Muxuu yahay gariga Soomaalida ee laga cabsi qabo in uu ka dabar go'o kenya

Gariga

Xigashada Sawirka, NECA

Qoraalka sawirka, Agaasimaha Guud ee ururka NECA, Sharmaarke Maxamed Sheekh Xasan, oo ku sugan goob miyi ah oo Garigu ku sugan yahay

Ururka Ilaalinta Duur-joogta Waqooyi-Bari (NECA) ayaa soo saaray codsi deg deg ah oo ku socda Adeegga Duur-joogta Kenya (KWS) si ay u xoojiyaan tallaabooyinka ilaalinta si wax looga qabto kororka naxdinta leh ee ugaarsiga Geriga iyo Gorayada Soomaalida ee gobolka Wuqooyi Bari ee Kenya.

Warbixin ay soo saareen ururkan aan faa’iido doonka ahayn ayaa lagu sheegay in u gaarsiga garigu uu si xad dhaaf ah uga jira gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Agaasimaha Guud ee ururka NECA, Sharmaarke Maxamed Sheekh Xasan, ayaa BBC-da u sheegay in qaylo dhaantoodu ku socoto dowladda Kenya gaar ahaan ururka qaran ee ilaalinta duur joogta ee magacooda loo soo gaabiyo KWS.

“Mandheera, Garisa aiyo Wajeer, ugaarsi fara badan ayaa ka jira oo gariga, Gorayada iyo ugaarta oo dhan lagu hayo, culays fara badan ayaa lagu hayey sanadihii la soo dhaafay” ayuu BBC-da u sheegay Sharmaarke.

Sharmaarke, wuxuu sheegay in loo baahan yahay in dowladdu tallaabooyin deg deg ah ka qaado si loo joojin lahaa u gaarsiga gariga.

Wuxuu sheegay in dadka u gaarsanaya duur-joogtan ay sababo dhaqaale iyo cunto u ugaarsadaan duurjoogta.

“Dadka u gaarsanaya waa dad ku nool Waqooy Bari oo si kale u fekaraya, dad qaxootiyada jooga oo fara badan oo culaysyada ka qayb qaata ayaa jira, iyo dad dhaqaale ka raadsanay iyo kuwa dhoofinaya oo geynaya Soomaaliya iyo xitaa Itoobiya,” ayuu yiri Sharmaarke.

Isagoo ka hadlayey sida ay ugu kala badan yihiin gobolka Waqooyi-Bari ugaarsiga gariga ayuu Sharmaake xusay in hadda meesha ugu badan ay tahay Ismaamulka Wajeer basle sidoo kale Gaarisa iyo Mandheera ay ku xigaan xogta ay hayaan.

Tirada Gariya ee la u gaarsaday sanadkan

GARIGA

Xigashada Sawirka, NECA

Agaasimaha ururka NECA, ee ilaalinta duur-joogta gobolka Waqooyi Bari ayaa BBC-da u sheegay inay ku qiyaasaan in sanadkan oo kaliya lagu dilay deegaano ka mid ah Ismaamulada Wajeer iyo Gaarisa ilaa 87 xabo oo gari ah basle tiradu intaas ka badan tahay.

Wuxuu intaa raaciyey in dadka u gaarsanaya qaar la yaqaan kuwana la soo xirxiray.

Sharmaarke, wuxuu sheegay in hilibka gariga loo adeegsado labo u jeedo oo kala ah "inuu raqiis yahay oo la iibiyo iyo dadka qaar ee laga gadayo hilibkiisa oo aamisan inuu daawo u yahay xanuuno basle sida uu xusay ay taasi been tahay".

Nooca Gariga ee ku nool Waqooyi-Bari.

GARIGA

Xigashada Sawirka, NECO

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Nooca Gariga ku nool Waqooyi Bari Kenya, ayaa ah mid isir ahaan loogu yeero ‘Gari Soomaali’, kaas oo caan ka ah deegaanadaas sida uu BBC-da u sheegay agaasimaha ururka NECA.

Tirada ugu badan ee gariga Soomaali ayaa ku nool Ismaamulada Wajeer iyo Gaarisa ee Waqooyi Bari Kenya, sida ay sheegtay hay'addu.

Sharmaarke Maxamed Xasan, wuxuu BBC-da u sheegay in lagu qiyaaso in Ismaamulka Wajeer ay ku nool yihiin ilaa lix kun iyo dheeraad oo xabo oo gari ah halka ilaa shan kun oo kalana ay ku nool yihiin Ismaamulka Gaarisa, halka tiro aan badnayna ay ku nooshahay Ismaamulka Mandheeera.

“Haddii aan hadda la joojin u gaarsiga Gerigaas eber ayuu bixi doonaa sidii Soomaaliya ugu suulay ayuu haddana dhulka dib loogu arki doonin, in arrintaas laga hortago si Gerigan u gaarsigiisa looga hortago” ayuu yiri.

Wuxuu xusay in ay ka dalbadeen hay’adda ilaalinta duurjoogta Kenya ee KWS a in la xoojiyo tirada ciidamada ilaalada iyo daryeelka jaadka gariga loo yaqaano Soomaali si looga badbaadiyo dabar go'.

Marka laga soo tago gariga, Sharmaarke wuxuu BBC-da us heegay in Gorayadu ay tahay nooca labaad ee iyadana la u gaarsado iyada iyo ukumahedaba.

“Badbaadada Geriyada Soomaalida ah , Gorayada, iyo noocyada kale ee u gaarta ayaa halis ku jira. Waa inaan hadda wax ka qabannaa sidii aan u ilaalin lahayn dhaxalka duur-joogta,” ayuu yiri Sharmake.

Ilaa saddex nooc oo xayawaanka gariga ah ayaa ku nool Kenya kuwaas oo loo kala yaqaan Gari Soomaali, Gari Masaay, Gariga Rothschild sida uu BBCd-da u sheegay Sharmaake.