Baasto ay cuniddeeda Youtuberrada isku xujeystaan oo laga mamnuucay dal Yurub ku yaalla

Baasto

Xigashada Sawirka, SAMYANG

Denmark ayaa hakisay dhowr nooc oo baastada sida fudud ku bislaata ee ay soo saarto shirkadda laga leeyahay Kuuriyada Koofureed ee Samyang, iyadoo dowladdu ay ku sheegtay in heerka maadadda capsaicin ee ku jirta ay sun sababi karto.

Ilaa saddex nooc oo baastada Samyang ah ayaa la joojiyay: Buldak 3x Spicy & Hot Chicken, 2x Spicy & Hot Chicken iyo Hot Chicken Stew.

Hay'adda cunnada Denmark ayaa amarkan iyo digniintan soo saartay shalay, iyadoo ugu baaqday dadka inay iska daayaan cunidda baastadan.

Lama oga in dhacdo gaar ah ay ka dambeysay tallaabada ay qaadday Denmark.

Maamulka cunnada Denmark ayaa sheegay inay qiimeeyeen heerka capsaicin ee ku jira halkii baako ayna ogaadeen "inuu aad ugu badan yahay heer uu sababi karo in dadka cuna ay ku sumoobaan".

"Haddii aad heysato baastadan, waa inaad daadisaa amaba u celisaa dukaankii aad kasoo iibsatay," ayay ku sheegtay amarka ay dowladda saartay.

Waxay sidoo kale digniinta ku xoojisay carruurta, oo cunnada aadka basbaaska u leh ay u sababi karto dhibaato.

Ogeysiiskan ayaa dood adag ka abuuray baraha bulshada iyadoo falcelinno badan ay ka sameeyeen dadka jecel cunnooyinka basbaaska leh. Qaar badan ayaa wax ka sheegay sida dadka reer Denmark aysan dulqaad ugu lahayn basbaaska.

"Waxaa jiray saaxiibkey Denmark ku nool kaasoo u heystay in cunno filfil yar lagu daray ay tahay mid aad u kulul. Lama yaabbani waxay moodaan in baastadan ay tahay sun," waa faallo ka mid ah kuwa lagu soo qoray baraha bulshada.

Baasto

Xigashada Sawirka, Getty Images

Ma cadda in baastadan hore looga joojiyay dal kale. Waxay u muuqataa in dunida kale aan laga soo saarin digniin dhanka badqabka ah.

Maaddada capsaicin waa kiimikada ku jirta basbaaska ee sababta dareenka kuleylka.

Marka ay bani'aadamku cunaan basbaaska, maaddada capsaicin ayaa lagu sii daayaa candhuufta waxayna la falgashaa dareemayaasha afka.

Shirkadda Samyang waa tan soo saarta cunnada ee ugu weyn Kuuriyada Koofureed taasoo isku sheegta inay tahay shirkaddii ugu horreysay dalkaas ee soo saarta baastada sida fudud loo kariyo, sanadihii 1960meeyadii.

Maxaan u jecel nahay cunnada kulul?

Kuleyl

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Xitaa hannaankii lagu helay ee lagu soo saaray basbaaska capsaicin iyadoo uu jiro, haddana waxa uu ka kooban yahay kuleylkiisa aadka u daran waxaa weli ka taagan dood.

Seynisyahannada waxay ogyihiin in dhirtan ay u muuqato in ay sii kululaaneyso marba marka ka dambeysa, ayna soo saareyso wax kulul oo ay isaga celiso noolaha kale iyo cayayaanka cunaya.

Laakiin waxay u muuqataa in shimbiraha aysan wax dhib ah ku qabin.

Cilmi-baarayaasha Jaamacadda Arizona, ee dalka Mareykanka, waxay ogaadeen, sababta ay arrintaas ugu fiican tahay, dhirta basabaaska uu ka baxo.

Caloosha xaywaannada waxay baabi'isaa wixii ay cunaan, waxayna ka ilaalisaa jeermiska.

Laakiin shimbiraha sidaa ma ahan arrintooda - miraha waxay maraan calooshooda iyagoo aan burburin, marka ay ka soo baxaanna dib ayay u dhalan karaan mirahaas.

Haddaba, marka geedka basbaaska uu sii kululaado si uu noolaha kale isaga celiyo oo aysan u cunin, Maxaysan isaga celin karin bini-aadamka?

Mid ka mid ah aragtida la qabo waa in bini-aadamka uu dhedhemiyo cuntada basbaaska leh, sababtoo ah waa hantida ka hortagga fangaska iyo bakteeriyada.

Fikradda waxay tahay in dadka ay billaabeen in ay gartaan dhedheminta cuntada basbaaska leh ayna u badan tahay in aysan qurmin - Kuleylka wuxuu noqon karaa astaanta sababtay in cuntadaas aysan hallaabin.