Guutooyinka Al-Qassam iyo Al-Qudus oo sheegtay mas’uuliyadda weerar ka dhacay Tel Aviv

Booliska Israa’iil iyo hay’adda amniga gudaha ee Shin Bet ayaa sheegay in “qaraxa Tel Aviv uu ka dhashay hawlgal loo adeegsaday walxaha qarxa.

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Booliska Israa’iil iyo hay’adda amniga gudaha ee Shin Bet ayaa sheegay in “qaraxa Tel Aviv uu ka dhashay hawlgal loo adeegsaday walxaha qarxa.

Guutada Al-Qasaam ee garabka melleteriga Xamaas oo kaashanaysa guutada Al-Qudus ee garabka melleteriga ee Xarakada Jihaad Islaami ayaa bayaan ay ku baahiyeen baraha Telegram kaga dhawaaqay fulinta howlgalkii ka dhacay dhacay magaalada Tel Aviv.

Bayaanka ayaa lagu yiri “Howlgallada shuhadada ee gudaha Israa’iil waxay dib ugu soo laaban doonaan safka hore ilaa inta ay sii socdaan xasuuqyada, barakicinta dadka rayidka ah iyo siyaasadda dilalka qorsheysan.

Booliska Israa’iil iyo hay’adda amniga gudaha ee Shin Bet ayaa sheegay in “qaraxa Tel Aviv uu ka dhashay hawlgal loo adeegsaday walxaha qarxa, kaas oo sababay dhimashada qofkii geystay iyo dhaawaca qof Israa’iili ah”.

Maamulka Israa’iil ayaa rumeysan in qaraxa uu ahaa isku day fashilmay oo la doonayay in lagu fuliyo “hawlgal duqeyn ah”. Maamulka ayaa sare u qaaday xaaladda heeganka ah ee aagga weyn ee Tel Aviv, waxaana booliisku ay wadaan howlgallo ballaaran.

Booliska ayaa ugu baaqay muwaadiniintooda inay feejignaadaan oo ay taxadaraan oo ay soo sheegaan cid kasta oo ay ka shakiyaan.

Weerarkan ayaa yimid wax yar ka dib markii xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken uu gaaray magaalada Tel Aviv si uu ugala hadlo xabad joojinta dagaalka u dhaxeeya Israel iyo Xamaas oo socday in ka badan toban bilood.

Dhinaca Daanta Galbeed, guutooyinka Al-Qudus waxay sheegeen in dagaalyahanadooda ku jira "Batalyan Nablus" ay u suurtagashay in ay soo ridaan diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee "4 DRC" ee Israa'iil leedahay oo ay leeyihiin ciidamada lugta, xilli ay ciidamada Israa'iil dhaqdhaqaaqyo ka wadeen magaalada.

Guutada Al-Qudus ayaa bayaan ay soo saartay ku dartay: “Waxaan u qarinay faahfaahinta howlgalka sababo amni awgeed”.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Ciidamada Israel ayaa galabnimadii isniinta ka galay magaalada Nablus dhowr jiho, iyadoo ay isku dhaceen dabley falastiiniyiin ah. Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Israa’iil ay gudaha u galeen magaalada, kadibna ay raaceen ciidamo badan oo militari ah.

Waqooyiga magaalada Quddus, ciidamada Israa’iil ayaa saaka burburiyay dhismo laga dhisayo meel u dhow waddada isku xirta isbaarooyinka ciidamada Jaba iyo Qalandiya ee magaalada Al-Ram.

Xamaas ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in burburinta joogtada ah ee lagu hayo guryaha reer Quddus ay tahay dambi faashiish ah oo aanay ku guulaysan doonin in ay jabiyaan go’aankooda ama ay ku riixaan inay ka haajiraan dhulkooda.

Maamulka Israel ayaa sidoo kale xiray 14 qof oo ka kala yimid degaano kala duwan oo ku yaala Daanta Galbeed, oo ay ku jirto ardayad jaamacadeed oo lagu magacaabo Dania Hanatsheh, mid ka mid ah maxaabiistii lagu sii daayay heshiiskii isdhaafsiga ee bishii November ee la soo dhaafay.

Maamulka Israel ayaa sidoo kale xiray 14 qof oo ka kala yimid degaano kala duwan oo ku yaala Daanta Galbeed, oo ay ku jirto ardayad jaamacadeed.

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Maamulka Israel ayaa sidoo kale xiray 14 qof oo ka kala yimid degaano kala duwan oo ku yaala Daanta Galbeed, oo ay ku jirto ardayad jaamacadeed.

Rafah, oo ku taal koonfurta Gaza, guutada Qassam ayaa sheegtay in ay beegsadeen saddex taangiyada Merkava ah iyo sidoo kale gaariga gaashaaman ee Namer iyo Cagaf meletari oo D9 ah oo ay la socdeen laba madfac oo Tandem ah.

Shan falastiiniyiin ah ayaa ku dhintay kuwa kalena waa ay ku dhaawacmeen duqeyn cirka ah oo Israa’iil ay ku qaaday xarun lagu qeybiyo internetka oo ku taal galbeedka Khan Younis Isniintii, sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganeysa saraakiil ka tirsan wasaaradda caafimaadka ee marinka Qaza.

Wasaaradda caafimaadka ee Falastiin ayaa ku dhawaaqday in 40 qof ay ku dhinteen 134 kalena ay ku dhaawacmeen duqeymaha cirka iyo madaafiicda Israa’iil ay ka geysanayso goobo kala duwan oo ka tirsan Marinka Gaza maalintii 318-aad ee dagaalka.

Tani waxay ka dhigeysaa tirada dhimashada duqeymaha Israel, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza, 40,139 ayaa ku dhintay iyo ugu yaraan 92,743 oo dhaawacmay tan iyo bilowgii dagaalka.