You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Hadday iskaashadaan Robot iyo garaadka macmalka, ma qaban karaan shaqada bani'aadamka
Gacmaheena ayaa sameeya kumanaan shaqooyin adag ah maalin kasta, maka caawin karaa garaadka macmalka Robot-yada inay la tartamaan shaqooyinka aan caadiga ahayn ee bini'aadamka qabtaan?
Gacmaha bini'aadamka waa mid ka mid ah hormarsanaanta aan macquulka ahayn iyo habdhisnaanta qaybaha jirka bini'aadamku isula-falgalaan.
Waxa ay leeyihiin 30 muruq ka badan, 27 kala goys oo garab socda isku xirayaasha iyo seedo. Waxaa jira in ka badan 17,000 oo unugyada taabashada iyo neerfayaasha ku dhamaanaya calaacasha oo kaliya.
Sifooyinkan ayaa u ogolaanaya gacmaheena inay qabtaan shaqooyin aad u adag oo quruxsan, iyada oo loo marayo dhaqdhaqaaqyo balaaran oo kala duwan.
Laakiin arimahaasi mid kamid ah uma sheegi kartid Sarah de Lagarde. Bishii Agoosto 2022, waxa ay saarnayd meel buur ah. Waxa ay kortay buurta Kalimanjaro iyada oo la socota saygeeda, ladnaanna meesha ugu sareysa ka joogta. Laakiin bil ka dib, waxa ay aragtay iyada oo jiifta sariirta isbitaalka ayna soo gaareen dhaawacyo murugo leh.
Iyada oo ka soo laabatay shaqada, kuna socota guriga ayey De Lagarde ku simbiririxatay, kuna dhacday inta u dhaxaysa marinka tareenka iyo meesha dadku istaagaan marka ay raacayaan ee saldhiga High Barnet ee London, waxaa jabiyay laba tareen mid soo galayay iyo mid kasii baxayay saldhiga tareenka. Waxaa ay ku weysay gacanteeda midig inta ka hooseysa garabka iyo qayb kamid ah lugteeda midig.
Wakhti dheer oo soo kabasha ah kadib, waxaa uu adeegga caafimaadka qaranka Ingiriiska u soo bandhigay gacan sameys ah oo siisay wax yar marka loo eego dhaqdhaqaaqa caadiga ee gacanta. Waxaana badalka u muuqatay mid gacanta sameyskeeda xoogga saartay, laakiin aan shaqo badan qaban.
"Gacan dhab ah runtii uma muuqan, waxa ay ula muuqatay caruurtayda wax gurracan" ayay tiri Sarah.
Sagaal bilood oo ay ku dhibanayd inay qabato shaqada maalinlaha ayaa ugu dambayn loo soo bandhigay sheey isbeddel leh – Aalad gacan ah oo ku shaqeynaysa battari adeegsanaysana garaadka macmalka ee AI (artificial intelligence), waxaa ay odorosaysaa dhaqdhaqaaqa ay doonayso iyada oo bixinaysa ishaarooyin koronto yar ah oo ay kasoo qaadayso murqaheeda.
"Wakhti kasta oo aan sameeyo dhaqdhaqaaq waa ay baranaysaa" ayay tiri Lagarde". Mashiinka waxa uu baranayaa si uu aqoonsado hababka iyo filashooyinka curiyaha AI, halkaasi oo ay ka bilaabayso sadaalinta wax uu noqonayo dhaqdhaqaaqeyga xiga.
Horumarrada AI ayaa keenaya jiilasha mashiinada ay ku sii dhowaanayaan inay waafaqaan farsamo-badnida bini'aadamka.
Koobnaanta AI iyo Soo bixistii Robot-yada
''Waxaan dhowaan dhalay ilmahaygii iigu horeeyay. Daqiiqado markii ay dunida ku soo biirtay, gabadheyda gacanteeda yar ayay si jilicsan ugu duubtay farta hore ee gacanta igu lamaan. Ma awooddo in indhaheeda ay diirada ku saarto wax ka badan dhowr inji oo horteeda ah, gacanteeda iyo dhaqdhaqaaqa ay sameyn karto ayaa xadidan'' ayay tiri Sarah oo ka hadlaysa horumarrada jireed ee bini'aadamku sameeyo, yaraan ilaa weynaanta.
Waxaa ay intaasi ku dartay '' Bisha soo socota aragga gabadheyda ayaa horumar ku filan sameynaya si ay u siiso fahan qotodheer, iyada oo qaybta maskaxda ee maamusha dhaqdhaqaaqa ay sii hormarayso, waxaana ay siinaysaa kantarool dheeraad ah oo addimaheeda ay ku sameyso. Waxa ay ku qaadanaysaa gabadheyda sanado dhowr ah oo go'aan qaadasho iyada oo sameynaysa dadaal, iskudayo, khaladaad iyo ciyaar si ay u gaarto heerka farsamo-badnaata gacanta ee ay dadka waaweyni haystaan''.
Si lamid ah ilmaha oo baranaya sida loo isticmaalo gacmahooda, robot-yada farsameysan ee adeegsada AI waxa ay raacaan khariidad taas lamid ah. Robot-yada noocaas oo kala ah waa inay kula noolaadaan deegaan bini'aadamka oo ay bartaan sida loo fuliyo howlaha jireed ee ku salaysan khibrad hore.
''Dhaqan ahaa AI waxaa ay wax ka qabataa macluumaadka, halka Embodied AI ay garato, fahamto caalamka muuqda'' sida uu sheegay Eric Jing Du, oo ah borofesar Injeernimada madaniga ee Jaamacada Florida.
''Nidaamyada dareenka bini'aadamku waxa ay ogaan karaan isbeddellada dhaca daqiiqadaha, waxayna si degdeg ah ula qabsan karaan isbeddelada shaqooyinka iyo deegaanka''.
Robot-yada ayaa iyagana dhankooda muddo dheer lagu riyoonayay sidii ay u lahaan lahaayeen xariifnimada bini'aadamka.
Rustam Stolkin oo barafasor Robot-yada ka ah Jaamacada Birmingham ayaa hogaaminaya mashruuc lagu hormarinayo Robot-yada AI maamusho oo ah kuwo aad u farsamo badan oo awood u leh inay wax ka qabtaan qashinka Nukliyeerka ee qaybta tamarta.
Tusaale ahaan, shaqadani sida caadiga ah waxaa loo adeegsadaa robot-yada meelaha fog laga hago, Stolkin waxa uu hadda horumarinayaa robot-yada aragtidu hagayso ee aadi kara meelaha khatarta badan ee ay adag tahay in bini'aadamku ku dhiiradaan.
Xubnaha la farsameeyay ee bixinaya saadaasha
Dabcan fulinta ugu dambeysa ee Robot-da leh farsamada ayaa ah mid ku jirta xubnaha la farsameeyay oo badalaysa gacan bini'aadam oo shil ama cudur lagu waayay, tusaale ahaan gacanta lagu rakibay Sarah de Lagarde ayaa muujinaysa tusmada waxa la filan karo mustaqbalka.
Habka jawaab celinta dareemaha la sanceeyay ayaa weli ah kuwo aan sal lahayn, waxaana mar walba De Lagarde ay ku tiirsan tahay aragga marka ay sheey soo qabanayso, waxaana marmar dhacda inay illowdo inay wax hayso waana ay sii daysaa wixii ay xajinaysay, taasi oo keenta inay dhulka kaga dhacdo.
Marka loo barbar dhigo gacmaha bini'aadamka waxa ay isticmaalaan shabakadaha dareemayaasha taabashada ee faraha iyo calaacalaha si ay u dareemaan meesha wax ka jiraan iyo xadididda adkaanta aynu doonayno in aan ku xijino ama ku soo qaadno iyo dareenka haddii is-xoqiddu isbadasho.
De Lagarde oo wax laga weydiiyay halkii ay jeclaan lahayd inay ka aragto Tiknaloojiyada mustaqbalka ayaa sheegtay inay sawiranayso kordhinta robot-ka ee jirka intiisa kale oo aysan ku xaddidnaan farqiga addimada ama naafanimada, laakiinse ay noqoto mid ka caawin karta dadka waaweyn inay noqdaan kuwa firfircoon xilliga dambe ee da'dooda.