Maxay wasaaradda waxbarashada ka tiri cabashada ardayda ay u diidday tasdiiqinta shahaadooyinkooda?

Xigashada Sawirka, Social Media
Muddooyinkaan danbe waxaa soo badanayay cabashada ardayda wax kabaratay jaamacadaha magaalada Muqdisho ee wasaaradda waxbarasha ay u dideysay in ay u tasdiiqiso shahaadooyinkooda, iyadoo labadii maal-mood ee u danbeysay ay jireen dibadbaxyo ay dhigayeen ardayda jaamacadda banaadir ee sanadkaan qalinjabineysa kuwaas oo ka cabanaya sanadka ay dowladda soo kordhisay.
Maxamed Cabdullahi Maxamuud oo ah Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya oo BBC-da uga warbixiyay sababta keentay in wasaaraddu ay u diido ardayda shahaadooyinka wata in loo tasdiiqiyo ayaa yiri:
“Markii ugu horreysay ee arrintan laga hadlo waxay ahayd 3-dii bishii Maarso 2019, wasiirkii wasaaradda ee hore Cabdullaahi Goodax Barre waxa uu soo saaray nidaamkan dhahayo 3 sano oo baajulaar ah lama aqbali karo ka dib waxa uu u yeeray jaamacadaha oo uu la fariistay arrintaas wuu kala hadlay wuxuuna u sheegay inaan la aqbali doonin maanta oo ahayd 3-dii Maarso 2019 baajulaar 3 sano ah marka xilligaas ayay soo baxday arrintan, nimdaamka dowlad-nimada waxa uu sheegayaa marka uu nidaam dowladeed soo baxo la difaaco.”

Xigashada Sawirka, Wasaaradda Waxbarashada
“Anaga hadda xilligan aan joogno baan ka hadli karnaa, ‘haa’ waan kala hadalnay jaamcadaha, waxaan joojinay inaan shahaadooyinka tasdiiqino anagoo ardada mar walba u sheegeyna inaan rabno in arrintani ay noqoto mid wax lagu saxayo ee aysan ahayn wax iyaga lagu dhibaayo, Jaamacadaha waan u sheegnay iyaga ayay ku haboon tahay inay caddeeyaan sababta iyadoo go’aankaas uu soo baxay ay arrinta u sii wadeen,” ayuu yiri Maxamed Cabdullahi Maxamuud oo ka jawaabayay su’aal ay BBC-du weydiisay oo ahayd sababta muddada intaa la’eg loo dhaqan gelin waayaan nidaamkan.
Dhanka kale waxay BBC-du la xiriirtay Dr Maxamed Maxamuud Xassan Bidey oo ah Gudoomiyaha Midowga Jaamacadaha Soomaliyeed, sidoo kalena ah Gudoomiyaha Jaamacadda Banadir waxa uu sheegay in wasaaradda laga rabay in nidaamkan ay mar hore dhaqan geliso wasaaradda maadaamaa shan sano ka hore la soo saaray.

Xigashada Sawirka, Dr Maxamed Biday
“Waxaa laga rabay in xeerkaan ay dhaqan geliso wasaaradda waxbarashada oo sannadkii 2019-kii markii la soo saaray wasiirkii markaas joogay ma uusan dhaqan gelin, wasiirkii ka dambeeyay oo isna dhowr sano joogay ma uusan dhaqan gelin, wasiirka hadda joogo ee uu agaasimaha guud la shaqeeyo wixii abriil ka koreeyay wuux saxiiyay waana uu dastiiqinayay marka arrin horay ay wasaaraddu dhaqan gelinin anaga ma dhaqan gelin karno marka iyaga laga rabay inay dhaqan geliso oo hawsha iyada ayay ku xirneyd,” ayuu yiri Dr Maxamed Maxamuud Xassan Bidey oo ka jawaabayay su’aal ay BBC-du weydiisay oo ahayd sababta ilaa 2019 oo la sharcigan la soo saaray ay u baddeli waayeen iyaga ka jaamacad ahaan.
Waxa uu sheegay inay wasaaradda u gudbiyeen cabashadooda oo ay u sheegeen in caalamka dhan laga isticmaalo muddada 3 sano ee jaamacadda oo aanay jirin wax culeys ah.
“Ardayada waa arday dhibaato iyo rafaad wax ku soo bartay ee aan la ciqaabin sababtoo ah arrintan waxay u muuqata mid ciqaab ah oo ardayda lagu ciqaabayo. Jaamacadan waa jaamacadihii dalkan soo dhisay weeye xitaa agaasimaha laftirigiisa waxa uu ka baxay jaamacadaha dalka marka aniga ma garan karo waxa uu isaga ka kasbaday jaamcadan ee ay ardayda ka kasban waayeen,” ayuu yiri Dr Maxamed Maxamuud Xassan Bidey.

Xigashada Sawirka, Social Media
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Balse waxaa doodda guddoomiyaha waxaa ganafka ku dhuftay agaasimaha isagoo yiri: “Dalalka isku mid ah, ardayga Soomaaliya joogo la daruuf ma ah kan Mareykanka ku nool, la daruuf ma ah kan Pakistan ku nool, la daruuf ma ah ardayga Hindiya ku nool, la daruuf ma ah kan Kenya ku nool, waxbarashada nada ninkii ka warqabaa wuu ka warqabaa 8-dda subaxnimo baa la galaa 12:30 baa laga baxaa ee gelinka hore, gelinka dambana 1-da iyo rubuc baa lagalaa, shanta iyo barka baa laga baxaa marka ardayga koormaa ayuu saacado badan qaadanayaa marka waxaan u sheegeynaa dadka wax aad meel kale ku soo aragtay oo aan waaqicaaga qabsanaynin haku mashquulin aan gaarno xilliga waddankeena uu qaadan nidaamka saacadka markaasna waa in jaamacadaha iyo dowladdu isla qaataan oo la isla fiiriyo.”
Dhanka kale waxa uu guddoomiye Maxamed sheegay in tasdiiqinta aan caddaalad loo sameyn oo ardayga qaarkood loo sameeyay ka dib markii ay siyaasiyiin adeegsadeen.
“Waxaa weeye waa la jiifiyaana bannaan oo waxaan haynaa qaar badan oo ka mid ah ardayda oo la tasdiiqiyay oo geystay xildhibaano iyo saraakiil, kuwa aan loo dastiiqin waa kuwa looma ooyaanka ah weeye marka arrintaas ma ahan mid cadaalad ah arrin meesha qabatana ma ahan marka waxaa dowladda iyo wasaaradda laga rabaa inay arrintaas ka cadaalad falaan oo ardayda dhan loo wada tasdiiqiyo sababtoo ah waa xuquuq ay ardaydu leeyihiin.”
Eedda guddoomiye Maxamed ee ah in ardayda qaar loo tasdiiqiyo shahaadooyinka iyagoo adeegsanaya siyaasiyiin BBC-du si madaxbanaan uma xaqiijin karto.













