Waa kuma wasiirkan Israa'iiliga ah ee ay muslimiinta sida weyn uga caroodeen fal uu dhawaan sameeyey

Ma aha wax cusub in uu sameeyo tallaabooyin khilaaf dhaliya muddada kooban ee uu xilka hayo wasiirka amniga qaranka Israa'iil, Itamar Ben-Gvir. Wuxuu sidan oo kale sameynayay sanado badan ka hor inta uusan xilka qaban.

Waxaa ka dhashay caro falkii dhawaan uu sameeyay ee ahaa in uu ku tukaday goobta barakeysan ee ku taal dhulka Israa'iil ay xoogga ku haysto ee bariga Jerusalem. Waxa uu ku xadgudbay heshiisyo soo jiray tobannaan sano oo laga gaaray goob muhiim ah oo xasaasi ah.

Muuqaallo iyo fidiyowyo laga qaaday isagoo booqnaya Xaram al-Sharif balse dadka Yahuuda ay u yaqaanaan Temple Mount ayaa laga arkayay isagoo halkaas kula tukunaya koox Yahuud ah. Xaram al-Sharif ayaa sidoo kale loo yaqaan dhismaha Masjid Al-aqsa. Yahuuda waa loo ogol yahay in ay booqdaan balse kuma tukan karaan.

Dhowr jeer ayuu Ben-Gvir halkaas booqday balse marna kuma tukan si muuqata sida laga soo xigtay wargeyska Times of Israel.

Dadka ka faalooda arrimahan waxay sheegaan in booqashadan ay la mid tahay mid uu hore u sameeyay raysalwasaarihii hore Israel Ariel Sharon, ka dibna waxaa sidaa si la mid ah sameeyay hoggaamiyaha mucaaradka oo booqday goobtaas 25 sano ka hor taas oo keentay kacdoonkii labaad ee Falastiin.

Waa wax lagu yaqaan Ben-Gvir in uu sidaa sameeyo. Hore wuxuu kaloo u booqday goob kale oo keentay in Falastiiniyiinta iyo ISraa'iil ay isku dhaceen sanadkii 2021-kii. Xiligaas wuxuu booqday xaafada Sheikh Jarrah ee Bariga Quddus. Dad badan oo xaafadaas deggan ayaa loogu hanjabay in xoog looga bixinayo guryahooda si loogu diyaariyo Yahuuda dhulkaas la dajinayo.

Dhammaan waxyaabahaasi waa wax lagu yaqaan diwaanka Ben-Gvir, waana dhaqankiisa in uu sameeyo falal caro iyo khilaaf dhaliya.

"Ma ahan wax lala yaabo" ayey tiri Dr Leonie Fleischmann oo bare sare ka ah jaamacada London.

"Dhaqankiisa waa wax joogto ah, taariikhdiisa, fakarkiisa iyo caqiidadiisa. Hal wax ayuu maskaxda ku hayaa" ayey tiri Dr Leonie Fleischmann oo intaas ku dartay, "Sidee qof noocaas ah oo sanado ku shaqeynayay fikradahaasi uu ku qaban karaa xil sare".

Dr Leonie Fleischmann waxay sheetay in ay keeneen labo un midood. Mid waa sida uu u shaqeeyo nidaamka doorashada Israel halka tan kalena ay tahay xaalada ka taagan Gaza.

Ben-Givr waxaa loo dhiibay sanadkii 2022-kii ammaanka qaranka oo ah xil muhiim ah. tani waxay timid ka dib doorashooyinkii baarlamaanka, markaas oo xisbigiisa ay isbahaysi la galeen xisbi kale oo garabka midig ee fog ah.

Wuxuu taageero ka helay dhallinyarada, kuwa garabka midig ka dibna waxa uu ku biiray isbahaysiga raysalwasaare Benjamin Netanyahu kaas oo u baahnaa codkiisa si uu xukunka u sii joogo, waxaana loo arkay in uu leeyahay awood fikaradeed oo muhiim u ah dowladda.

"Gaza waxay aheyd fursad muhiim ah maxaa yeelay Netanyahu wuxuu doonayay in uu sii joogo xukunka si uu taas u sameynaya wuxuu awood badan siiyay dadka saameynta leh ee xukunka u dhiibay" ayey tiri Dr. Fleishmann.

Ben-Gvir wuxuu ku dhashay Quddus, waxa uuna ka soo jeedaa qoys ka yimid Ciraaq sanadkii 1976-dii. Ciidamada ISraa'iil kama mid noqon markii uu 18 jirka ahaa.

Ben-Gvir waa sharci-yaqaan kaas oo fakarka xagjirnimada carruurnimadiisa uu baray Rabbi Meir Kahane oo lagu dilay New York sanadkii 1990-kii.

Ilaa markii uu yaraa wuxuu ka tirsanaa koox diimeed xagjir ah. Dhaqdhaqaaqaas waa koox siyaasadeed oo ah tan kaliya ee Israa'iil looga aqoonsaday in ay argagixiso yihiin, Mareykanka iyo Isreal-na waa ka mamnuuc.

Sideed jeer ayaa Ben-Gvir lagu soo oogay inuu sameeyay falal rabshado ah oo ka dhan Falastiiniyiinta, waxaana ka mid ah mid uu sameeyay sanadkii 2007-dii.

Ben-Gvir wuxuu aaminsan yahay in wadaniyiinta Yahuuda iyo Sahnuuniyada ay ka horjeedaan in Israa'iil laga sameeyo dal Falastiiniyiintu ay leeyihiin.

Hore wuxuu u taageeray Yahuuda la dajiyay dhulka Israa'iil ay haysato in ay la dagaalaan Falastiiniyiinta, wuxuuna ugu baaqay in si xoog ah looga saaro dhulka muwaadiniinta Carabta ee aan daacadda aheyn.

Ilaa iyo markii uu ku soo biiray golaha wasiirada, wuxuu marar badan ku baaqay in Israel ay wada qabsato Gaza isagoo ku dhiiri geliyay wax uu ugu yeeray "daadgureyn iskood ah" in lagu sameeyo Falastiiniyiinta.

Bishii Juun, dalalka Australia, Norway, Canada, New Zealand iyo UK ayaa ku dhawaaqay in ay saareen cunaqabateyn wadajir ah Ben-Gvir iyo sidoo kale wasiirka garabka midig Bezalel Smotrich.

Dhexdhexaad ama xagjir

Ilaa iyo markii uu galay dowlada dhexe sanadkii 2022-kii, Ben-Gvir wuxuu u muuqday in uu qaaday tallaabooyin uu isaga dhigayo siyaasi caadi ah. Sidoo kale wuxuu ku tilmaamay wax laga yaqyaqsoodo socodka ay sameeyaan dadka isku-jinsiga ah.

Mar la weydiiyay haddii mid ka mid ah lixdiisa cunug uu noqdo qof wax ka raadiya dadka ay isku jinsiga yihiin, waxa uu sheegay in uu taas aqbalayo, balse wuxuu sheegay in uu aaminsan yahay in guurka Israa'iil uu ku saleysnaado diinta.

"Ben-Gvir wuxuu ahaa nin ka horjeeda Falastiin ka hor dagaalka Gaza. Hadda oo Israa'iil ay dagaal la gashay Iran… waxay hadda dadka doonayaan qof ilaaliya" ayey tiri Dr. Fleischmann.