You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Faahfaahin ka soo baxaysa dagaal xalay dhexmaray Pakistan iyo Afqaanistaan
Xukuumadda Taalibaan ayaa xaqiijisay in ay weerar ku qaadeen ciidamada Pakistan oo ku sugnaa goobo badan oo buuraley ah oo ku yaala xadka waqooyi.
Khasaaraha weli ma cadda waxa ay Taalibaan ugu yeereen "hawlgallo aargoosi ah", ka dib markii ay sheegeen in Pakistan ay ku soo xadgudubtay hawada Afqaanistaan oo ay Khamiistii duqeysay suuq ku yaalla xuduudda.
Wasiirka arrimaha gudaha Pakistan Mohsin Naqvi ayaa weerarrada Taliban ku tilmaamay kuwo aan laga fiirsan, isagoo ku eedeeyay inay rasaas ku fureen dad rayid ah. Ciidamada Pakistan waxay kaga jawaabi doonaan "tallaabo wlaiba", ayuu ka digay.
"Afghanistan sidoo kale waxaa la siin doonaa jawaab ku habboon sida Hindiya, si aysan ugu dhicin inay Pakistan indho xaasidnimo ah ku eegto," Naqvi ayaa ka digay.
Islamabad ayaa ku eedaysay Kabul in ay gabaad siiso argagixisada Pakistan ku bartilmaansada dhulkeeda, eedeyntaasi oo Taliban ay beeniyeen. Xiisadan ayaa timid xilli wasiirka arrimaha dibadda ee Talibanka ee Afghanistan uu booqasho taariikhi ah ku joogo dalka Hindiya.
Labada dhinac ayaa la sheegay inay isku adeegsadeen hubka fudud iyo madaafiicda gobolka Kunar-Kuram, sida ay BBC-du ogaatay.
Isagoo sheegay inuu "si adag u cambaareynayo" weerarrada Taliban, Naqvi wuxuu yiri: "Rasaasta ay ciidamada Afgaanistaan ku garacayaan dadka rayidka ah waa xadgudub bareer ah oo ka dhan ah shuruucda caalamiga ah.
"Afghanistan waxa ay ciyaareysaa dab iyo dhiig," ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay barta X.
Afhayeen u hadlay militariga Pakistan ayaa sheegay in ay qaadi doonaan tillaabooyin lagama maarmaan ah si ay u badbaadiyaan nafta iyo hantida Pakistan.
Milatariga Pakistan si rasmi ah ugama hadlin, balse ilo dhanka ammaanka ah ayaa BBC-da u sheegay in rasaastu ay ka dhacday dhowr goobood oo ku yaalla xadka Pakistan iyo Afgaanistaan, sida Angoor Adda, Bajaur, Kurram, Dir, Chitral iyo Baramcha.
Sarkaal booliis ah oo fadhigiisu yahay meel u dhow Zero Point ee degmada Kurram ayaa BBC u sheegay in hubka culus uu ka bilowday dhanka Afqaanistaan abaaro 22:00 xilliga maxalliga ah.
Waxa uu sheegay in ay ka war heleen rasaas xooggan oo ka dhacaysa goobo badan oo ku yaalla xadka.
Toddobaadkii hore, xukuumadda Taliban ee Afgaanistaan ayaa Pakistan ku eedaysay inay ku xad gudubtay "dhulka madax bannaan ee Kabul", iyadoo laba qarax oo xooggan laga maqlay magaalada goor dambe oo Khamiista.
Pakistan ayaa duqeymo ka geysatay suuq rayid ah oo ku yaala xuduudka Pakistan, ee koonfurta bari ee dalka Afgaanistaan, sida ay sheegtay wasaarada difaaca ee Taliban. Dadka deegaanka ayaa BBC-da laanteeda Afqaanistaan u sheegay in la burburiyay tiro dukaamo ah.
Jeneraal sare oo Pakistani ah ayaa ku eedeeyay Afgaanistaan in loo adeegsado "saldhig howlgallada argagixisada ka dhanka ah Pakistan".
Pakistan waxa ay in badan ku eedaysay Talibanka Afgaanistaan in ay ogolaatay Taliban Pakistan, oo loo yaqaano TTP, in ay ka howlgalaan dhulkooda oo ay la dagaalamaan xukuumada Islamabad si ay u dhaqan galiyaan nidaam adag oo Islaamigu hogaamiyo.
Dowladda Taliban ayaa mar walba diidi jirtay eedeynta Pakistan.
Xiisaddii u dambeysay ayaa timid iyadoo wasiirka arrimaha dibadda ee Talibanka Afgaanistaan Amir Khan Muttaqi uu booqasho todobaad ah ku joogay Hindiya. Diblomaasiyiinta, Delhi waxay sheegeen inay dib u furi doonto safaaradda Kabul, oo la xiray afar sano ka hor markii Taliban ay xukunka ku soo laabatay.