Baadigoobka loogu jiro xalka sababta aad marwalba u daalan tahay xitaa hurdada kadib iyo waxay dhakhaatiirtu ka tiri

daal joogta ah

Xigashada Sawirka, GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka, daal joogta ah

Dunida waxaa walaac ku haya daal dhammaad lahayn, oo xitaa saameeyay dadka sida joogtada u jimicsada iyo kuwa hurdo saacado ku filan.

Daraasad cusub oo sanadkii hore laga sameeyay saddex qaarad waxay muujisay qof ka mid ah shantii qof ee qaangaar ah in uu heysto daal daran oo gaaraya lix bil. Dadkaas laguma arkin sababo caafimaad oo keeni kara arrinkaas.

“Waxaan seexda waqti hore aniga oo aan daal dareemin. waxaan xirtaa dharka jiifka, ilkaha ayaan cadaysada, waxaan sameeya daryeel jirka ah oo dhameeystiran,” ayuu yiri mid ka mid ah dad la wareystay ee ku dhiban daalka.

Waxaan kaga tagaa teleefankayga qolka fadhiga halkaas oo habeenkii uu ku baryo, si hurda uusan iiga khaldin.

Sideed saac iyo bar ka dib ayaan hurdad ka kacaa anigoo weli daalan.

Haddaba, waa maxay sababta aan mar kasta daalka u dareemo oo aaan u awoodin in aan ahay qof firfircoon, inkastoo aan hurdo igu filan seexday?

Daalka aan dhammaadka lahayn ee abuuraya xaalad jahwareer leh

Hurdo la'aantu waxay door ka qaadata daalka

Xigashada Sawirka, GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka, Hurdo la,aantu waxay door ka qaadata daalka.

Dalka Mareykanka, in ka badan 1,000 qof oo qaangaar ah oo qeyb ka ahaa cilmi baaris ay sameysay National Sleep Foundation sanadka 2019-kii ayaa sheegay in ay dareemeen daal joogta ah mar walba.

Halka daraasada kale YouGov sanadkii 2022 ku sameeyay ku dhawaad 1,700 oo qof lagu ogaaday in mid ah siddeeddii qof oo qaangaar ah ee UK uu daalan yahay "mar walba"

Dumarka ayay u badan tahay inay dareemaan daal marka loo eego ragga.

Daalku waa cabasho "aad iyo aad ugu badan" bukaanada dhexdooda, ayuu yiri Rosalind Adam, oo ah dhakhtar qoys oo ka shaqaynayey Aberdeen Scotland, in ka badan toban sano.

Adeegga Caafimaadka Qaranka ee Boqortooyada UK ayaa sameeyay eray bixin u gaar ah xaaladdan Caafimaad taas oo la soo gaabiyo TATT - Daal marwalba ah.

Saynisyahannada ayaa ku howllan fahamka xaaladaan, waxayaabaha sababa, sida uu u beddelo jirka iyo maskaxda iyo sidoo kale sida ugu wanaagsan ee loo daweyn karo.

Rosalind Adam ayaa sheegay in qeexida xaaladaan ay tahay mid adag “daalku wuu ka duwan yahay hurdo la'aanta taas oo xalkeedu yahay in la saeexdo,” ayuu yir Dr Rosalind Adam.

Tobankii sano ee la soo dhaafay oo kaliya saynisyahannadu waxaa ay sameeyn cilmi baariso kala duwan

Xigashada Sawirka, GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka, Tobankii sano ee la soo dhaafay oo kaliya saynisyahannadu waxaa ay sameeyn cilmi baariso kala duwan
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Christopher Barnes, oo ah khabiir ku takhasusay hab-dhaqanka bin’aadmka, kana tirsan Jaamacadda Washington oo daraasada ka sameeyay hurdo la'aanta ayaa sheegay in ilaa iyo hadda aan la ogaan wax sababay daalka.

Waxaa uu tilmamay in siyaabo kala duwan uu qofku daal u dareemi karo, tusaale ahaan, daal jireed, kaas oo la dareemi karo marka qofku socoda muddo dheer, ama uu fadhiyo waqti badan goobta shaqada iyo jimicsi xad-dhaaf ah oo la sameeyo.

Tobankii sano ee la soo dhaafay oo kaliya saynisyahannadu waxaa ay sameeyn cilmi baariso kala duwan ilaa iyo hadda lama ogaan sababaha keena daalka joogta ah, balse waxaa khabiirada qaar ayaa qabaan in horumarka tignoolajiyada iyo waqti badan oo lagu bixiyo taleefoonada uu qeyb ka yahay isbeddelka maskaxda.

Faa’iidooyinka ay leedahay in qofku hurdo ku filan seexdo ayaa marar badan la inoo iftiimiyay xadiga dadka u baahan yihiin in ay hurdaan way kala duwan tahay, laakiin dadka badankiisu waxay u baahan yihiin todoba saacadood iyo wax ka badan habeenkii, khubaradu waxay ku talinayaan in la seexdo todoba ilaa sagaal saacadood.