Waxaan u magacaabnay dagaalyahanadii Soofiyeedka ee aan naqaannay waxa uuna sheegay dhamaantood in ay ahaayeen duuliyeyaal.’

Halyeygii Midowgii Soofiyeeti oo booqday Pakistan isagoo madaxweyne ku-xigeen ah

Steve Cole waxa uu ku qoray buugiisa ‘Ghost War’ in hay’adda sirdoonka Maraykanka ee CIA ay soo faragalisay badbaadinta Rutskoi si aanay u faragelin heshiiskii Geneva iyo ka bixitaankii Soofiyeeti ee Afgaanistaan.

Air Commodore Qaiser Tufail waxa uu buugiisa ‘Great Battles of Pakistan Air Force’ ku qoray tirada dayuuradihii dagaalka ee midowga Soofiyeeti ee Afgaanistaan looga soo riday dhulka Pakistan, intii uu socday dagaalka waxaana ku jiray diyaaradaha Rutskoy ee Su-25.

Markii uu soo laabtay, Rutskoi waxa uu la kulmay amaan isaga oo loogu yeeray halyeygii Midowgii Sofiyeeti, waxaanu noqday Madaxweyne ku-xigeenka Ruushka xilligii Boris Yeltsin ka hor inta aanu hoggaamin isku daygii afgambi ee 1993-kii.

Waxa uu xilkaas hayay July 10, 1991 ilaa October 4, 1993. Intaa ka dib, waxa uu noqday guddoomiyaha gobolka Kursk ee Ruushka, sidoo kale waxa uu noqday ku simaha madaxweynaha Ruushka muddo gaaban oo ah intii uu jiray qalalaasaha dastuuriga ah ee Ruushka.

Khalid H. Lodhi ayaa cilmi baaris ku sameeyay in Athar Bukhaari, hogaamiyihii kooxda soo riday diyaaradii duuliyihii Ruushka uu noqday Air Marshal. Waxa uu gaaray darajada ku xigeenka madaxa shaqaalaha hawada ee Pakistan Air Force halka hogaamiyihii kooxda Tawfiq Raja loo dalacsiiyay Air Commodore oo uu ka fadhiistay taliyaha saldhiga ciidamada cirka ee Malir.

Arrintu way is beddeshay, midowgii Soofiyeetina waxa uu ku burburay Ruushka. Iskaashiga dhanka ammaanka ee Ruushka iyo Pakistan ayaa bilowday.

Falaqeeye Kamaal Alam ayaa qoray in Pakistan ay bilowday inay xoojiso iskaashiga dhanka ammaanka ee kala dhexeeya Ruushka. Dhoolatuskii ugu horreeyay ee militari ayaa dhex maray ciidamada Pakistan iyo Ruushka.

"Tani waa isbedel cajiib ah oo taariikhi ah oo ku yimid laba dal kuwaas oo muddo tobanaan sano ah iska soo horjeeday."

Rutskoi waxa kale oo uu booqday Pakistan December 1991 isagoo madaxweyne ku xigeenka Ruushka ah.