Ardayada Soomaaliyeed ee ka mid ah dadka gantaalaha Xisbullah iyo Israa’iil is dhaafsadaan dhagahooda ku maqla

Lubanaan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Xilli xiisadda u dhaxaysay Israa’iil iyo ururka hubaysan ee Xisbullah ee dalka Lubnaan ay cirka isku sii shareerayso ayna dhinacyadu gantaallo iyo weeraro cirka is weydaarsadeen.

Waxaa jirtaa cabsi soo food saartay ajaaniib badan oo ku nool dalka Lubnaan oo ay isugu jira kuwa ka shaqaysta dalkaas iyo arday wax ka barata jaamacadah dalka Lubnaan ka dib markii xiisaddu sii xoogagaysatay.

Xamda Raage, waa ardayad Soomaali oo wax ka barata jaamacada Sant joseph ee caasimada Bayruut waxay BBC-da u sheegtay in laga cabsi qabo inay xaaladu faraha ka sii baxayso.

“Xaalada Bayruut, waxaa maalmihii ugu dambeeyey laga maqlayey cod aaad u weyn oo dhulka oo dhan gariirinayey oo baqdin galinayey dadka deggan Bayruut, baqdin badan ayaa jirta xaallad amnio o badan ayaa jirta”ayey BBC-da u sheegay Xamda.

Waxay intaa ku dartay in tan iyo markii dagaalka Qasa uu qarxay todobadii bishii October sanadkii hore nolosha caasimada Bayruut ay is beddeshay

“Waxaa kor u kacay maciishadii oo kor u qaaliyowday, waxaa faraha ka baxday isku beddelkii lacagaha, korontadii oo carqalad weyn ku noqday guud ahan dalka Lubnaan iyadoo dowladdu caabansay in kaydka shidaalku faraha ka sii baxayso, maalmihii ugu dambeysay waxay dowladdu shaacisay in korontadu maalmo maqnaanayso, iyadoo lagu jiro xiligii xagaaga oo cimiladu aad u kulushahay, sidoo kala garoonka diyaaraduhu shaqayn doonin” ayey tiri Xamda.

Xamda, waxay sheegtay in iyadu ogtahay gabar kale oo iyaduna dhigata Jaamacad ku taalla dalka oo ay dalkaas wada deggan yihiin basle jaaliyad weyn oo Soomaali ah aysan dalkaasi ku ogayn inay deggan yihiin.

Lubnaan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Wadamo badan oo caalamka ayaa dadkooda ugu baaqay inay ka baxaan dalka Lubnaan ka dib xiisadda, Xamda waxay sheegay in taasi ay saamayn weyn ku yeellatay dadkii ka shaqaynayey magaalada Bayruut ee ay ka midka yihiin Itoobiyaanka,Filibiiyiinta iyo dadka kale ee ka yimaaday Aasiya oo ay suurtal u noqon wayday inay dalalkooda dib ugu laabteen ka dib markii dadkii ay sidoo kale u shaqaynayeen ay ka baxeen dalka.

Iyadoo sharaxay xiisaddihii ugu dambeyey ee haddda taagan dalka Lubnaan eyey tiri “ Walahi xaalada Lubnaan marka la eego xiisada ku hareereysan wadanku ma laha madaxweyne ka howlgala , waxaa aad looga baqayaa in dalka oo dhan la wareego ururka Xisbullah taasoo u horseedi kara inuu dagaal galin karo oo ku dhawaaqo wadanka,aad bay dadku ugu baqanayaan waxyaabaha ka imaan kara ururka Xisbullah, sidoo kalana bulshadu waxay aad ugu baqanayan dhibaatooyinka ka soo gaaraya dagaaladan soo noq noqoya in wadankooda” ayey BBC-da u sheegtay Xamda.

Waa sidee hadda xaaladda Bariga Dhexe?

Beyruut

Xigashada Sawirka, AFP

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Israa'iil ayaa sheegtay in ay qaaday mowjado duqeymo ah oo ka dhacay koonfurta Lubnaan si ay uga hortagto gantaallo waaweyn iyo diyaarado aan duuliye lahayn oo ay Xisbullah ku weerareen Israa’iil.

Mareykanka ayaa sheegay inuu ka shaqeynayo sidii looga fogaan lahaa inuu sii xumaado colaadda u dhaxeysa Israa’iil iyo kooxda Xisbullah ee Lubnaan.

Axaddii waxaa dhacay iska horimaadkii ugu weynaa muddo toban bilood ah oo xuduudda ka socday, iyadoo boqolaal gantaallo ah iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn lagu garaacay Israa’iil, duqeymo xoogganna ay ka dhaceen koonfurta Lubnaan.

La taliyaha amniga qaranka ee Aqalka Cad Jake Sullivan ayaa sheegay in rajada ay tahay in tani aysan horseedi doonin dagaal goboleed.

Hogaamiyaha Xisbullah Xasan Nasrallah, ayaa sheegay in kooxdu ay qiimeyneyso saameynta ay ku yeelan karto dagaalkooda ayna mar kale weerari karaan. Ra'iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in duqeymaha Israa'iil aysan ahayn "dhammaadka sheekada".

Ururka Xisbullah ayaa sheegay in ay ku guulaysteen in ay ku garaaceen 320 gantaal iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn dhanka Israa'iil si ay uga aargoostaan dilka taliye sare oo horrey Israa’iil ugu dishay dalka Lubnaaan. Sida laga soo xigtay militariga Israa’iil hal askari oo ka tirsan ciidamada badda ee Israa’iil ayaa la dilay.

Weerarkii Israa’iil ay ku qaadday Xisbullah Axaddii ayaa ahaa kii ugu weynaa tan iyo dagaalkii tooska ahaa ee dhexmaray labada dhinac sanadkii 2006-dii.