Hadalo kulul oo la isku waydaarsaday shirka amniga ee Munich, yeyse dhexmareen?

Shirka Munich

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, Marco Rubio, ayaa sabtida ku dhawaaqay isagoo ka qayb galaya shirka amniga ee Munich in Maraykanku uusan doonayn inuu "kala qaybiyo" NATO, balse uu doonayo inuu "kiciyo" oo xoojiyo, farriin uu u diray hoggaamiyeyaasha Yurub.

Rubio ayaa sheegay, "Ma raadineyno kala qaybsanaan, balse waxaan dooneynaa inaan kicino saaxiibtinimo hore oo aan dib u cusboonaysiino ilbaxnimadii ugu weynayd ee taariikhda aadanaha," isagoo intaas ku daray, "Waxa aan dooneyno waa isbahaysi si xoog leh dib loo cusboonaysiiyay."

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa caddeeyay in Maraykanku, hoggaamintiisa Donald Trump, uu doonayo inuu hogaamiyo dib-u-habeyn iyo soo-cusboonaysiin caalami ah.

"Maraykanku waxaa kaxeeya aragti ku saabsan mustaqbal leh sharaf, madax-bannaani, iyo firfircooni, oo la jaanqaadaya taariikhda ilbaxnimadeenna," ayuu Rubio ka sheegay shirka Munich. "In kasta oo aan diyaar u nahay, haddii loo baahdo, inaan tan keligood sameyno, haddana waxaan doorbideynaa oo rajeyneynaa inaan wada sameyno idinka, saaxiibadayada halkan Yurub."

Tani waxay ku soo beegantay xilli su'aalo laga keenayo ballanqaadka Mareykanka ee isbahaysiga militariga ee NATO. Hoggaamiyeyaal badan oo Yurub ah ayaa sidoo kale u arka hamiga Trump ee Greenland jiho cusub oo wiiqday kalsoonida ay ku qabaan xulafadooda ugu dhow.

Trump ayaa Jimcihii wariyeyaasha ugu sheegay bannaanka Aqalka Cad, "Greenland way na doonaysaa... Xiriirka aan la leenahay Yurub aad buu u wanaagsan yahay. Waan arki doonnaa sida wax u socdaan. Hadda waxaan ka wada xaajoonaynaa Greenland."

Dhanka Qaramada Midoobay, Rubio wuxuu sheegay in ururka caalamiga ah uusan "ku lug lahayn" xalinta khilaafaadka, isagoo ku baaqay in dib-u-habayn lagu sameeyo hay'adaha caalamiga ah.

Rubio wuxuu yiri "Qaramada Midoobay wali waxay leedahay awood weyn oo ay ku noqon karto aalad wanaagsan oo adduunkaah " isagoo raaciyay: "Laakiin ma iska indho tiri karno xaqiiqda ah inaysan maanta jawaab u hayn su'aalaha ugu muhiimsan ee na hor yaal, isla markaana aysan wax door ah ka ciyaarin. Ma aysan awoodin inay hesho xal u helidda dagaalka Gaza."

Iyadoo shirka sanadlaha ah sidoo kale looga hadlay dagaalka Ruushka iyo Ukriane, Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa sheegay in uusan ogeyn in Ruushku uu si dhab ah uga hadlayo ujeeddadiisa ah in la soo afjaro dagaalka Yukrayn, iyadoo Washington ay sii waddo inay ku riixdo heshiis nabadeed oo dhexmara labada dal.

Wuxuu intaas raaciyey Rubio isagoo shirka ka hadlaya "Ma ogin in Ruushku ay ka dhab yihiin joojinta dagaalka."

Wareeg cusub oo wadahadallo ah oo ku saabsan Ukraine ayaa la qorsheeyay inuu ka dhaco toddobaadka soo socda magaalada Geneva.

Starmer: Yurub waa inay dib u istaagtaa

Munich

Xigashada Sawirka, PA

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Khudbad uu ka jeediyay Shirka Amniga ee Munich, Ra'iisul Wasaaraha Ingiriiska Keir Starmer ayaa ku nuuxnuuxsaday in Yurub ay tahay inay istaagto oo ay u kacdo "waqtigan taariikhiga ah," isaga oo ku baaqay in la kordhiyo kharashaadka, la gaaro guulo waaweyn, lana hagaajiyo isku-duwidda dadaallada difaaca.

Waxaan ku gaari karnaa tan annagoo joojinayna ku mashquulka arrimaha labaad iyo dhisidda nooc ka xoog badan oo Yurub ah oo NATO ah, oo ay saldhig u tahay xiriir qoto dheer."ayuu yiri Starmer.

Wuxuu xoojiyey muhiimadda ay leedahay iskaashiga Mareykanka, isagoo yiri, "Waa inaan tan la sameynaa Mareykanka… Waa xulafo aan laga maarmi karin, ka qayb qaadashadeeda amniga Yuru." Wuxuu intaa raaciyay, "Waxa cusub waa in Yurub ay qaadato mas'uuliyadda difaaceeda… Adduunku si weyn ayuu isu beddelay, waana inaan helnaa siyaabo cusub oo aan ku difaacno qiyamkeenna iyo xukunka sharciga."

Mar sii horreysay isagoo khudbad ka jeedinayey shirka amniga ee Munich, Ra'iisul Wasaaraha Jarmalka Friedrich Merz ayaa ka digay in nidaamka adduunka ee ku salaysan xeerarka "uusan hadda jirin". isagoo tilmamay in xilligan oo awooddaha waawen loolamayaan in Yurub ay tahay inay diyaar u ahaadaan inay sameeyaan "naf hurnimo"

Ra'iisul wasaaraha ayaa sidoo kale qirtay "kala qaybsanaan qoto dheer oo u dhaxaysa Yurub iyo Mareykanka".

Dhanka kale Raysal Wasaarayaasha dalalka Denmark, Finland iyo Spain ayaa sidaas oo kale ka hadlay hadalada uu jeediyey xogyahah arrimaha dibada ee Maraykanka

Madaxweynaha Finland Alexander Stubb ayaa sheegay inuusan "aqbalayn doodda ah in qaaraddu si xun u socoto," isagoo intaas ku daray inuu isagu dhab ahaantii aad ugu faraxsan yahay.

Ra'iisul Wasaaraha Spain Pedro Sánchez ayaa isaguna ka hadlay, isagoo sheegay inuusan fahmin sababta maamulka Maraykanku ugu arko European Union "khatar." Maraykanku "waa inuu aqbalaa" in Yurub ay furfuran tahay isla markaana ay yeelan doonto midnimo iyo is-dhexgal ballaaran, ayuu yiri.

Ra'iisul Wasaaraha Denmark Mette Frederiksen ayaa sheegtay in dunidu ay ahayd tan ugu nabdoon tan iyo markii la sameeyay Qodobka 5aad ee NATO.

"Waxaan awoodnay inaan bixino xorriyad, dimuqraadiyad, barwaaqo iyo hodantinimo, kaliya sababtoo ah erayada ku qoran Qodobka 5aad," ayay tiri, iyadoo intaas ku dartay in tani muujinayso in xulafadu ay si wadajir ah u taagan yihiin.

Beijing: "Shiinuhu mas'uul kama aha dhibaatooyinka Yurub

Munich

Xigashada Sawirka, Getty Images

Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha Wang Yi ayaa Sabtidii sheegay inuu u sheegay dhiggiisa Jarmalka iyo Faransiiska in waddankiisu uusan mas'uul ka ahayn dhibaatooyinka soo food saaray Yurub, wuxuuna ku baaqay iskaashi dheeraad ah, sida uu xafiiskiisu sheegay.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha ayaa sheegtay in Wang Yi uu la kulmay dhiggiisa Jarmalka Johann Wadephul iyo dhiggiisa Faransiiska Jean-Noël Barrot Jimcihii iyagoo ka qaybgalaya Shirka Amniga ee Munich ee koonfurta Jarmalka.