Maxaan ka ognahay xiisadda cusub ee Maraykanka iyo Iiraan u dhaxaysa?

Iiraan ayaa beenisay in ay ku lug lahayd weerar loo adeegsaday diyaarad aan duuliye lahayn oo lagu qaaday saldhig Maraykanku ku leeyahay meel u dhow xadka dalka Urdun uu la wadaago Suuriya, kaasoo lagu dilay saddex askari oo Maraykan ah.

Mareykanka ayaa ku eedeeyay weerarka, oo sidoo kale ay ku dhaawacmeen tobanaan kale, "kooxaha xagjirka ah ee Iiraan ay taageerto".

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa wacad ku maray in uu aargoosan doono wuxuuna yiri: "Waan ka jawaabi doonnaa."

Waa markii ugu horeysay oo weerar lagu dilo ciidamo Mareykan ah oo ku sugan gobolkaasi tan iyo markii uu bilowday dagaalka Qasa ee ka dhashay weerarkii ururka Xamaas ku qaaday Israa’iil 7-dii Oktoober.

Waxaa jiray weeraro kale oo lagu qaaday saldhigyada Mareykanka ee gobolka, laakiin kahor Axadii ma jirin wax dhimasho ah, sida uu sheegay militariga Mareykanka.

Kooxda Daacish ee ka dagaalanta dalka Ciraaq ayaa sheegatay in ay ka dambeysay weerarka.

Dalladdan ayaa soo ifbaxday dabayaaqadii sannadkii tagay, waxaana ay ka kooban yihiin dhowr maleeshiyo oo taabacsan Iiraan oo ka howlgala Ciraaq. Waxay sheegatay weeraro kale oo ka dhan ah ciidamada Mareykanka toddobaadyadii la soo dhaafay.

Warbixin ay soo saartay kooxdu waxay ku sheegtay in ay bartilmaameedsatay saddex saldhig oo Maraykanku ku leeyahay Suuriya, kuwaas oo magacyadooda lagu sheegay Shaddadi, Tanf iyo Rukban. Si kastaba ha ahaatee, Rukban ayaa ku taal dhinaca Urdun ee xadka Suuriya. Kooxda ayaa sidoo kale sheegtay in ay beegsatay xarun shidaal oo Israa’iil ay ku leedahay badda Mediterranean-ka.

Warbaahinta la hawlgasha BBC-da ee Mareykanka ee CBS ayaa sheegtay in ciidamada Mareykanku ay ku jireen qolkooda hurdada, markii diyaaraddu ay weerartay saldhigga Tower 22 subaxnimadii hore.

Sarkaal ka tirsan gaashaandhigga ayaa sheegay in diyaaraddan ay ku timid “joog aad u hooseeya xawaare hoose” isla marka ay diyaarad Drone ah oo Mareykanku leeyahay ay dib ugu soo laabaneysay saldhigga iyada oo hawlgal ka timid.

Tan ayaa dhalisay la damiyay nidamyada difaaca hawada, si aanu u soo ridin diyaaradad aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka, ayuu yiri sarkaalku, taasoo ka dhigan in aysan wax digniin ah helin ciidamada saldhigga ku sugan.

Dowladda Ciraaq ayaa cambaareysay weerarka, waxayna ku baaqday "in la joojiyo rabshadaha soo noqnoqda" ee ka socda Bariga Dhexe.

Afhayeenka xukuumadda Ciraaq Bassem Al-Cawadi ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin "in la iska kaashado samaynta xeerar aasaasi ah si looga hortago cawaaqib kale oo ka dhaca gobolka loona xakameeyo sii hurinta colaadaha".

Biden waxa uu yidhi “Maraykanku waxa uu la xisaabtami doona dhammaan kuwa masuulka ka ah (weerarkan ) wakhtiga iyo qaabka aanu dooranayno”.

Isniintii af hayeenka amniga qaranka ee Aqalka Cad John Kirby ayaa sheegay in Maraykanku uu raadinayo jawaab "aad u adag" oo ku aaddan weerarka balse ma doonayo dagaal ballaaran oo lala galo Iiraan ama gobolka.

Maamulka ayaa rumeysan in hal diyaarad oo aan duuliye lahayn loo adeegsaday bartilmaameedka ciidamada Mareykanka ee ku sugan dalka Urdun, ayuu yiri Mr Kirby.

Iiraan ayaa beenisay eedeymaha Mareykanka iyo Ingiriiska ee ah in ay taageerto kooxaha mintidka ah ee lagu eedeeyay weerarka.

Nasser Kanaani, afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Iiraan, ayaa sheegay "in aysan ku lug lahayn go'aan gaarista kooxaha wax iska caabinta" sida ay doorteen in ay u"difaacaan Falastiiniyiinta ama dalalkooda".

Wasiirka sirdoonka Iiraan, Esmail Khatib ayaa sheegay in kooxaha hubaysan ee gobolka ee la safan Iiraan ay ka jawaabaan "gardarrada Maraykanka" oo ay iyagu go'aansadaan.

Aqalka Cad ayaa sheegay in Biden uu uga warbixiyey weerarka subaxnimadii Axadda, xoghayaha difaaca Mareykanka Lloyd Austin iyo saraakiil kale.

"Aniga iyo Jill waxaan ku biiraynaa qoysaska iyo saaxiibada dadkii naga dhintay - iyo Mareykanka oo dhan - sida aan uga murugoonayno khasaaraha dagaalyahannadaas ka soo gaaray weerarkan xaqdarrada ah," ayuu Biden ku yiri hadal uu soo saaray.

Ilaa hadda lama shaacin magacyada askarta la dilay iyo kuwa dhaawacmay iyadoo saraakiisha ay ku howlan yihiin sidii ay qoysaskooda u ogeysiin lahaayeen.

Raiisel wasaaraha Ingiriiska Rishi Sunak ayaa dhaleeceeyay weerarka wuxuuna ku booriyay Iiraan in ay "sii wado dajinta xiisadaha" gobolka.

“Waxaan si adag ula garab taaganahay xulafadayada sidii aan xasilooni iyo nabad ugu soo dabaalno gobolka,” ayuu yiri.

Xafiiska UK looga arrimiyo ee Downing Street ayaa ka dhawaajiyay qiimeynta Mareykanka waxayna sheegtay in ay rumeysan tahay "Weerarka waxaa fuliyay kooxaha xagjirka ah ee Iiraan ay taageerto ee ka howlgala Suuriya iyo Ciraaq".

Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in ugu yaraan 34 ka tirsan ciidamada milateriga lagu tuhmayo dhaawac maskaxeed oo suurtagal ah, waxaana qaar ka mid ah askarta dhaawacmay laga daadgureeyay saldhigga si loogu qaado daryeel caafimaad.

Waxa ay sidoo kale sheegeen in diyaarada aan duuliyaha laheyn ay duqeysay xaafado ku yaala saldhiga, taasi oo hadii la xaqiijiyo cadeyn karta in khasaare badan ka dhashay.

Taliska dhexe ee Mareykanka iyo madaxweyne Biden ayaa sheegay in weerarku uu ka dhacay saldhig ku yaalla Rukban oo dhacda waqooyiga bari ee dalka Urdun, una dhow xadka Suuriya. Mar dambe saraakiisha Maraykanku u bixiyeen Tower 22.

Bishii Disembar, saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in saldhigyada Mareykanka ee Ciraaq iyo Suuriya la weeraray ugu yaraan 97 jeer tan iyo 17kii Oktoobar.

Bishii la soo dhaafay, Mareykanka ayaa qaaday duqeymo ka dhan ah kooxaha xiriirka la leh Iiraan, ka dib markii saddex askari oo Mareykan ah oo mid ka mid ah uu halis yahay, lagu dhaawacay weerar ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku qaadeen saldhig ku yaal waqooyiga Ciraaq.

Horaantii bishii Janaayo, hal weerar oo aargoosi ah oo uu Mareykanku ka fuliyay Baqdaad ayaa lagu dilay hogaamiye kooxeed lagu eedeeyay in uu ka dambeeyay weerarro lagu qaaday ciidamada Mareykanka.

Wareysi horay loo sii duubay oo uu siiyay ABC News oo la sii daayay subaxnimadii Axadda, ayuu Guddoomiyaha Taliyeyaasha Wadajirka ah ee Ciidamada Jeneraal CQ Brown ku sheegay in ujeeddada Mareykanka ee gobolku ay tahay "in aan colaadda la ballaarin".

"Ujeedadu waa in iyaga laga hortago mana rabno inaan marno waddo fidno weyn oo horseedaysa colaad ka sii ballaaran tan hadda oo gobolka ka dhacda."

Ciidamada Mareykanka iyo kuwa isbaheysiga ayaa sidoo kale ku sugan Badda Cas kadib markii Xuutiyiinta ay taageerto Iiraan ay bilaabeen weeraro ay ku qaadaan maraakiibta ganacsiga ee gobolka. Kooxda fadhigeedu yahay dalka Yemen ayaa sheegtay in ay beegsanayso maraakiibta u socda Israa’iil si ay taageero ugu muujiyaan Falastiiniyiinta ku sugan Qasa, halkaas oo Israa’iil ay kula dagaalamayso Xamaas.

Milateriga Maraykanka ayaa horey u sheegay "falalkan sharci darrada ah in aysan wax lug ah ku lahayn colaadda Qasa".

"Xuutiyiintu waxa ay si aan kala sooc lahayn u duqeeyeen Badda Cas, iyagoo bartilmaameedsanaya maraakiib saameeya in ka badan 40 waddan oo caalamka ah," ayuu yiri taliska dhexe ee Mareykanka.

Labo ciidamada badda ah ayaa loo malaynayaa in ay dhinteen ka dib markii lagu waayey bishan Janaayo hawlgal ka dhacay xeebaha Soomaaliya oo lagu qabtay hub Iiraan lagu farsameeyey oo u socday Xuutiyiinta Yemen.