You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Maxay mucaaradka Somaliland sameyn doonaan ka dib 13-ka November?
Khilaafka ka taagan doorashada madaxtinnimada ee jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland ayaa mar kale xoogeystay, ka dib markii ay xukuumadda ku adkeysatay inay dhawaan qaban doonto doorashada lagu kala reebayo ururrada siyaasadda.
Mucaaradka ayaa ku hanjabay in wixii ka dambeeya 13-ka November aanay aqoonsan doonin sharciyadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Wasiirka warfaafinta Somaliland, Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) ayaa sheegay in loo gudbay wejiga ugu dambeeya ee hannaanka lagu kala saarayo ururada siyaasadeed ee doonaya inay noqdaan xisbiyada.
"Ka xukuumad ahaan siyaasadda la isla qaatay waxaa weeye in doorashooyinka si miisaan leh oo dhaqsa ah loo qabto oo marka la siiyo shahaadada ururnimada ku meel-gaarka ah in toos loo galo diiwaan gelinta, ka dibna la galo tartankii ururrada ee xisbiyada loogu gudbi lahaa oo waqti kooban lagu qabanayo sida la isla qaatay,” ayuu yiri wasiirka.
Waxa uu intaa raaciyay in saddexda xisbi qaran ee halkaa ka soo baxa ay ka qeyb qaadan doonaan doorashada madaxtooyada.
Wasiir Koore ayaa tilmaamay in Madaxweynaha Somaliland ay ka go’an tahay inuu qabto doorasho hufan, waxaana uu ugu baaqay dhinacyada kale inay ka qeybgalaan hannaanka.
Hase yeeshee, waxaa go’aankaas qaaddacay xisbiyada mucaaradka ah. Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID, Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in aanay aqbali doonin in doorashada ururrada laga hormariyo tan madaxtooyada.
"Madaxweynaha 12 maalmood ayaa [muddo xileedkiisa] uga haray. Doorasho ururro oo uu qaban karayaa ma jirto. Marka la gaaro 13-ka November, Muuse Biixi ha sheego Somaliland ta uu xukumo xuduudaheeda,” ayuu yiri guddoomiye Faysal.
Waxa uu sheegay inay hadda wadaan wadatashi ku aaddan tallaabada ay ku dhaqaaqi doonaan marka la gaaro 13-ka November oo ah maalinta ay buuxsameyso muddo xileedka shanta sano ah ee loo doortay Madaxweyne Muuse Biixi.
Guddoomiyaha UCID ayaa tilmaamay in Somaliland aanay ka socon doonin wax aan lagu heshiin, isagoo sheegay in muddo kordhinta uu Golaha Guurtida u sameeyay Madaxweynaha ay tahay mid sharci darro ah.
Qareen Guuleed Dafac oo ka faallooda arrimaha Somaliland ayaa ku doodaya in xaalku ka adag yahay sida la moodayo.
"13 November ka dib siyaasadda cakiran ee Somaliland waxa ay geli kartaa xaalad hubanti la’aan ah oo nooceedu aanu hore u soo marin Somaliland, haddii mucaaradku ku sii adkaysto diidmada muddo xileedka la kordhiyay ee madaxwaynaha. Waxa aan hadda la ogayn in mucaaradku soo celin doonaan isku soo baxyo la mid ah kuwii ay sameeyeen bishii August. Waxa aad muhiim u ah in dhinacyadu raadiyaan xal loo dhan yahay oo lagu furdaamiyo arrinka murugsan," ayuu yiri Guuleed.
Dhaq-dhaqaaqyada mucaaradka
Kulan u muuqday mid lagu taageerayo mucaaradka oo mid kamid ah beelaha ugu tunka weyn Somaliland ay todobaadkii hore ku yeelatay magaalada Burco, ayaa go’aannada ka soo baxay waxaa ka mid ahaa in haddii heshiis siyaasadeed ay xukuumadda la gaari weydo labada xisbi mucaarad ka hor 13-ka November, "aanay wax doorasho ah ka dhici doonin deegaannada beesha”.
Mucaaradka ayaa ku doodaya in Madaxweyne Muuse Biixi aanu dooneyn doorasho si xor ah u dhacda, isla markaana qorshihiisu yahay inuu soo saaro xisbiyo cusub oo uu kaga adkaan karo doorashada.
Muuse ayaa dhankiisa ku doodaya in sharciga uu dhigayo in tobankii sano ba mar la qabto diiwaangelinta ururro siyaasadeed oo cusub, isla markaan shatiga xisbiyada haatan jira uu dhacayo dhammaadka sanadkan.
Musharraxa xilka madaxweynaha ee xisbiga Waddani, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa horay u sheegay in doorashada madaxtooyada ay soo horreyn doonto, ayna ka qeybgali doonaan saddexda xisbi ee hadda jirta.
Taariikhda xeerka lagu muransan yahay
Xeerka Nidaaminta Ururrada iyo Axsaabta Siyaasadda waxa la ansixiyay sanadkii 2000 (Xeer Lr. 14/2000). Waxa uu bilow u ahaa hannaanka geeddi-socodka xisbiyada badan ee Somaliland kaga guurtay shir beeleedyada.
Dastuurka Somaliland qodobkiisa 9aad waxa ku qoran in nidaamka siyaasadeed ee Somaliland yahay hannaanka xisbiyada badan iyo in aan xisbiyadu ka badan karin sadex.
Xeer Lr. 14/2000 waxa uu jideeyey habka ay ku tartami karaan ururrada cusub si ay ugu gudbaan xisbiyo, kaas oo ahaa in ay ku tartamaan doorashada golayaasha deegaanka.
Doorashadii koowaad waxa la qabtay sanadkii 2002. Waxa ku soo baxay xisbiyada kala ah UDUB, UCID iyo Kulmiye.
Xeerka waxa wax-ka-bedel lagu sameeyey sanadkii 2011 ka dib markii madaxwaynihii hore ee Somaliland Axmed Siilaanyo u saaray guddi ka talo bixisa. Guddidu waxa ay ku talisay in ururrada la furo, iyada oo xeerka lagu kordhiyay in tobankii sanadood ba hal mar la furo ururro cusub.
Waxa la qabtay doorashadii golayaasha deegaannada sanadkii 2012, kaas oo ay ku soo baxeen xisbiyada kala ah UCID, Kulmiye iyo Waddani.
Tobanka sanadood ee ruqsaddooda xisbinimo waxa ay ku eg tahay dhammaadka sanadkan 2022.