Dhegeyso: Somaliland oo ka hadashay socdaalka madaxweyne Cirro ee Kenya iyo kulankii uu la yeeshay madaxweyne Ruto

Madaxweynaha Jamahuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqaday ee Somaliland oo socdaal maalmahaan ku jooga magaalada Niarobi ee dalka Kenya ayaa kulan saaka la yeeshay madaxweynaha Kenya Wiliam Ruto.

Madax ka tirsan wafdiga Cirro ayaa sheegay in kulanka looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin dhaqaalaha iyo waxa ay labada dhinac iska kaashan karaan.

Sidoo kale madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro iyo wafdigiisa ayaa kulamo la yeeshay wakiilada iyo safiirada caalamka ee fadhigoodu yahay Niarobi, ayadoo Cirro uu xarigga ka jaray xafiiska Somaliland ay ku leedahay Nairobi.

Haddaba waxaa wafdiga madaxweyne Cirro ka mid ah wasiirka madaxtooyada Somaliland Khadar Xuseen Cabdi, oo arrimahaas uga warramay Xasan Sheekh Cumar.