You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Dhegeyso: Sidee ayay ku suurtoobeysaa in shaqaalaha gobolka Banaadir aan bishan la siinin mushaar?
Maamulka gobolka Banaadir ayaa faahfaahin ka bixiyay go'aan ay shaaciyeen oo ah in mushaarka shaqaalaha gobolka Banaadir bishan 9-aad loogu deeqi doono ciidanka dalka ee dagaalka kula jira al-Shabaab.
Waxaa uu maamulku sheegay in go'aankan la gaaray kadib kulan ay yeesheen maamulka sare ee gobolka.
Tallabadan ayay sheegeen inay tahay mid garab istaag loogu muujinayo ciidanka dowladda ee la dagaalamaya al-Shabaab.
Faahfaahin intaas dheer waxaan weydiinnay Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo ah guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir.