Hay'adda sirdoonka jarmalka oo baahisay xog cusub oo ku saabsan sida uu u dhashay Fayraskii Covid 19

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Hay'adda sirdoonka dibadda ee Jarmalka ayaa aaminsaneyd in ay jirto 80-90% fursad ah in fayraska korona uu si shil ah uga yimi shaybaadh ku yaalla Shiinaha, sida ay sheegayaan warbaahinta Jarmalka.

Laba wargeys oo Jarmal ah ayaa sheegay in ay heleen faahfaahin ku saabsan qiimeyn ay sameeyeen hay'adda sirdoonka BND sanadkii 2020 balse aan la shaacin.

Hay'adda sirdoonku waxay lahayd tilmaamo muujinaya in Machadka Virology ee Wuhan uu sameynayay tijaabooyin lagu baddelayo fayrasyada sida ay jaanis ahaan ugu gudbi karaan bini'aadamka, sida warbixinnadu tilmaameen.

Shiinaha ayaa mar kale beeniyay arrintan, isagoo sheegay in sababta cudurka ay tahay in saynisyahannadu go'aamiyaan – wuxuuna xusay baaritaan ay sameysay Hay'adda Caafimaadka Adduunka (WHO) oo lagu sheegay in aragtida ah in fayrasku ka soo baxsaday shaybaar ay tahay "mid aan macquul ahayn".

Ma jiro is-afgarad buuxa oo ku saabsan sababta cudurka Covid-19 ku bilawday

Aragtida ah in fayrasku ka soo baxsaday shaybaadh ayaa si weyn looga dooday, iyada oo saynisyahanno badan ay sheegayaan in aanay jirin caddeyn sugan oo taageeraysa.

Hase yeeshee, aragtidii hore loo diidanaa ayaa hadda taageero ka heleysa hay'adaha sirdoonka qaar – BND-na waa hay'addii ugu dambeysay ee arrintan tixgelisa. Bishii Janaayo, hay'adda CIA-da Mareykanka waxay sheegtay in ay "u badan tahay" in fayraska korona uu ka yimi shaybaadh, halkii uu xayawaanka ka iman lahaa.

Sida ay weriyeen wargeysyada Die Zeit iyo Sueddeutscher Zeitung, hay'adda sirdoonka BND ayaa sanadkii 2020 shir ku qabatay Berlin si ay u baadho asalka fayraska Covid-19, hawlgalkaas oo loogu magac daray Project Saaremaa.

BND waxay aragtida shaybaadhka ku qiimeysay mid "macquul ah", inkasta oo aysan haysan caddeyn sugan. Waxay sidoo kale heleen tilmaamo muujinaya in dhowr jeer lagu xadgudbay xeerarka badqabka shaybaadhka.

Qiimeyntan waxaa amartay xafiiska Angela Merkel, oo markaas ahayd ra'iisul wasaaraha Jarmalka, hase yeeshee lama shaacin ilaa hadda. Sida wargeysyadu sheegeen, xogtaas waxaa la wadaagay CIA-da xilliga dayrta ee sanadkii hore.

Bishii Janaayo sanadkan, CIA-da waxay sheegtay in asalka cilmi-baadhista la xidhiidha ee cudurka ee ah in uu si dabiici ah ku yimid, ay ku tilmaantay in ay"kalsoonideedu ay hooseyso" marka la eego xogta la heli karo.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

BND iyo ra'iisul wasaaraha xilka kasii degaya Olaf Scholz labaduba way ka gaabsadeen faallo arrintan ku saabsan.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha, Mao Ning, ayaa jawaab ahaan sheegtay:

"Waxaan aaminsannahay in raadinta asalka Covid-19 ay tahay arrin cilmi ah oo ay tahay in saynisyahannadu si saynis ah u go'aamiyaan.

Gunaanadka ah in fayraskani si shil shaybaadh ugasoo baxsaday ay tahay mid aad u yar, waxaa gaadhay kooxda khubarrada ah ee Shiinaha iyo WHO kadib booqasho ay ku tageen shaybaadhada Wuhan iyo wadahadallo qoto dheer oo ay la yeesheen cilmi-badhrayaal.

Natiijadan sayniska ah oo la aqoonsaday waxay taageero ka heshay beesha caalamka iyo saynisyahannada.

Shiinaha wuxuu si adag uga soo horjeedaa wax kasta oo ah siyaasadeynta raadinta asalka cudurka Covid-19 la xidhiidha."

Baadhitaanka ay WHO sameysay horraantii 2021 waxaa lagu arkay koox saynisyahanno ah oo u duulay Wuhan si ay u baadhaan asalka cudurka safmarka ah.

Markii ay halkaas joogeen muddo 12 maalmood ah, oo ay booqdeen shaybaarka, kooxda waxay go'aamisay in aragtida sheegaysa in fayraska uu shaybaadh ka soo baxay ay tahay "mid aad u yar oo aan macquul ahayn".

Si kastaba ha ahaatee, dad badan ayaa tan iyo markaas su'aal geliyay natiijada, iyadoo koox saynisyahanno ah oo caan ah ay dhaliileen warbixinta WHO, iyaga oo ku eedeeyay inaysan si dhab ah u qaadin aragtida shaybaadhka – waxayna xuseen in aragtidaas si fudud looga hadlay dhowr bog oo keliya, iyada oo warbixinta guud ay boqollaal bog ka koobnayd.

Dadka taageersan aragtida asakeeda dabiiciga ah – taasoo lagu taageeray warbixinta WHO – waxay sheegayaan in Covid-19 uu kasoo yimi fiidmeerta (bats) kadibna uu ku faafay bini'aadamka, si u badan iyada oo uu maro xayawaan kale oo "u dhexeeyey.

Aragtidan waxaa si weyn loo aqbalay bilowgii cudurka safmarka, balse markii waqti dheeraad ah la qaadaa dhigay, saynisyahannadu ma helin fayras si sax ah ugu dhigma hidde-side ahaan (genetically) Covid-19 oo laga helay daanyeeraha ama xayawaan kale. Taas ayaa keentay in qaar badan ay shaki geliyaan aragtidaas.