In laga baaqsado dagaal weyn oo Bariga dhexe ka dhaca ayaa ku xiran guusha wadahadallada xabad joojinta ee Qaza

Xigashada Sawirka, Reuters
Haddii ay rumoobaan wararka ay soo dusiyeen jaraa’idka maxalliga ah, xitaa taliyayaasha difaaca Israa'iil waxa ay ku boorrinayaan Ra'iisulwasaare Benjamin Netanyahu inuu galo heshiis ku aadan xabbad-joojin laga sameeyo Gaza.
Tan iyo markii wadaxaajoodayaasha Israa'iil ay ugu dambeysay safar ay ku tageen caasimadda Qatar si ay wadahadal u yeeshaan, cadaadiska ayaa kusii kordhayey.
Ehelada la haystayaasha wali lagu haysto Gaza ayaa ugu baaqay Israa'iil in ay tani tahay "fursaddii ugu dambaysay" ee lahaysatayaasha qaarkood, iyagoo nool lagu soo badbaadin lahaa.
Dhanka kale Wasaaradda Caafimaadka Xamaas ee Qasa maamusha oo tirakoobkeeda ay markii hore adeegsan jireen Qaramada Midoobay iyo Israa'iil, ayaa sheegtay in tirada dadka lagu dilay hawlgallada Israa'iil ee Qasa, tan iyo markii uu dagaalku billowday ay hadda kor u dhaaftay 40,000.
Maraykanku ayaa gobolka u diray markab labaad oo xambaara diyaarado iyo gantaalllo ku rakiban Maraakiibta badda hoosteeda marta , ka dib markii ay Iiraan iyo xulafadeeda Xisbullah ee dalka Lubnaan ay ku hanjabeen inay weerari doonaan Israa’iil si ay uga jawaabaan dilkii hoggaamiyeyaasha muhiimka ah ee Xamaas iyo Xisbullah bishii hore.
Ma jirto dadaal xumo heshiiska ah iyo sidoo kale cadaadis la'aan kale. Maraykanku waxa uu aaminsan yahay in xabbad joojinta Gaza ay gacan ka gaysan karto xasilloonida gobolka oo dhan.

Xigashada Sawirka, Reuters
Ergeyga Mareykanka Amos Hochstein oo booqasho ku tagay Lubnaan Arbacadii, ayaa sheegay in heshiisku uu sidoo kale gacan ka geysan doono abuurista shuruudo heshiis looga gaaro colaadda sii kordheysa ee xudduudaha ee u dhaxeysa Israa'iil iyo Xisbullah.
"Waa inaan ka faa'iidaysannaa fursadda diblomaasiyadeed iyo xalka diblomaasiyadeed," ayuu yiri. "oo Waqtigeedahadda lagu jiro."
Madaxweyne Joe Biden, ayaa u muuqdaa in uu maareynayo waxyaabaha laga filayo. "Xaalku waa uu sii adkaanayaa," ayuu ugu sheegay suxufiyiinta New Orleans toddobaadkan, isagoo intaasi raaciyay, "Ma quusanayo."
Iyada oo fursado badan ay furan yihiin, waa maxay sababta ay rajada wadahadalladani u yar tahay?
Ugu horrayn, waxa sii adkeeyay ku dhawaaqista Xamaas ee ah in aanay wafdi u soo diri doonin shirka taas oo aan saamayn weyn yeelan doonin .Waayo Wada xaajoodyadu waxay had iyo jeer ahaayeen kuwo aan toos ahayn, wakiilada Xamaasna si toos ah ulama hadlaan Israa'iil iyo Maraykanka. Saldhigga dalka dibaddiisa ah ee kooxduna waa Doha, halkaas oo wada-hadallada ay ka socdaan, iyo halkaas oo wadaxaajoodayaasha Qatar iyo Masar ay ku leeyihiin marin furan oo xiriir ah.

Xigashada Sawirka, Reuters
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Arrinka dhabta ah, sida laga soo xigtay wada-xaajoodihii hore ee la haystayaasha Israa'iil Gershoon Baskin, waa dhiirigelin la'aanta madaxda Israa'iil iyo Xamaas.
"Maraykanka, Masar iyo Qatar waxay go'aansadeen inay u baahan yihiin inay wax ka beddelaan sharciga wadahadallada, inay miiska saaraan dalabaadka iyo hindise isku-dhafan, una sheegaan Xamaas iyo Israa'iil inay ka wada hadlaan," ayuu yiri
"Laakiin waa iska caddahay in dhexdhexaadiyayaashu ay rabaan heshiis ah wax ka badan inta ay doonayaan dhinacyada, taasina waa qayb weyn oo ka mid ah dhibaatada taagan."
Xaaska Chen Avigdori iyo gabadh 12 jir ah ayaa ka mid ahaa 251 qof ee Xamaas ay ku qafaasheen weerarradii 7-dii Oktoobar ee Israa'iil, markaas oo 1,200 oo qof oo kale lagu dilay. Lamaanahan ayaa la sii daayay bishii Nofeembar wuxuuna hadda u olaleeynayaa sidii loo sii deeyn lahaa 111ka la hayste ee haray.
"Waxaan u maleynayaa inay labada dhinac ay sii adkeynayaan," ayuu yiri. "Waxay ila tahay in Sinwar aanu runtii dan ka lahayn dadkiisa. Laakiin waxa aan filayaa in Mr Netanyahu uu ka booday qaar ka mid ah fursadaha ay Israa'iil horay u heshay si ay u saxiixdo heshiiska."

Xigashada Sawirka, Reuters
Dhanka Yahya Sinwar - mid ka mid ah maskaxdii ka dambeysay weerarradii 7-dii Oktoobar, oo noqday hoggaamiyaha siyaasadda Xamaas kadib dilkii Ismail Haniyeh ee Tehran, falanqeeyayaasha qaarkood ayaa rumeysan in laga yaabo inay xisaabtu ay isbedesho.
"Waxa aan u maleynayaa in Sinwar uu doonayo in uu naftiisa iyo Xamaas badbaadiyo, sababtoo ah gabi ahaanba lama burburin iyaga, laakiin ciidan ahaan waa laga adkaaday wuxuuna xaalku isu rogi karaa dagaal," ayuu yiri Chuck Freilich oo ka tirsan Machadka Daraasaadka Amniga Qaranka ee Israa'iil.
"Netanyahu waxa uu ku jiraa xaalad aad u adag, sababtoo ah haddii la gaaro heshiis, waxaa jirta fursad aad u wanaagsan oo uu ku lumin karo isbahaysigiisa."
Benjamin Netanyahu ayaa ilaa hadda ku dheggan meel adag - oo ay ku jirto in Israa'iil la siiyo xaqa ay u leedahay in ay dib u bilowdo dagaalka haddii wada hadallada ku saabsan bixitaanka ciidamada iyo in maxaabiista oo la is dhaafsado ay fashilmaan.
Xulafada midigta fog ee Netanyahu ayaa wacad ku maray inay ka baxayaan dawladda haddii, tusaale ahaan, uu ogolaado in maxaabiis badan oo Falastiiniyiin ah laga sii daayo jeelasha Israa’iil, taas oo lagu bedelanayo lahaysatayaasha.
Xamaas ayaa Israa'iil ku eedaysay in ay keentay dalabaad cusub, waxayna sheegeen in uu dhamaaday waqtigii wada xaajoodka. Waxay sheegtay inay diyaar u tahay fulinta qodobbadii ay bishii hore ku heshiiyeen.
Israa'iil ayaa beenisay inay ku dartay shuruudo cusub, waxayna ku tilmaantay inay tahay isku day lagu doonayo in lagu faahfaahiyo qoddobadii horay loogu heshiiyay.
Dhexdhexaadiyeyaasha caalamiga ah ee heshiiska – Maraykanka, Qatar iyo Masar - ayaa hubaashi waxoogaa saameeyn ah ku leh labada dhinac, laakiin ma laha awood ay ku qasbaan heshiis haddii dhinacyadu aanay iyagu rabin.
"Mareykanka iyo Qatar way riixi karaan heshiiska, waxay bixin karaan dhiirigelin, waxay bixin karaan jawi ay uga caawiyaan abuurista arrimaha farsamada," ayuu yiri Chuck Freilich. "Laakiin dhamaadka, waxay ku xiran tahay hogaamiyayaasha gaarka ah."
Ugu dambeyntii, masiirka wadahadaladan, Gaza, la haystayaasha – iyo xitaa masiirka gobolka laftiisa - waxay ku xirnaan doontaa xisaabinta laba dhinac, laba nin oo dirirtay.













