Itoobiya: Kahor guurka ma waxaa qasab kugu ah inaad heysato tababar iyo shahaado?

Guurka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waqtiga akhriska: 2 daqiiqo

Dhowaanahan, dawladda Itoobiya waxay bixinaysay tababarro guurka ka hor ah, iyadoo laga dhigay qasab in la haysto shahaado si loogu oggolaado dhisidda qoys. Warkaan ayaa si ballaaran loogu baahiyay baraha bulshada ka dib markii warbaahinta gudaha sida Sheger FM 102.1 ay soo xigatay Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Bulshada, iyadoo sheegtay in dawladdu ay soo bandhigayso habraacyo cusub.

Sida ku cad warbixin ay baahisay Sheger FM 102.1 maalintii Jimcaha, habraac cusub ayaa la soo saari doonaa sannadka soo socda kaasoo dhigaya in la bixiyo tababarka guurka ka hor iyo in la qaato shahaado. Ka dib warbixintaas, waxaa si baahsan u faafay xan sheegaysa in marka ay habraacyadu dhaqangalaan, uusan qofna guursan karin isagoon shahaado haysan.

Si kastaba ha ahaatee, Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Bulshada ee Itoobiya ayaa bayaan ay ku daabacday boggeeda rasmiga ah ee Facebook maalintii Sabtida ku sheegtay in arrinta ku saabsan tababarka qasabka ah iyo shahaadada aysan waxba ka jirin.

"Waxaan caddaynaynaa in warbixinta oronaysa 'tababarka guurka ka hor iyo habraacyada looga horjoogsanayo dadka inay guursadaan shahaado la'aan si loo yareeyo furriinka sii kordhaya' ay tahay mid khaldan," ayay tiri wasaaraddu.

Wasaaraddu waxay sheegtay inay aaminsan tahay inay muhiim tahay in la tababaro dadka qorshaynaya inay guursadaan si ay aqoon ugu yeeshaan cutubka cusub ee noloshooda, loona dhiso qoys adag. Waxay sidoo kale xuseen in waayo-aragnimada tababarka guurka ka hor ay tahay mid laga isticmaalo dalal kale, oo hay'adaha diimaha ee Itoobiyana ay horay uga shaqaynayeen.

Hase yeeshee, wasaaraddu waxay adkaysay in sheegashada ah in habraacyadaas laga dhigayo qasab laga bilaabo sannadka soo socda ay tahay mid gebi ahaanba khaldan oo u baahan in la saxo. Waxay intaas ku dareen inay tijaabooyin la bilaabeen hay'adaha ay khayso oo ku saabsan sida tababarka loo bixin karo, ayna sii wadi doonaan hawshaas.

Waxaa kale oo ay wasaaraddu xustay inay diiradda saarayso ballaarinta iyo xoojinta adeegyada latalinta qoyska si looga hortago burburka guurka iyo kala fogaanshaha qoysaska. Ugu dambayntii, wasaaraddu waxay ugu baaqday dhammaan dadka ay khusayso inay ka qayb qaataan yaraynta furriinka iyo xoojinta qoysaska.