You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Waa kuma Maxamed Maxamed Sinwar, Ninka Netanyahu sheegtay in uu dilay
Ra'isul Wasaaraha israa'iil Benyamin Netanyahu ayaa ku dhawaaqay dilka Maxamed Sinwar, "mid ka mid ah ragga ugu doonista badnaa" ee Israa'iil muddada dheer ku raad joogtey, isla markaana ah walaal ka yar hoggaamihii hore ee dhaqdhaqaaqa Xamaas, Yaxye Sinwar. Haddaba maxaan ka naqaan maxamed Sinwaar?
Tan iyo dilkii Yaxye Sinwar oo ahaa madixii xafiiska siyaasadda Xamaas, iyo Maxamed Deyf oo ahaa taliyaha garabka militari ee Guutada Cissadiin al-Qassam, waxaa jirey warar la isla dhex marayey oo ku aaddan awoodda isa soo tareysey ee Maxamed Sinwar, gaar ahaan marka ay timaaddo gaarista go'aamada maamulka kooxda ee marinka Qasa.
Tani waxay imaaneysaa iyadoo uu Qasa ka socdo dagaal muddo sanad iyo bar ah socday, kaas oo uu hareer socdo dadaal lagu doonayo in heshiis lagu gaaro, isla markaana lagu furdaamiyo sii deynta maxaabiis ay kala haystaan Israa'iil iyo Xamaas.
Maxamed Sinwar wuxuu horay xilal sar sare oo dhanka amniga ah uga soo qabtay Guutada Qasaam ee ururka Xamaas oo awood aad u ballaaran ku dhex leh marinka Qasa. Wuxuuna aad ugu dhawaa walaalkiis Yaxye Sinwar, taasina waxay siisay galaangal dheeri ah oo u suurtogeliyey in loo saadaaliyo dhaxlidda xilkii walaalkiis ka geeriyoodey.
Israa'iil ayaa in muddo ah ku raad joogtey Sinwar, wuxuuna ugu yaraan shan jeer ka bedbaadey iskuday lagu doonayey in lagu khaarijiyo, iyadoo wax laga saarayo ku lug yeelashada hawlo militari oo Israa'iil ku lid ah, sida afduubka askeri israa'iili ah oo lagu magacaabi jirey Gilad Shalit.
Dhalashadii iyo korriinshii Maxamed Sinwar
Waxaa aad u adag in xog dheeri ah oo la xiriirta nolosha Maxamed Sinwar laga helo ilo wareedka Carbeed iyo kuwa Falastiin ee BBC-du l hadashay, sababo la xiriira daruufahiisa militari. Haddana waxaa la rumeysan yahay in uu ku dhashay magaalada Khan Yuunis ee ku taal koonfurta marinka Qasa sannadkii 1975.
Qoyskiisa waxay ka soo qaxeen magaalada Ashkelon ee hadda Israa'iil haysato 1948, intaas ka dibna waxay dageen koonfurta Qasa.
1991, Maxamed Sinwar waxaa loo tixaabay xabsi ku yaal Israa'iil oo lagu magacaabo Ketziot, halkaas oo uu 9 bilood oo xarig ah ku soo qaatay, ka dib markii lagu tuhmay ku lug yeelashada falal argagixiso.
Markii weerarrada Xamaas ee Israa'iil ku wajahan ay labo lixaadsadeen wixii loo soo gaarey sannadkii 2000, waxaa sare u kacay magaca iyo kalsoonida Maxamed Sinwar, wuxuuna magaciisu noqday mid lagu lammaaniyo walaalkiis Yaxye Sinwaar oo xilligaas ku jirey gacanta Israa'iil.
Intaas ka dibna wuxuu la xirtay taliyeyaal door ah oo hoggaaminayey garabka militari ee Xamaas, ugu dambeyntiina ka mid noqday saraakiisha ururka, sida Maxamed Deyf, Sacad al-Carabid, iyo qaar kaloo badan, ku waas oo si wadajir ah isugu duway awoodda militari ee dagaalyahannada kooxda.
Sida laga soo xigtey saraakiil k a tirsan Israa'iil, Maxamedd Sinwar wuxuu ka mid ahaa kuwii afduubtay askeri ka tirsanaa ciidanka Israa'iil oo lagu magacaabi jirey Gilad Shalit sannadkii 2006, kaas oo 5 sano ka dib lagu soo beddeshay walaalkiis Yaxa Sinwar iyo 1,027 oo maxaabiis Falastiiniyiin ah.
Ninka dahsoon
Maxamed Sinwar wuxuu tobannaankii sano ee ugu dambeeyey ku noolaa si dhuumaaleysi ah, asagoo daaha gadaashiisa ka maamulayey hawlaha militari ee ururka Xamaas. Wuxuuna taas ku muteystay naynaasta ah ninkii dahsoonaa. Wuxuuna uu si buuxda gacanta ugu hayey istiraatijiyadda dagaal ee kooxda, gaar ahaan tabaha iyo xeeladaha militari ee ururka. Waxaana waji ahaan u yaqaanney dad faro ku tiris ah.
Ururka xamaas illaa hadda kama hadlin sheegashada Israa'iil ee ku aaddan dilka Maxamed Sinwaar.
Haddiisa warkan rumoobo, wuxuu ka dhigan yahay dharbaaxo kale oo soo gaartey hoggaanka ciidan ee Xamaas oo dagaalladii ugu dambeeyey ku weydo qaar ka mid ah dagaalyahanno ruug caddaa ah.