Coronavirus: 'Xaaskeyga waxay dhimatay ayadoo sameyneyso wixii ay jecleyd’

Xilli xanuunka coronavirus uu saameyn ba'an ku yeeshay dalal badan oo caalamka ka mid ah ayaa waxaa maalamihii lasoo dhaafay lagu baraarugay khtarta ay wajahayaan shaqaalaha caafimaadka ee safka hore uga jira dagaalka ka dhanka ah cudurkan.
Dalal badan ayaa laga soo wariyay in dhakhaatiir badan iyo kalkaaliyeyaal la tacaalayay dad qaba Covid-19 uu xanuunka ku dhacay, kuwaas oo qaar kamid ah ay u dhinteen.
Dhakhaatiirta xanuunkan u dhintay waxaa kamid ah kalkaaliso u dhalatay dalka Indonesia.
Khubarada caafimaadka ee dalkaas ayaa sheegay in shaqaalaha caafimmaadka ee ku dadaalaya wax ka qabashada dadka uu ku dhacay xanuunka ay u baahn yihiin waxyaabo muhiim ah oo ay isaga difaaci karaan xanuunka.
"Haddii aan difaaci weyno iyaga, waa ay dhimanayaan" ayuu yiri Zubairi Djoerban oo ah madaxa guddiga loo xil saaray wax ka qabashada xanuunka corona ee dalka Indonesia.
Haweeney lagu magacaabo Ninuk, oo 37 sano jir ah ayaa qoyskeeda u sheegtay in ay aaminsan tahay in uu haleelay xanuunka, waxyar uun kahor inta aysan Dowladda Indoenesi ku dhawaaqin kiiskii ugu horeeyay.

Xigashada Sawirka, Novita Purwanti
"Waxaa i haleelay feyraska corona, ma kula tahay in aan ka badbaadi doono? ayay weydiisay seygeeda.
"Waxaan u sheegay in ay isdajiso, waxaa kale oo aan u sheegay in wax walba ay Alle gacantiisa ku jiraan, waxaana isku dayay in aan qalbiga u dejiyo" ayuu yiri Raul oo ah seyga kalkaalisada uu uu ku dhacay xanuunka.
Nasiib darro, Ninuk waxa ay u geeriyootay isla xanuunkaas, iyadoo jiifta sariirta isbitalka oo aanay cidkale wehlinin.
Arul wuxuu sheegay in xaaskiisa aysan xiran jirin qalabka la'iskaga difaaco xanuunka iyadoo weliba ka howl gali jirtay isbitaal ay dowladdu maamumusho oo ay ka shaqeyneeysay 12-kii sano ee la soo dhaafay.
Xaaskeyga waxay igu tiri "waxaan u noolaa inaan dadka daryeelo, waxaana dhintay anigoo sameynaayo wixii an jeclaa."
"Waxaan u sheegay caruurteena in hooyadood ay ahayd halyeey ayna tahay inay ku faanaan'," ayuu yiri.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Shaqaalaha caafimadka ee Indonesia ayaa dowladdooda ugu baaqaya inay siiso qalabka howlwadeennada ay iskaga difaacan cudurka, xilligan oo ay dagaal kula jiraan Coronavirus.
Ugu yaraan boqolkiibo 12 tirada dhiamashada ee sare u socota ee la diiwan geliyay waa dhaqaatiir, mana jirto cid xisaabineysa tirada dhimashada kalkaaliyasha dhimanaya.
Novita Purwanti iyo qaar ka mid ah kalkaaliyayaasha ay isla shaqeyaan oo ka howl gala xarun caafimaad oo dad weynaha loogu talagalay ayaa lacagtooda inta isku dardareen ku soo iibsaday qaar ka mid ah qalabka loo baahanyahay, wayna wada isticmalaan.
"Waan nadiifinnaa qalabka si aan mar kale u isticmaalno, inta aan sugeyno qalabka la'iskaga difaacayo cudurka ee ay ka keeneyso waaxda caafimaadka," sidaas ayey tiri Novita Purwanti.
"Ma iibsan karno cafuufka N95, aad ayuu qaali u yahay, aad ayeyna u adagtahay inaad hesho," ayey tiri Novita.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waxay ka mid tahay shaqaalaha furinta hore uga jira la dagaallanka cudurka Corona ee la aaminsanyahay inuu dunida ugu faafayo si ba'an.
Novita, oo ah hooyo dhashay labo caruur ah oo ay da'adoodu kala tahay 10 iyo 2 sano jir ayaa hada ka walaacsan aadidda shaqada.
"Aad ayaan u walbahaarsanahay, ma seexan karo, mar walba waxaan taabtaa dadka xanuunsan, ee aan hubin inay cudurka qabaan iyo in kale," ayey tiri.
Xitaa isbitaallada sida gaarka ah loo leeyahay ee ku yalla caasimadda dalkaasi ee Jakarta dhibaatada wey ka jirtaa, oo dhakhaatiirta ayaga ayaa soo ibsanaya qalabkii ay xiran lahayeen sida okiyaalaha iyo dharka la xirto marka ay dhaqaatiirta la tacaalayaan qof cudurka qaba.
"Waxay noqotay inaan soo ibsano maryaha afka lagu xirto , waxaan rajeynaya in dowladda ay na siiso qalbkii aan xiran lahayn si aan dalkeena ugu dagaalano," sidaasi waxaa yiri Ervan Surya, oo ka shaqeeya isbitaal ay gacanta ku hayso dowladda.
Daraasad uu sameyay machad fadhigiisu yahay London oo inta badan wax ka qora cudurada faafa ayaa ku qiyasay in boqolkiiba 2 dadka ku nool wadankaasi Indonesia uu haleelay Corona.
Iyadoo dalkaasi uu ku yaryahay qalabka baaritaanka lagu sameeyo ayaa qaar badan waxay ka cabsi qabaan in tirada dadka uu haleelay cudurka iyo kuwa u dhintayba ay intaa ay masuliyinta shegeen ay ka badantahay oo marka la eego Aasiya, Shinaha uu ku soo xigi karo dalkaasi.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Barasaabka Jakarta Anies Baswedana ayaa dadka u sheegay in eheladooda ay aasaan iyagoo xiran dharka qafilan haddii xitaa aanan laga helin xanuunka.
"Dabcan qaar kamid ah lagama baarin xanuunka, ama qaarkii la baarayna natiijadooda wali lama helin", ayuu yiri barasaabka caasimadda Jakarta.
Sida ay sheegeen dhakhaatiirta carruurta ee dalkaas, carruurta ayaa kamid ah dadka u dhintay xanuunkaas, waxaana Dr Aman oo kamid ah dhakhaatiirtaas uu sheegay in ay ku raadjoogaan macluumaadka la xiriira arrintaas.
Tirada dadka ee dalkaas oo aad u badan ayaa keentay in uu gabaabsi noqdo adeegga caafimmaadka, waxaana kunkii qof ku aadeysa hal sariir, sida ay sheegtay hey'adda caafimmaadka adduunka ee WHO.

Xigashada Sawirka, Ninuk
Shiinaha iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa sidoo kale la sheegay in ay dhanka tasiilaadka kaga wanaagsan yihiihn.
Sanadkii 2017-kii, hey'adda WHO ayaa sheegtay in afartii dhakhtar ee ee ku nool dalkaas ay ku aadayaan toban kun oo qof.
Toddobaadyo kahor ayay ahayd markii Dowladda Indonesia saraakiil ka tirsan ay dafireen in xanuunka uu si aad ah ugu faafayo dalkaas, waxaana ay sidoo kale aad uga gaabiyeen xakameynta duullimaadyadii ka imanayay Wuhan oo ah halkii uu markii hore ka dillaacay xanuunka.
Wasiirka caafimmaadka ee dalkaas, Terawan Agus Putranto ayaa toddobaadyadii lasoo dhaafay ku doodayay in xitaa hal kiis oo xanuunka ah aanan lagu arkin dalkaas, wuxuuna sababta ku sheegay "Alle bariga".
Hase yeeshee, toddobaadyo kaddib, waxaa isbaddelay xaaladda.
Bishii lasoo dhaafay, madaxweynaha dalkaas, Mr Joko ayaa qiray in dowladiisa aysan ka run sheegin maclumaadka la xiriira faafidda xanuunka, wuxuuna sababta ku sheegay in aysan dooneynin in dadweynaha qalqalaan.
Haatan waxaa ay xireen dhammaan xuduudaha dalkaas uu la wadaago dalalka deriska la ah, waxayna sidoo kale dowlad goboledyada usoo jeediyeen in dhammaan la hakiyo isu socodka dadka, arrintaas oo ay dad badan dalbanayeen.












