Sonja Nientiet: Haweynaydii reer Jarmal oo 7 sanno kadib afduubkeedii muuqaal cusub kasoo muuqatay

kalkaaliye caafimaad oo Jarmal ah, Sonja Nientiet, oo u shaqaynaysay Laanqeyrta Cas (ICRC), oo la afduubtay todobo sano ka hor ayaa ka soo muuqatay muuqaal cusub oo ku baahay baraha bulshada maalinimadii shalay. Waxa uu muujinayaa muuqaalkani in Sonja ay nooshahay marka loo eego dhacdooyin dhawaan ka dhacay gudaha Soomaaliya, oo uu ka mid yahay qaraxii lala beegsaday madaxweyne Xasan Sheikh.

Muuqaalkan, ayay si murugo leh ugu baaqaysaa dawladda Jarmalka, Ra'iisul Wasaaraha Olaf Scholz, iyo qoyskeeda inay si degdeg ah ugu dadaalaan xorriyaddeeda, iyada oo sheegtay in xaaladdeeda caafimaad ay si xowli ah uga sii dareyso.

Muuqaalka cusub oo loo badinayo in ay ka duubeen kooxda gacanta ku haysa ayaa Sonja waxay si qoto dheer uga hadashay xaaladdeeda sii xumaanaysa, iyada oo sheegtay in maalin kasta oo ay kusii jirto afduubka uu culays weyn ku hayo jirkeeda iyo maskaxdeeda.

Waxay canaan u jeedisay ICRC iyo dowladda Jarmalka, iyada oo ku eedaysay inaysan wax dadaal ah ku bixin sii deynteeda.

Si gaar ah ayay ula hadashay Ra'iisul Wasaare Olaf Scholz, iyadoo tiri: "Waxaan ku kalsoonahay adiga iyo naxariistaada. Inaad arrinkayga soo faragaliso waxay go'aamin doontaa nolol iyo geeri halka aan ku danbeyn doono."

Waxay sidoo kale muujisay cabsi ah in xaaladdeeda caafimaad ay kasii dari doonto haddii aan tallaabo la qaadin, iyada oo xustay in afduubayaasheeda ay dalabyo cad cad u jeediyeen dowladda kuwaas oo aan ilaa hadda wax xal ah laga gaarin.

Muuqaalkaan ayaa la soo galiyay kanaal YouTube oo ciwaankiisu yahay "Liibaan Osman", kaas oo sida ay muujineyso xogta ku qoran qaybta faahfahintiisa la sameeyay saacado kahor inta aan la baahin muuqaalka Sonja.

Sidee Loo Afduubtay Sonja Nientie?

Sonja Nientie waxaa la afduubtay goor fiid ah bishii May 2, 2018, xilligaas oo rag hubaysan ay xoog ku galeen xarunta ICRC ee Muqdisho. Xogta la helay xilligaas ayaa sheegtay in raggaas ay si qorsheysan u beegsadeen, iyaga oo ka qaatay gudaha xarunta ay ka shaqeynaysay.

Wax yar kadib, ICRC ayaa shaacisay war rasmi ah, iyaga oo ka walaacsan bedqabka Sonja, isla markaana ku baaqay in si degdeg ah loo sii daayo.

Daniel O'Malley, ku xigeenka madaxa ICRC ee Soomaaliya, ayaa markaas sheegay: "Waxay u shaqeynaysay si hagar la'aan ah si ay u caawiso dadka Soomaaliyeed ee u baahan gargaarka. Waa lama huraan in si degdeg ah oo shuruud la'aan ah loo sii daayo."

Hase ahaatee, wixii ka danbeeyay war-saxaafadeedkaas, wax wacaal ah looma hayn halka ay ku sugan tahay, iyadoo xitaa qeyb kamid saxaafada ka waranta gudaha Soomaaliya ay baahiyeen in lasii daayay.

Falcelinta Bulshada iyo Dowladda Soomaaliya

Muuqaalkan ayay si weyn uga falceliyeen qaar ka mid ah dadka isticmaala baraha bulshada ee Soomaalida, iyaga oo aad uga naxay muddada dheer oo ay afduubka ku jirtay.

Farriimo taageero ah oo loogu baaqayo in si degdeg ah loo sii daayo ayaa dad badani ku soo daabaceen barahooda bulshda, iyada oo dad badani ay ugu baaqayaan dowladda Soomaaliya inay tallaabo ka qaaddo arrintan.

Dowladda Soomaaliya wali kama aysan hadlin xaaladda Sonja Nientie.

BBC Somali waxay isku dayday inay la xiriirto Dowladda Soomaaliya si ay uga hesho jawaab rasmi ah, balse ma aysan haleelin wax war ah oo ku saabsan arrintan.