Makalle: Wixii ka dhacay shalay iyo goobaha ay la wareegeen ciidamadu

Xigashada Sawirka, DT
Xubno ka tirsan Ciidanka Tigray-ga ee taageera garabka TPLF ee uu hoggaamiyo Debretsion Gebre Michael ayaa shalay la wareegay idaacadda Mekele FM 104.4 iyo xafiiska duqa magaalada.
Sidoo kale isla garabkaan TPLF ayaa duqa magaalada dib ugu magacaabay Redai Berhe oo hore loogu doortay in uu xubin ka noqdo golaha deegaanka.
Waxaa xusid mudan in maamulka kumeel gaarka ah ee uu ugu horeeyo madaxwayne Getachew Reda uu hakiyay hawlihii maayaradii ay hore u magacaabeen garabka kale ee kooxda TPLF, waxaana duqa magaalada Mekele uu u magacaabay Ato Birhane Gebreyesus.
Mekele oo ah magaalo ay ku nool yihiin ku dhawaad hal milyan oo qof ayaa muddo afar bilood ah waxay ahayd maayar la'aan iyo adeeg bulsho la'aan kadib xiisad u dhaxaysa labada garab ee kooxda TPLF.
Iyadoo ay hogaaminayaan taliyayaasha ciidamada Tigreega ee taageera garabka TPLF ee uu hogaamiyo Debre Tsion Gebremichael, ayaa waxay burburiyeen maamulkii kumeel gaarka ahaa waxayna la wareegeen xafiisyo ku yaala magaalooyinka iyo degmooyinka kala duwan ee gobolka Tigray.
Kadib heshiiskii nabadeed ee lagu soo afjaray dagaalkii Tigreega ee mudada labada sano ah socday, waxaa meesha ka baxay maamulkii Tigray-ga ee gobolkaan oo lagu soo dhisay doorasho ay dawlada dhexe u aragtay mid aan la aqbali karin.
Balse lix bil oo uu maamul kumeel gaar ah halkaas ka jiro ayaa waxa ay maamulku qabteen wax dadka qaar u arkeen doorashooyin aan sharci ahayn oo ka qabsoomay magaalooyinka qaar.

Xigashada Sawirka, FM MEKELLE/FB
Shaqaalaha idaacadda Mekele FM 104.4 oo sheegay in ay jahwareersan yihiin
Dhinaca kale, BBC-da ayaa xaqiijisay in xubno ka tirsan ciidamada Tigray-ga ee taageera garabka TPLF ee uu hoggaamiyo Debretsion Gebremichael ay la wareegeen idaacadda Mekele FM 104.4.
Garabka TPLF ee uu hogaamiyo Debretsion, ayaa si qasab ah u magacaabay maamul iyo guddiga maamula idaacadda sida ay BBC-da u sheegeen shaqaalaha.
"Waxaa galbinayay ciidamada Tigray-ga, xoog ayay kula wareegeen idaacada, hadda ciidanka ayaa ilaalo ka haya idaacadda, shaqaalihii way jahwareersan yihiin," ayuu yiri.
Shaqaaluhu waxay sheegeen in Ato Zemenfus Fisa oo hore u sheegtay in uu masuul ka yahay idaacada iyo golaha cusub ee la magacaabay ay la yimaadeen rag hubaysan idaacadda.
FM-ka Mekele 104.4 oo ku shaqeeya nidaamka maamulka warbaahinta Itoobiya ayaa shaqaynaysay muddo 16 sano ah tan iyo markii la siiyay shatiga telefishinka ee dowlad deegaanka Tigray ga.
Waxaa xusid mudan in dhamaadkii bishii Janaayo ee ina dhaaftay ay xubno ka tirsan ciidamada Tigreega ay isku dayeen in ay la wareegaan idaacada.
Sidee xalku halkaan ku soo gaaray?
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Madaxweynaha maamulka kumeel-gaarka ah ee Tigray-ga, Ato Getachew Reda, ayaa boggiisa rasmiga ah ee Twitter-ka ku shaaciyay in dhowr qof ay ku dhaawacmeen falal ay ciidammada Tigray-gu u geysteen dad rayid ah oo ku sugnaa magaalada Adigudom iyo qaar ka mid ah deegaannada Mekele.
Taliyayaal sare oo ka tirsan ciidamada Tigreega ee taageera Jabhadda Tigreega ee TPLF ee uu hogaamiyo Dr. Debretsion Gebremichael ayaa la wareegaya xafiisyadii dawladu ku lahayd deegaano kala duwan oo Tigray ah, waxaana sidoo kale shaqsiyaad ay magacaabeen ay si xoog ah kula wareegayaan xafiisyada.
Madaxweynaha maamulka ku meel gaarka ah ee Tigrayga ayaa sheegay in dawladda federaalku ay haysato sabab ku filan oo ay "ay u bixiso nooc kasta oo taageero ah," oo ay ku jirto faragelinta gobolka.
Ato Getachew Reda ayaa shaqada ka joojiyay saddex taliye ciidan oo lagu eedeeyay inay wax u dhimayaan haykalka dawladnimo, iyadoo markii xafiiska nabadgalyada iyo amniga Tigray ga ee uu madaxda ka yahay janaraal lagumagacaabo Fisha Kidanu (Fisha Manjus) uu ku dhawaaqay in aanay aqbali doonin go'aankaas.
xafiiska Nabadda iyo Amniga ee Tigray-ga ayaa dhankoodu soo dhigay boggooda Facebook-ga, "Waa wax laga xishoodo in la casuumo gacan saddexaad si ay u xalliso dhibaatooyinka gudaha iyo siyaasadda ee lagu xallin karo dadaalkeenna.
Dadka ku dhaqan gobolka ayaa walaac ka qaba xaalka sii xumaanaya iyo dhacdooyinka isdaba joogga ah ee ka dhacaya gobolkaan.













