You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Imaam xabsi la dhigay kadib markii uu isku guuriyay lammaane aan qaan-gaarin
Maxkamad ku taalla dalka Britain ayaa xukun xabsi ah ku ridday imaam masaajid, kaddib markii lagu eedeeyay inuu isu-guurin sharci-darro ah u sameeyay "lammaane Muslim ah oo da'yar."
Markii xafladda guurka lagu qabtay masaajidka bishii Nofeembar 2023, gabadha iyo wiilkuba waxay ahaayeen 16 jir.
Imaamka masaajidka, oo lagu magacaabo Ashraf Usmani, ayaa u sheegay Maxkamadda Northampton Crown Court inuusan ogeyn in da'da ugu yar ee guurka ee England ay tahay 18 sano, sagaal bilood ka hor taariikhda guurka la sameeyay.
Ashraf Usmani, oo 52 jir ah, ayaa hore u qirtay labo dacwadood oo la xiriira abaabulka guur carruur ah intii lagu guda jiray dhageysi maxkamadeed oo ka dhacay Masaajidka Dhexe ee Northampton.
Garsooraha maxkamadda ayaa aqbalay in dhacdadani aysan ku lug lahayn "rabshad ama qasab", isla markaana wiilka iyo gabadhu ay si iskood ah ugu yimaadeen masaajidka Ashraf Usmani si la isugu meheriyo. Arrintaas awgeed, imaamka masaajidka waxaa lagu xukumay 15 toddobaad oo xabsi ah, balse xukunkaas waa la hakiyay muddo 12 bilood ah.
Maxkamadda ayaa sidoo kale loo sheegay in labada dhalinyaro, oo magacyadooda aan la shaacin karin sababo sharci awgood, ay horay u tageen masaajid kale, balse maamulka masaajidkaasi uu diiday inuu isu guuriyo maaddaama ay yaraayeen. Kadib ayay lammaanuhu u tageen Ashraf Usmani.
Waxaa kale oo maxkamadda loo sheegay in Ashraf Usmani uu oggolaaday inuu guurka u qabto si sharci-darro ah, isla markaana uu ka qaatay lacag dhan £50 oo shahaadada guurka ah.
Maxkamadda ayaa intaas ku dartay in guurka kaddib, lammaanuhu ay farxadda guurka la qeybsadeen saaxiibbadood.
Intii ay maxkamaddu socotay, qareenka difaaca James Gray ayaa ku dooday in Ashraf Usmani uu lahaa 20 sano oo waayo-aragnimo ah oo uu ku qabanayay xafladaha guurka, isla markaana tani ay ahayd khaladkiisii ugu horreeyay muddadaas. Qareenka difaaca ayaa sidoo kale sheegay in Ashraf Usmani uu codsaday baasaboorrada labada qof si uu u hubiyo taariikhda dhalashadooda, buuxiyay foomamka, isla markaana si sax ah ugu diiwaangeliyay guurka diiwaanka masaajidka.
"Arrimahan oo dhan waxay caddeynayaan in khaladkani uu ka dhashay aqoon-la'aan ku saabsan isbeddelka sharciga. Haddii ay ogaan lahaayeen in sharcigu isbeddelay, marnaba ma samayn leheen," ayuu yiri.
Munaasabaddan, garsooraha ayaa Ashraf Usmani kula hadlay isagoo leh: "Dhaqankaaga waxaa lagu tilmaami karaa oo keliya dayacnaan. Waxay ahayd inaad ogaato in sharcigu isbeddelay."
Ashraf Usmani ayaa markii dambe ka baxay maxkamadda isaga oo aan wax faallo ah bixin, isla markaana wejigiisa ku daboolay gacmihiisa iyo cimaamad uu watay.