You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Maxay yihiin ciidamada Imaaraatka uu maalgelinayo ee Puntland?
Waxaa siyaabo kala duwan looga hadlay isla markaana cabasho laga muujiyay ciidamo la sheegay in ay yihiin kuwa badda Puntland, oo dhawaan magaalada Garoowe kula dagaallamay ciidamo ka soo horjeeday wax a badelka dasuurka Puntland.
Dagaalkaasi waxaa ku dhintay ku dhawaad 20 qof tiro intaa ka badana way ku dhaawacantay. Wixii intaas ka dambeyayna waxaa soo baxayay cabsho laga muujiyay doorkii ay ku lahaayeen dagaalkaasi.
Haddaba maxay yihiin ciidamadan laga cabanayo?
Ciidamadan waxaa la aasaasay sanadkii 2012-kii, xilligii dowladdii Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Faroole waxaa magacooda loo soo gaabiyaa PMPF. Waa ciidamo haysta hub iyo gaadiid culus oo loogu tala galay shaqada ay u huwanyihiin ee ah ilaalada badda.
Xaruuntooda ugu weyn waxay ku taallaa magaalo-xeebeedka Boosaaso ee gobolka Bari. Mar dambe ayaa la sii ballaariyay oo xarumo kale looga sameeyay degmooyinka Isku shuban, Xaafuun, Baargaal, Qandala, Eyl iyo Garacad.
Isbeddel ayaa hoggaanka ciidamadaan lagu sameeyay sanadkii 2020-kii waxaana agaasime looga dhigay Cabdirabi Cabdisamed Maxamed.
Markii uu dhammaaday barnaamijkii burcad-badeedda oo ay ku aasaasmen ciidamada badda Puntland, waxaa la sii joogteeyay in ay sii jiraan oo ay xoogga saaraan ilaalinta xeebaha si ay uga hortagaan tahriibayaasha sharci darrada ah, kalluumaysiga ajaanibta ee xeebaha Soomaaliya iyo argagixsada laga yaabo in mararka qaar ay halkaa wax kala soo degaan.
"Madaxweyne Cabdiwali iyo madaxweynihii ka horeyay waxay ku guuleysteen in ay sii joogteyaan siyaasaddii loo aasaasay ciidamadaan," ayuu yiri agaasimihii hore ee PMPF Maxamed Cabdiraxmaan Faroole oo BBC-da la hadlay.
Sidoo kale ciidamadaan ayaa marar kala duwan ka qayb qaatay dagaalladii Puntland iyo ururada Daacish iyo Al-shabaab ku dhex maray buuraha Galgala.
Ciidamada PMPF, ayaa muddadii ay ku jireen howgallada la dagaallanka burcad badeedda waxay soo badbaadiyeen dad ajaanib ah oo xeebaha Soomaaliya lagu afduubtay, iyagoo dhanka kalena gacanta ku soo dhigay dad iyo doomo si sharci ddarro ah uga jillaabanayay badda Soomaaliya gaar ahaan deegaannada Puntland.
Sababtii loo aasaasay
Baahida keentay waqtigaas waxey ahayd burcad-badeeddii jirtay ee afduubka ku haysay maraakiibta shisheeye gudaha dalka Soomaaliya. Si markaa looga hortago arrintaas, ayaa waxaa lagama maarmaan noqotay in la helo ciidamo gaar ah bad iyo barriba si ay uga hortagaan falalka burcadnimada oo xilligaasi ku badnaa Soomaaliya xeebaha dalka Soomaaliya.
"Xilligii ay xilka qabatay xukuumaddii Puntland ee madaxweyne Faroole, waxay xoogga saartay in taageero la helo si loola dagaallamo falalkii burcad badeedda," ayuu yiri agaasimihii ugu horreyay ee ciidamada badda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Faroole.
Markii uu dhammaaday barnaamijkii burcad badeedda waxaa la sii joogeyay in ay sii jiraan oo ay ilaaliyaan xeebaha si ay ula dagaallamaan tahriibka sharci darrada ah, kalluumaysiga ajaanibta ee xeebaha Soomaaliya iyo argagixisada mararka qaar laga yaabo in ay hub kala soo degaan xeebaha Puntland.
Inkastoo marba marka ka dambeysa ay tiradoodu kordheysay ciidamadan, haddana markii la aasaasay waxaa lagu bilaabay shan boqol oo askari (500) oo tababarkii ugu horeyay la siiyay. Haddase waxaaa lagu qiyaasaa tiradooda ku dhawaad laba kun marka lagu daro xitaa shaqaalaha u shaqeeya.
Dowladda taageerta
Bilowgii horaba dowladda Imaaraadka Carabta ayaa si hoose u taageeri jirtay ciidamadan, markii dambe oo dalku uu ka baxay ku meel gaarkiina si shaac ah ayaa Imaaraadku u taageeraa ilaa iyo hadda, sida uu sheegay Maxamed.
"Ciidamadan waxaa si joogta ah u siiya mushhaarkooda iyo qalabkoodaba dowladda Imaaraadka." Ayuu yiri Maxamed Cabdiraxmana Faroole oo BBC-da la hadlay.