You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Sida ay dumarku uga hor tagi karaan xadgudubyada usoo mara jacaylka
Beryahan gabdhuhu waxay xushaan qofka ay la wadaagayaan nolosha. Balse waxaa cadi iska ahaan jirtay in la arko gabdho badan oo nin loo guuriyey isla markaana ninkaas uu u gacan qaado, dhaqamada ka baxsan Soomaalidana waxaaba la arkaa marar badan gabadh nafta uu ka gooyay ninkeedu.
Balse hadda xitaa waxaa dhcada in ninka ka ballan qaaday in uu noloshiisa oo dhan iyada la dhameysanayo ee ay iyadu xulatay, uu xadgudub u geysto.
Dhacda walba oo ku saabsan guurka aan caafimaadka qabin waxay ka daran tahay midda kale, iyada oo la arko in gabdhaha qaar ay si aan wada oggol ahayn isaga furaan ninkii qabay.
Dhaqamada xunxun ee waayadan dambe la arkay siiba dalalka Aasiya waxaa ka mid ah; kow horta in gabadha la dilo, kadibna jirkeeda la jarjaro iyada oo la isticmaalayo qalab kala duwan, in muddo ah aya guriga lagu haynayaa meydka oo la jarjaray, ka dibna si tartiib tartiib ah ayaa qaybba mar loo tirtiraya ama loo tuurayaa sida in la gubo, la karkariyo, eyda la siiyo, boorso lagu guro, tallaagadda la galiyo… inta ay sidaas samaynayaanna noloshooda waxba lagama dareemayo.
Yaana sidan sameynaya? Waa qofkii ka ballan qaaday in ay nolosha isla dhameysan doonaan.
Haddaba sidee lagu gartaa xiriirka aan marka horeba caafimaad qabin?
Haddii aad indhihiisa eegto waxaad arkaysaa jacayl iyo aaminaad, waxaana kula qaldanaanaysa in aad khayaanto. Balse dhanka kale waxaa jira wiilal iyo niman aanba wax jeclaan karin. Waxaad arkaysaa in ay kakan yihiin kibir badanna muujinayaan. Waxay isu arkaan kuwa libinta haya, waxay doonayaan in jayacaylka ay ku guuleystaan si xoog ah.
Ma garan karaan in si aad wax u jeclaato ama laguu jeclaado aad waxyaabo badan halis gelinayso.
Taas kaliyana ma aha ee raggu waxay u maleeyaan in jacaylkuba ka bilowda jirka, saas darteed waxay bilaabayaan dagaalkii ay ku qabsan lahaayeen jirkaas, sida goob dagaal.
Balse si aad qalbi u hanato waxaa loo baahan yahay in aad nin rag ah tahay aadna iska badelin raganimadaada. Haddi si kale loo dhigo waa in uu ninku noqdo mid aan xadgudub afeed iyo mid addin toona ku samaynin qofka dumarka ah, mana aha tani mid u fudud ragga nugul.
Wuu dhowrsoon yahay illaa ay gabadhu gacantiisa soo gasho. Balse marka uu ogaado in ay tiisa tahay waxaa hurdada ka kacaya ninkii xumaa ee u qarsoonaa.
Haddii uu ogaado in gabadhan aysan cidna garabkeeda taagneyn qofina ka dambeyn oo ay gacantiisana ku jirto, markaas wuxuu badalayaa dabeecaddisa.
Wuxuu sidoo kale ogyahay dhaqanka bulshadiisa ee ka hiiliya dumarka la qabo, wuxuu ogyahay in ay dumarku door bidaan in ay ka aamusaan dhibaatooyinka loogu geysto daaha gadaashiisa, iyaga oo ka baqaya ceeb iyo in ay wax u dhimaan sharafta reerkooda.
Tan ayey ragga nugul si xun uga faa’iideystaan. Waana aasaaska xadgudubyada ka dhanka ah dumarka la qabo.
Badana dumarka la dilay haddii noloshooda dib loo raaco waxay ka siman yihiin haal qaab nololeed. Taasi waa sababta qaar badan oo ka mid ah qoyska gabadha la dilay aysan warba uga hayn xaaladda ay gabadhoodu ku nooleyd.
Raggu waa in ay jaceylka bartaan
Raggu waa inay bartaan ixtiraamka iyo jacaylka. Tan marka hore waa in la ixtiraamo gabadha.
Waalidiinta, qaraabada ama saaxiibada ayaa waliba wax badan qaban kara.
Caadiyan gabadha qoyskeeda, qaraabadeeda, bulshada tuulada ayaa diida doorashada lammaanaha ay gabadhu la wadaageyso nolosheeda. Taasina waxay meesha ka saaraysaa in gabadhu kaligeed ka baxdo oo ay wiilashu helaan hab kale oo ay ku muujiyaan ragannimadooda.
Haddaba haddii gabadhu ay iyadu doorato lammaane, markaas waa in la dhegeysto. Waa in la fahmaa oo la dhiirigeliyaa. Waa in aad loo aaminaa si ay maskaxdeeda uga hadasho iyada oo aan la isu tanaasulin.
Waa in aad taageertaa go'aanka gabadha adiga oo aan eegin sumcaddaada. Si haddii ay wax xun ku dhacaan mustaqbalka, ay ninka dulqaad ugala kulanto.
Qof kale la noolaanshuhu waa go'aan weyn. Guud ahaan gabdhaha shaqeeya waxay dareemaan inay awood u leeyihiin inay qaataan go'aamadan oo kale saas darted waxay qaataan go'aamadan.
Laakin in aad cagahaaga ku istaagto macnaheedu maaha in aad dhaqaale ahaan karti u leedahay ama aad shaqo haysato. Xaaladda ugu horreysa ee xoog leh waa shakhsiyad madax-bannaan maskax ahaan iyo nolol xor ka ah addoonsiga maskaxda.
Haddii gabadhu ay qaadato go'aan ka madax bannaan qoyskeeda oo ay danteedu ku jirto, waa inay ilaalisaa madaxbannaanidaas go'aan kasta oo nolosheeda ah.
Waa in aanay marnaba dhicin in habluhu hal dhinac ka madax bannaanaadaan qoysaskooda ka dibna ay ka madax banaanaan wayaan lammaanahooda ragga ah.
Sidaa darteed waa in ay habluhu kala gartaan adoonsiga ay ugu dhex gabbanaya magaca jacaylka.
Xadgudubku siiba gacan ka hadalku meel kuma laha jacaylka
Ma jirto meel loogu talagalay nooc kasta oo xadgudub jacayl ah. Micanaha xadgudubku ma aha dhaawac jidheed oo keliya balse sidoo kale wuxuu noqon karaa dhaawac maskaxeed.
Wax kasta oo ka soo horjeeda sharafta aadanaha waa xadgudub. Ninka wax jecel sinaba kuma samayn karo xadsgudub iyo gacan ka hadal, dil iskaba daaye.
Gabdhuhuna waa inay sheegaan dhibaatooyinka kasoo gaara xiriirkooda sababtoo ah waxay u baahan tahay in la sheego, taasi waa wax kasta oo ka soo horjeeda sharaftooda, isku day kasta oo lagu xakameynayo xoriyadooda, waa lagama maarmaan in la joojiyo marxaladda ugu horeysa ee xadgudubyada noocan ah.
Isu-tanaasulka ugu horreeya ee sharafta iyo xorriyadda ayaa had iyo jeer kugu qasbaya inaad qaaddo waddada tanaasulka. Waxa ku dambeeya tanaasulkan waa shakhsiyadda madaxbannaan ee gabadha.
Dhibaatooyin kasta oo noocaas ah waa in si aan rabshad lahayn looga hortago. xadgudub la'aantu ma aha calaamad daciifnimo ah.
Taas oo keliya ma aha, gabdhuhu waa inay had iyo jeer xusuustaan in sababta ay go'aan geesinimo leh u qaateen sida in ay iskood u noolaadaan oo ay dadka kala go'aan, macnaheedu maaha inay wax walba u dulqaataan.