You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Maxay tahay sirta qabiilka aysan dadkoodu gaboobin?
Martina waxa ay dhex maraysay kayn ku taal Bolivia halkaas oo balanbaalis cas ay ku dul wareegayeen.
Marka loo eego kaarka aqoonsiga Martina, da'deedu waa 84 sano jir. Laakiin 10 daqiiqo gudahood, waxay jartay saddex geed si ay miro uga gorato, waxay ku dhufatay oo kali ah saddex mar baangadii ay sidatay.
Martina waa qayb ka tahay 16,000 oo reer guuraa ah, oo loo yaqaan 'Chimane', oo ku nool kaynta Amazon. Meeshan waxay ku taal meel qiyaastii 600 kiiloomitir waqooyi ka xigta La Paz, caasimadda Bolivia.
Saynis yahanadu waxa ay sheegeen in xididada wadnaha ee dadka bulshadani ay yihiin kuwo aad u xoogan oo da’dooda maskaxeed ay aad u korodho marka loo eego wadamada kale ee Latin America,Yurub iyo wadamada kale ee aduunka.
Agagaarka webiga Maniqui River ee kaynta Amazon ee dhulka hoose ee Bolivia, Chimane waxay noolashooda ku tiirsan tahay ugaarsiga, kalluumeysiga iyo beeraha.
John wuxuu sheegay inuu jiro 78 ano, Wuxuu noo kaxeeyay goobta ugaarsiga, weli timihiisu waa madow yihiin, indhahiisu si fiican ayay u shaqeeyaan, gacmahooda iyo muruqyadoodana waa xoog badan yihiin. Annaga oo daawanayna, waxay bilaabeen inay eryadaan doofaar yar oo ay ugaarsanayeen.
17% cuntadooda waxay ka timaadaa ugaarsiga. Marka laga reebo cunista doofaarka, bakaylaha, kalluunka biyaha macaan, halka ay sidoo kale ay mararka qaar ay cunaan bariis, galley, iyo Mooska.
Waxaan meelaha ay ku nool yihiin aan laga aqoon cabitaanka Khamriga iyo sigaarka.
Dadkani aad bay u firfircoon yihiin jir ahaan. Raggu waxay socdaan celcelis ahaan 17,000 tallaabo maalintii, halka dumarkuna ay socdaan celcelis ahaan 16,000 oo tallaabo. Dadka da'da ah waxay sidoo kale lugeeyaan 15,000 tallaabo maalintii. Dhanka kale, way ku adag tahay qofka caadiga ah ee adduunka ku nool inuu socdo 10,000 tallaabo maalintii.
Saynis yahanadu waxa ay baareen heerka Calcium halbowleyaasha ee qabiilka, kaas oo xannibaya qulqulka dhiigga ee halbowlayaasha, korna u qaada khatarta wadne-istaagga.
Waxay baaritaan ku sameyeen wadnayaasha 705 qof, waxayna ogaadeen in ilaa da’da 45 qof kasta oo ka tirsan qabiilka Chemane, uusan qabin wax xanuun dhanka wadnaha la xiriira, halka 25% dadka Mareykanka ah ay da'daas ay ku dhacaan xanuunadaasi.
Marka ay gaaraan da'da 75, saddex-meelood laba meelood dadka waaweyni ma laha xanuunada wadnaha la xiriira, halka 80 boqolkiiba dadka Mareykanka ay xanuunadasi la soo darsaan.
Pro Michael Gruen oo ka tirsan jaamacadda California ayaa BBC-da u sheegay: 'Tani way ka hoosaysaa heerka gobollada kale ee adduunka.'
Professor Groen iyo Dr Thomas labaduba waxay sheegeen in casharka laga baran karo arrintan ay tahay muhiimadda uu leeyahay jimicsiga jireed.
Si kastaba ha ahaatee, dadka qowmiyadda Chimane waxay halis sare ugu jiraan infagshanada ama caabuqyada.
Waa bulsho leh waxyaabo u gaar ah, waxay-na u badan tahay inay yihiin dadkii ugu dambeeyay adduunka ee qaab nololeedkoodu ka kooban yahay ugaarsi iyo beeraleey.
Saynisyahannada, qabiilkani aad buu muhiim ugu yahiin cilmi-baarista. Cilmi-baarayaal uu hoggaaminayo Hillard Kaplan oo cilmi-nafsiga ka dhiga Jaamacadda New Mexico ayaa daraasad ku sameeynayay noloshooda labaatan sano.
Qodob muhiim ah ayaa ah in ugaarsigu uu qaato siddeed saacadood oo ay tahay in ay gaaraan masaafo dhan 18 km. Cilmi-baarayaashu waxay soo gabagabeeyeen in boqolkiiba 14 kaliya ee cuntadooda ay tahay dufan, marka la barbardhigo boqolkiiba 34 ee Maraykanka.
Dhanka kale, cuntadooda waxaa ku badan fiber 72% kalooriyadooda waxay ka yimaadaan karbohaydraytyada marka la barbar dhigo 52% gudaha Mareykanka. Dadkani xitaa uma shiiliyaan cuntada hab dhaqameedka.
Laakiin waxay ogaadeen in dadka waayeelka ah ee qowmiyadda Chimane aysan ka muuqan calaamadaha cudurrada ku dhaca dadka da'da ah sida dhiig-karka, sonkorowga ama dhibaatooyinka wadnaha.
Daraasad labaad oo sannadkii 2023 lagu daabacay joornaalka Proceedings of the National Academy of Sciences, ayaa lagu ogaaday in dadka waaweyni ay boqolkiiba 70 ku yar yihiin cudurrada wadnaha marka loo eego dadka ay isku da’da yihiin ee ku nool waddamada warshadaha leh sida Ingiriiska, Japan iyo Maraykanka.
"Waxaan ka ka waayanay xitaa hal kiis oo ah cudurka ilawshaha dhammaan dadka waawayn, taas oo ah mid cajiib ah," ayuu yiri isku-duwaha caafimaadka cilmi-baarayaasha Bolivian Dr. Daniel Ed Rodríguez.