Elon Musk oo ka tagayo shaqadii uu Trump u magacaabay

Ku soo dhowaada tebinta tooska ah ee maanta

Tebin toos ah

  1. Isra'iil oo isballaadhin ka wadda Daanta Galbeed

    .

    Xigashada Sawirka, AFP

    Israa’iil ayaa ku dhawaaqday ballaadhin weyn oo lagu sameynayo deegaameynta Yuhuudda ee ku yaalla Daanta Galbeed ee la haysto.

    Dhaqdhaqaaqayaasha nabadda ayaa sheegaya in tani ay tahay tallaabadii ugu weynayd ee noocan ah ee lagu kaco muddo ka badan 30 sano.

    Israa’iil waxay ogolaatay in la dhiso 22 deegaan cusub, kuwaas oo qaarkood horey loo dhisay iyadoo aan oggolaansho dowladeed la helin.

    Caalamku waxa uu u arkaa sharci-darro, inkasta oo Israa’iil ay arrintaas diiddo.

    Wasiirka difaaca Israa’iil, Israel Katz, ayaa sheegay in ballaarintaas ay hor istaageyso in la abuuro dowlad Falastiini ah oo madax-bannaan.

    Madaxtooyada Falastiiniyiinta waxay ku tilmaantay "kacsanaan khatar ah."

  2. Gabadh xabsi daa'in loogu xukamay ka 'ganacsiga carruurta'

    .

    Xigashada Sawirka, Executive Mayor Andrè Truter/ Facebook

    Haweeney u dhalatay Koonfur Afrika oo lagu helay dambiga ah in ay afduubtay isla markaana ka ganacsatay gabadheeda yar ee lix jirka ah ayaa lagu xukumay xabsi daa’im, iyada oo sida oo kalena lala xukumay laba ka mid ah saaxiibbadeed.

    Racquel “Kelly” Smith, saaxiibkeed Jacquen Appollis iyo asxaabtooda Steveno van Rhyn ayaa xabsiga loo taxaabay wax ka badan hal sano kadib markii la waayay gabadha yar ee Joshlin Smith, taasoo si qarsoodi ah uga luntay bannaanka gurigooda oo ku yaalla Saldanha Bay, meel u dhow Cape Town.

    Inkasta oo la sameeyay olole weyn oo lagu raadinayo gabadhaas oo la waayay bishii Febraayo 2024, haddana ilaa iyo hadda lama helin.

    Xukunka ayaa yimid kaddib siddeed toddobaad oo maxkamad socotay, taasoo si weyn u qabsatay dareenka shacabka Koonfur Afrika, iyadoo markhaatiyaal iyo dacwad-oogayaal ay soo bandhigeen eedeymo naxdin leh.

  3. Nin isaga oo aan filayn jabiyey rikoodh caalami ah

    .

    Xigashada Sawirka, .

    Nin Shiinees ah oo isticmaala saxiimadda duusha (paraglider) ayaa jabiyay rikoodh caalami ah si kama’ ah, kadib markii uu si mucjiso leh uga badbaaday dhacdo naxdin leh — balse wuxuu sheegay in khibraddaasi ay si xun u dhaawacday maskaxdiisa isla markaana ay ka niyad-jabisay duulista mar kale.

    Peng Yujiang ayaa qalab tijaabinayey isagoo ku sugan buuraleyda Qilian markii uu si lama filaan ah u galay daruur dabayl xooggan leh oo u qaaday cirka, kuna tuurtay in ka badan 8,000 mitir — taasoo u dhiganta ku dhawaad dhererka Buurta Everest.

    Duulistan oo si buuxda loo duubay, ayaa muujisay Yujiang oo la daalaa dhacaya qabow daran (frostbite) iyo neef la’aan (oxygen deprivation). Si kastaba ha ahaatee, saraakiisha isboortigu waxay ammaan u jeediyeen xirfadiisa badbaadada, hase yeeshee waxay sheegeen in rikoor kii uu jabiyay uusan ansax ahayn, maadaama uusan soo gudbin qorshaha duulista (flight plan).

    Dhibaato kale ayaa ku timid taas oo ah in uusan u hoggaansamin xeerarka duulista.

  4. Madaxweynaha Somaliland oo la kulmay Madaxweynaha Kenya

    .

    Xigashada Sawirka, FACEBOOK

    Qoraalka sawirka, .

    Sida uu sheegay Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, oo ka hadlayey furitaanka xafiiska Somaliland ee Nairobi ayaa maanta aroortii hore waxa ay kulmeen madaxweynaha Kenya, William Ruto.

    Kulankan ayaa uu Cirro uu shegay in ay ka wada hadleen xidhiidhka labada dal. Kulankaas oo sida oo kale uu sheegay in ay si wanaagsan 'isu afgarteen'.Madaxweynaha Somaliland ayaa maalmihii u danbeeyey ku sugnaa Nairobiu, iyada oo halkan uu kulammo kala qaadano masuuliyiin kala duwan, xilli sida uu xadhigga ka jaray xafiis cusub oo wakiillada Somaliland ee Kenya ay u soo guureen.

  5. Maxay dadka dheer yihiin raggan ay dumarku u doontaan uurka?

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Haweeney Jarmal ah ayaa tagtay magaalada Ladakh waxayna maalmaheedii ku qaadatay inay la sheekaysato nin u dhashay deegaanka.

    Waxay halkaa u tagtay oo keliya inay uur yeelato, haddaba maxay tahay sababta ku kalliftay in ay dalkeeda kasoo safarto si ay xiriir ula sameyso nin kale oo ajinabi ah?

    Sababta ayaa ah dadka deegaanka Brokpa.

    Dooxada Indus ee magaalada Ladakh waxaa ku yaal tuullooyin lagu magacaabo Biama, Dah, Hanu iyo Darchik. Ilaa 5000 oo qof oo ka mid ah bulshada Brokpa ee deegaankan ku nool ayaa isku haysta inay yihiin 'dad nadiif ah'.

    Kor u qaadista iyo faafinta xogtooda lagu baahiyay baraha bulshada ee macluumaadka ku saabsan dadkan Brokpa, ayaa gaaray meel kasta oo adduunka kamida. Waxaa la sheegay in haweenka ka yimaada dalalka caalamka ay halkaas u tagaan 'dalxiiska uurka'.

    Haddaba haween ajaanib ah ayaa halkaas u taga iyagoo damacsan inay uur qaadaan, si ay u dhalaan carruur ka dhalatay qowmiyaddan loo yaqaanno Aryan-ka, iyagoo xiriir la sameynaya ragga deegaanka.

    Hase yeeshee dadka Brokpa ma jecla in ay ka hadlaan waxyaabo badan oo iyaga ku saabsan, waxa ay ku didayaan sumcad xumo ku timaadda dhaqanka bulshadooda.

    Sheekada 'Ubadka. Raadinta nadiifka ah'. Dokumentigan waxa sameeyay Sanjeev Sivan sanadkii 2007-dii

    Dukaanle ku sugan tuulada Batalik ayaa xogtan bixiyay isagoo codsaday in aan magaciisa la shaacin.

    Dhowr sano ka hor waxaan malin dhan hoteel kula qaatay gabadh Jarmal ah. Intaa kadib waxa ay yeelatay uur. Dhawr sano kadib ayay ii timid si ay ii tusto wiilkii ay dhashay, ayey ahayd xogtii uu bixiyay.

    Waa maxay astaamaha lagu garto bulshadan?

  6. Muxuu Trump ka yiri go'aankii ka soo baxay maxkamadda

    .
    Qoraalka sawirka, .

    Maxkamad federaali ah oo ku taal Mareykanka ayaa xukuntay in madaxweyne Trump uu ka takarifalay awoodiisa isagoo ku canshuuraha soo rogay caalamka. Tallaabadaas oo dhabar jab weyn ku ah qeyb muhiim ah oo ka mid ah siyaasadiisa dhaqaale ee dalkaas. Maxkamadda Caalamiga ah ee Ganacsiga ayaa sheegtay in Dastuurka Maraykanku uu Congress-ka siinayo awoodo gaar ah oo uu ku maamulo ganacsiga dalalka kale.

    "Ma ahan in garsoorayaasha aan la dooran ay go'aan ka gaaraan sida saxda ah ee wax looga qabanayo xaaladda degdegga ah ee qaranka," ku xigeenka xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad Kush Desai ayaa ku yiri hadal uu soo saaray.

    ,Xeer ilaaliyaha guud ee New York Letitia James oo ay marar badan isku dhaceen Trump ayaa soo dhaweysay go'aanka.

    "Madaxweyne Trump wuxuu ballan qaaday inuu Ameerika ka hor marin doono, maamulkana waxaa ka go'an inuu adeegsado awood kasta oo awood fulineed si wax looga qabto dhibaatadan oo loo soo celiyo Weynaanta Mareykanka," ayuu

    raaciyay.

    Xeer ilaaliyaha guud ee New York Letitia James oo ay marar badan isku dhaceen Trump ayaa soo dhaweysay go'aanka.

    Maxkamaddu waxay ku raacday koox ganacsato ah iyo isbahaysiga mas'uuliyiinta gobolka oo laba dacwadood oo kala duwan ka gudbiyay. Maxkamaddu waxay xukuntay sharciga "ma ogola" madaxweynaha inuu isticmaalo sharciga awoodaha degdegga ah si uu u soo saaro canshuuro dheeri ah.

    Tarif waa canshuur laga qaado badeecadaha laga keeno wadamada kale. Caadi ahaan, waxay yihiin boqolleyda qiimaha alaabta.

    Suuqyada caalamka ayaa si cad u jecel xukunka maxkamada New York.

    Dhanka kale Elon Musk ayaa sheegay inuu ka tagayo maamulka Trump ka dib markii uu gacan ka geystay olole balaaran oo lagu dhimayay baaxadda tirada shaqaalaha dowladda Mareykanka islamarkana kumanaan shaqaale oo federaal ah shaqada laga ceyriyay.

    Qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada ee X ayuu maalqabeenka adduunka ugu mahad celiyay Trump fursadda uu ku caawinayo socodsiinta waxqabadka waaxda dowladda ee loo yaqaan Doge.

    Doorkiisu waxa uu ahaa mid ku meel gaar ah ka bixistiisa shaqada ma aha mid lama filaan ah, balse waxay ku soo beegantay maalin kadib markii Musk uu dhaleeceeyay gundhigga sharci dejinta ee ajandaha Trump.

  7. Boqoradii ugu saameynta badan taariikhda Islaamka ee 'saaxiradda' lagu naaneysay

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Aniga oo isticmaalaya barta bulsho ee X, ayaa ereayo af-carabi ah oo lagu dul xardhay sawirka kor ka muuqda oo leeyahay dugsi ku yaalla Wuqooyiga Afrika, ay dareenkeyga soo jiiteen.

    Inkasta oo aanan carabiga sidaas u aqoon, ayaa hadana waxaan fahmay macnaha erayadaas. Waxaa meesha ku qornaa 'Dugsiga saree e Zainab Al-Nafsawiya ee gabdhaha'.

    Sawir kale oo ku dhaganaa tabeele meesha ka agdhaw ayaa waxaa lagu qoray in boqoradaan ay ahayd mid noolayd intii u dhaxeysay sanadihi 1009 ilaa 1106 ayna ahayd xaaska Yusuf Bin Tashfin. Sida laga soo xigtay faylasuufka iyo taariikhyahankii Ibnu Khalduun – waxaa loo aqoonsaday in ahayd “mid ka mid ah haweenka dunida ugu caansan, quruxdeeda iyo hugaaminteeda awgeed”.

    Waxaan ka akhriyey in boqortooyadii taliyahii weynaa - Yuusuf bin Tashfiin ee caanka ku ahayd duubka weyn ee buluugga ah, ay ku fiday saxaraha ay ku nool yihiin qowmiyadda Berber ka, ilaa iyo qaybo ka mid ah dhulka maanta loo yaqaan Morocco, Algeria iyo Spain.

    Maaddaama Ibn Khalduun uu ka hadlay hoggaanka Saynab, ayaan rabay inaan xog intaas ka sii ogaado. Tani waa waxa aan ku helaybaaristii aan ku sameeyay noloshii Saynab al-Nafsawiya, oo ah haweeney caan ka ah taariikhda Islaamka.

    Qoraaga reer Morocco, Fatima Marnissi ayaa boqoraddaan boos wayn ka siisay buuggeeda 'Haweenkii Boqorada ahaa ee Islaamka ee la illoobay'.

    Intii u dhaxaysay 1061 iyo 1107 Saynab al-Nafsawiya waxay ahayd mid maamusha boqortooyo aad u balaadhan oo ku fidsan waqooyiga Afrika ilaa Spain. Waxayna xukunka la haysay ninkeedii Yuusuf bin Tashfiin.

    Taariikhyahanadu waxay u bixiyeen Saynab 'Al-Qayma Bamlakihi', oo macnaheedu yahay taliyaha boqortooyadii ninkeeda ama jilaha ugu muhiimsan ee maamula.

  8. Maxkamad Minnesota ku taala oo laba nin ku xukuntay 10 sano oo xarig ah

    .

    Xigashada Sawirka, BBC Gujarati

    Qoraalka sawirka, .

    Maxkamad ku taal gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa xukun toban sano ah ku ridday labo nin oo lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen dhimashada qoys u dhashay dalka Hindiya oo baraf u dhintay xilli ay isku dayayeen inay Mareykanka ka soo galaan dalka Canada.

    Harshkumar Ramanlal Patel iyo Steve Anthony Shand, ayaa lagu helay dambi la xirriira ka ganacsiga dadka, shirqoolka iyo dil bishii November ee la soo dhaafay.

    Saraakiisha ayaa sheegay in Jagdish Patel, xaaskiisa Vaishaliben iyo caruurtooda ay ku socdeen heerkul hoose oo aan ka yarayn -8 degree Celsius.

    Meydadka Jagdish Patel, oo 39 jir ah, xaaskiisa Vaishaliben, 37 jir ah, iyo laba carruur ah oo ay dhaleen, Vihangi oo 11 jir ah iyo Dharmik oo saddex jir ahaa, ayaa la helay bishii Janaayo sanadkii 2022-kii.

    Lammaanaha Hindida ee dhintay ayaa labaduba ahaa macalimiin.

  9. Maalqabeenka Elon Musk oo ka tegaya shaqadii uu Trump u magacaabay

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, .

    Bilyaneerka Elon Musk ayaa bartiisa bulshada ee X ee hore oo oran jiray Twitter kaga dhawaaqay in uu ka tagayo shaqadii uu u magacaabay Donald Trump, oo ah xubinamada guddiga kharashka dhimista ee madaxweynaha.

    Musk ayaa sheegay in waqtigii loo qorsheeyay ee ahaa in uu ahaa shaqaale dowladeed oo gaar ah uu dhamaaday, waxaana uu uga mahadceliyay Trump fursada uu siiyay.

    Waxaa uu gacan weyn ka geystay olole ballaaran oo lagu dhimayo baaxadda tirada shaqaalaha ee dowladda Mareykanka sla markaana kumanaan ka tirsan shaqaalaha dowladda shaqada laga ceyriyay.

    Tehistiisa ma aha mid lama filaan ah, waxayna ku soo beegantay maalin un ka dib markii uu Elon dhaleeceeyay gundhigga sharci dejinta ee agendaha Trump.

    Waxaa uu kaalin weyn ka qaatay isbedellada uu maamulka Trump ka waday Mareykanka.

    Sidoo kale akhriso...

  10. Hindiya: Ninkii haddiyad ahaan usoo diray 'bambadii arooska' oo xukun lagu riday

    .

    Xigashada Sawirka, Facebook/Punji Lal Meher

    Qoraalka sawirka, .

    Nin maamule kuleej ka ahaa gobolka bariga Hindiya ku yaalla ee Odisha ayaa xabsi daa'im lagu xukumay sababo la xiriira inuu diray haddiyad bambo oo dishay nin aroos cusub ahaa iyo eeddadiis sanadkii 2018.

    Maxkamad ayaa ku heshay Punjilal Meher, oo 56 jir ah, dembi dil, isku day dil, iyo adeegsiga waxyaabo qarxa oo loo aqoonsaday kiiska "bambada arooska" ee hadlal-heynta ka dhaliyay Hindiya.

    Bambada, oo loo ekeysiiyay haddiyad aroos ahaan, ayaa loo diray guriga Soumya Sekhar Sahu, oo ahaa 26 jir injineer dhanka software-ka, maalmo uun kadib arooskiisa.

    Markii lammaanaha ay fureen xirmada haddiyadda, way ku qaraxday - waxay dishay Sahu iyo eeddadiis, halka xaaskiisa, Reema, oo furtay haddiyadda, uu soo gaaray dhaawac halis ah.

    Inkastoo ay garwaaqsatay doodda dacwad-oogaha ee ah inuu ahaa dembi "wuxuushnimo ah", maxkamadda ayaa haddana laashay inay ku tilmaanto kiiska "ugu dhif iyo naadirsan" ee u qalma xukun dil.

    BBC ayaa dhacdadan ku tebisay taxaneyaal baaritaan ah oo faahfaahsanaa kana koobnaa labo qeybood.

    Qaraxii bishii February 2018 ka dhacay Patnagarh, oo ka tirsan degmada Bolangir ee gobolka Odisha.

  11. Ra'iisul wasaaraha Israa'iil oo sheegay in la dilay hoggaamiyihii Xamaas ee Gaza Maxamed Sinwar

    .

    Xigashada Sawirka, IDF

    Qoraalka sawirka, .

    Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in milatarigoodu ay “ka takhaluseen” hoggaamiyihii Xamaas ee Gaza Mohammed Sinwar, oo ka mid ahaa ragga sida weyn loo doondoonayo, isla markaana ay walaalo yihiin hoggaamiyihii geeriyooday ee kooxdaas Yahya Sinwar.

    Mohammed Sinwar ayaa ahaa bartilmaameedka weerar ballaaran oo Israa'iil ay ka geysatay barxadda iyo agagaarka isbitaalka Yurub ee ku yaalla koonfurta magaalada Khan Younis 13-kii Maajo, kaas oo ay milatariga Israa'iil sheegeen in ay burburiyeen "kaabayaasha dhulka hoostiisa" ee Xamaas ee halkaas.

    Wasaaradda caafimaadka ee Gaza oo ay maamusho Xamaas ayaa sheegtay xilligaas in 28 qof ay ku dhinteen. Xamaas lafteedu ma ay xaqiijin mana beenin geerida Sinwar.

    Yahya Sinwar, oo ahaa maskaxdii ka dambeysay weerarkii 7-dii Oktoobar 2023 lagu qaaday Israa’iil, waxaa dilay ciidammada Israa’iil bishii Oktoobar ee la soo dhaafay.

    Israa'iil ayaa Qaza ka billowday olole milateri oo ay kaga jawaabayso weerar ay Xamaas ku qaadday xuduudda 600 maalmood ka hor, kaasoo lagu dilay illaa 1,200 oo qof, 251 kalena lagu qafaashay.

    Ugu yaraan 54,084 qof ayaa lagu dilay Gaza tan iyo markaas, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee dhulkaas.