Xamaas oo ganafka ku dhufatay soo jeedin xabad joojin ah oo ay Israa'iil ogolaatay

Israa'iil ayaa dib u billowday duullaanka militari ee ay ku qaaday Xamaas ee Gaza bartamihii bishii Maarso ka dib markii ay burburtay xabbad joojin laba bilood ah.

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Israa'iil ayaa dib u billowday duullaanka militari ee ay ku qaaday Xamaas ee Gaza bartamihii bishii Maarso ka dib markii ay burburtay xabbad joojin laba bilood ah.

Xamaas ayaa BBC-da u sheegtay in hindise xabbad-joojin ah oo laga sameeyo Gaza oo ay Israa'iil ogolaatay in aysan ku jirin dammaanad qaadka in xabbad joojintu ay horseedi karto xabbad-joojin joogto ah.

Afhayeenku waxa uu sheegay in ay ka hor imanayso wadahadal ay Xamaas la yeelatay saraakiisha Maraykanka.

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa Khamiistii sheegay in Israa'iil ay "saxiixday" qorshaha ergayga Mareykanka Steve Witkoff, isla markaana ay jawaab rasmi ah ka sugayaan Xamaas.

Si kastaba ha ahaatee, sarkaal sare oo ka tirsan Xamaas ayaa markii dambe sheegay in heshiisku uu ka hor imanayo wada-hadalladii hore ee u dhexeeyey wada-xaajoodayaasha kooxda iyo Witkoff islamarkana ay diideen.

Sarkaalkan ayaa BBC-da u sheegay in yabooha aysan ku jirin dammaanad qaadka xabbad joojinta ku meel gaadhka ah ay horseedi doonto xabbad joojin joogto ah, iyo in aan dib loogu laaban hab-maamuuska bini'aadantinimo ee oggolaaday boqollaal baabuur oo gargaar ah in ay galaan Gaza maalin kasta intii lagu jiray xabbad-joojintii u dambaysay.

Si kastaba ha ahaatee, waxa uu sheegay in Xamaas ay wali la xidhiidho dhexdhexaadiyayaasha, isla markaana ay soo gudbin doonto jawaabteeda oo qoraal ah waqti cayiman.

Warbaahinta Israel oo soo xiganaysa mas'uuliyiin ka tirsan Israa'iil ayaa sheegay in ay arki doonaan Xamaas oo ku soo wareejinaysa 10 la hayste oo nool iyo meydadka 18 la haystayaal ah oo laba weji ah, taas oo ay ku beddelanayaan xabbad-joojin 60 maalmood ah iyo sii deynta maxaabiista Falastiiniyiinta ee ku jira jeelasha Israa'iil.

Mas'uulkan ka tirsan Xamaas ayaa sheegay in soo jeedintaasi aysan ku qancin shuruudihii ugu muhiimsanaa ee ay ka mid ahaayeen in dagaalka la joojiyo, isla markaana ay ka jawaabi doonaan waqtigeeda.

Mas'uulkan ka tirsan Xamaas ayaa sheegay in soo jeedintaasi aysan ku qancin

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Mas'uulkan ka tirsan Xamaas ayaa sheegay in soo jeedintaasi aysan ku qancin
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dowladda Israa'iil ayaan ka hadlin, balse Ra'iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa la sheegay in uu qoysaska la heystayaasha u sheegay Khamiistii in uu aqbalay qorshaha Witkoff.

Israa'iil ayaa go'doomin guud ku soo rogtay Gaza waxayna dib u billowday duullaanka militari ee ka dhanka ah Xamaas 18-kii Maarso ka dib markii ay burburtay xabbad joojin laba bilood ah oo ay garwadeen ka ahaayeen Mareykanka, Qatar iyo Masar.

Waxay sheegtay inay doonayso inay Xamaas cadaadis ku saarto sidii ay u sii dayn lahayd 58-ka lahayste ee ay weli gacanta ku hayso, kuwaasoo ugu yaraan 20 ka mid ah la rumeysan yahay inay nool yihiin.

Ku dhawaad 4,000 oo qof ayaa lagu dilay Gaza 10-kii toddobaad ee la soo dhaafay, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 600,000 oo qof oo kale ay mar kale ku barakaceen howlgallada dhulka ah ee Israa'iil iyo amarada daadgureynta, warbixin ay soo saartay hay'adda Qaramada Midoobay ee IPC ayaa ka digtay in ilaa 500,000 oo qof ay wajahayaan heerar masiibo ah oo gaajo ah bilaha soo socda.