You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Wax ka ogow filim Soomaaliyeed oo gudaha dalka lagu sameeyey oo dhawaan ku guulaystay abaalmarin caalami ah
Waddanka Tanzania ayaa dhawaan waxaa abaalmarin lagu guddoonsiiyey filim Soomaali ah oo ah nooca musalsalka loo yaqaanno ee taxanaha ah.
Filimka oo la magac baxay "Shabakadda" ayaa ku guulaystay abaalmarin la yiraahdo Chairman's award, taasoo lagu bixiyey bandhigga 28aad ee caalamiga ah ee filimada ee Zanzibar International film Festival ee lagu qabtay dalka Tanzania.
Filimka waxaa qayb ahaan hagayeyVictor Gatonye, waxaana soo saaray C/qaadir Sheekh Maxamed (Caato Shaacir) oo ah filim sameeye iyo filim soo saare ka tirsan Masrax Production oo ah shirkad filimada samaysa, oo sida uu caato sheegay hore u samaysay filimaan laga daawaday gudaha dalka.
Laba filim oo kale oo lagu sameeyey Ruushka iyo Jamaica ayaa iyagana abaalmarintan la siiyey sida uu BBC u sheegay Caato.
"Waxay ahayd abaalmarintii ugu horreysay ee la bixiyo, annagana filanwaa ayey nagu noqotay oo waan malaysan weynay. Filimkeenna waxaa laga fiirsaday meelo badan oo ay ka mid yihiin Hoteello iyo tiyaatarro ku yaalla Zanzibar" ayuu ku sheegay Caato Shaacir waraysi uu BBC siiyey.
BBC waxay kaloo weydiisay bal inuu sharraxo filimkan sheekadiisa iyo farriinta uu xambaarsan yahay. "Filimka Shabakadda wuxuu ku saabsan ayahay koox Shabakad ah oo isku xiran oo ilaa meel sare gaarsiisan, kana ganacsata kelyaha dadka, carruurta yaryar, tahriibinta dadka, waana filim ah nooca 'Thriller' oo ah aflaamta xiisaha leh" ayuu yiri soo saaraha filimka.
Ujeedada ay ka leeyihiin samaynta filimkan ayuu ku tilmaamay inay isugu jirto madadaalo iyo wacyigelin waxa ka dhacaya bulshada dhexdeeda.
Wuxuu kaloo ka hadlay waxa ay uga dhigan tahay in filim ay soo saartay shirkadooda Masrax Production, Soomaalina ay sameeyeen uu abaalmarin caalami ah ku guulaysto.
"Waxaan rabnaa in aan beddelno sawirka khaldan ee Soomaaliya laga haysto oo aan dadka tusno in Soomaaliya ay tahay dal soo kabsaday oo horumar samaynaya, dadkuna yihiin dad nabadda jecel oo doonaya in ay dalkooda dhistaan. Waxaan kaloo rabnay in aan soo nooleyno filim samaynta Soomaaliya. Dalka waxaa ku yaallay wakaaladda filimada, wuxuuna lahaa Shineemooyin".
Labada qaybood ee hadda lagu soo bandhigay xaflada filimada caalamiga ah ee Zanzibar waxaa hagayey agaasime Kenyan ah oo la yiraahdo Victor Gotanye, halka labada qaybood ee musalsalkaas ka dhiman ay samayn doonaan filim sameeyeyaal Soomaali ah, sida u sheegay Caato Shaacir.
Labada filim ee kale ee ay abaalmarinta chairman's award ku wada guulaysteen ayaa kala ah The house of Raising hope oo ay samaysay Anna Veilert, iyo Believe oo uu sameeyey JP Williams.
Bandhiga Filimada Caalamiga ah ee Zanzibar (ZIFF) waa bandhigga ugu weyn filimada ee Bariga Afrika oo loogu talagalay soo bandhigga filimada, muusiga iyo muuqaalada bulshada. Sannad kasta ZIFF waxay tartansiisaa in ka badan 100 filim oo lagu sameeyo Afrika, Bariga Dhexe, Yurub, Latin America, USA iyo Asia iyadoo mudnaanta siinaysa filimada Afrika iyo Afrikaanka oo ay ku jiraan Qurba-joogta Afrika.
Bandhiga waxaa ka soo qayb gala in ka badan 45000 oo qof 9-ka maalmood ee xafladda ay ka socoto ee Stonetown oo keliya. Stonetown waa magaalo qadiimi ah oo ku taalla gobolka Zanzibar ee dalka Tanzania, waxayna xafladdan soo jiidataa kumanaan dalxiiseyaal ah.
Filimka 'Shabakadda' waxaa jilayaasha ugu muhiimsan ee ku jira ka mid ah Xuseen Cilmi Cali (Otte Dheere) oo hore tiro filimaan ah uga soo noqday jilaa.
Waxaa kaloo filimkan oo laga fiirsan karo App-ka Nasiye ka mid ah dadka jilaya Nimco Heybe, Faa'isa Xuseen Bashiir (Samara Queen), Yuusuf Mahad (Yuusuf Islaam), Maryam Mimi, Cali C/Qaadir Abaabala, Baaba-isku tasho, Safa Adam, Safa ukunta iyo jilayaal kale oo ah dhalinyaro bulshada dhexdeedana saameyn ku leh iyo fanaanka Dayax Dal-nuurshe oo kaalin soo muuqasho ah ku leh filimka.