Trump ma wuxuu ka fekerayaa inuu heshiis macdan la galo Congo?

Congo

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Ciidamada Congo - qaarkood ay halkan ka muuqdaan kadib markii ay fallaagada qabteen bishii January - ayaan aad ula dagaallamin M23
    • Author, Damian Zane
    • Role, BBC News

Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Congo ayaa u muuqata inay Mareykanka dhankiisa u weecaneyso dadaalladii ugu dambeeyay ee ay xulafo ugu sameysaneyso dagaalkeeda ka dhanka ah fallaagada M23.

Iyadoo garwaaqsaneysa in Aqalka Cad iyo Madaxweyne Trump ay daneynayaan heshiis isdhaafsi ah - ayna arkeen heshiiska macdan ee lasoo jeediyay ee Ukraine iyo Mareykanka - Congo oo macdanta qani ku ah ayaa rajeyneysa inay heshiis u gaar ah la gasho Washington.

Waxaa sidoo kale la sheegay in Trump uu mar dhow soddogga gabadhiisa, Tiffany, u magacaabi doono xil muhiim ah oo gobolka ah.

Afhayeenka dowladda Congo Patrick Muyaya ayaa barnaamijka BBC ee Newsday u xaqiijiyay in dalkiisa uu doonayo inuu Mareykanka kusoo daro dadaalka uu wado "uuna ku qanciyo qaar ka mid ah macdanta muhiimka ah".

"Dabcan... sidoo kale waan ka hadli karnaa ammaanka," ayuu intaa raaciyay.

Maxaa hadda heshiis meesha keenay?

DR Congo waxay ku jirtaa dhibaato milatari ahaan.

Dagaalyahannada M23 - oo taageero ka helaya dalka ay deriska yihiin ee Rwanda - ayaa horumarro waaweyn ka sameeyay qaybo ka mid ah bariga dalkaas ee qaniga ku ah macdanta.

Ciidamada gobolka - oo marka hore ka yimid bariga iyo koonfurta Afrika - kuwaas oo la rabay inay cawiyaan ciidanka ayaa ku guuldareystay inay dib u celiyaan fallaagada. M23 ayaa ka hadashay in ay ku sii siqayaan galbeedka si ay u qabsadaan caasimadda Kinshasa.

Marka la eego khataraha jira, la yaab maaha in Madaxweyne Félix Tshisekedi laga yaabo inuu eego siyaabaha uu kor ugu qaadi karo maqaamkiisa.

Taariikhdu markii ay ahayd 22kii Febraayo, Tshisekedi waxaa soo xigtay wargeyska New York Times inuu sheegay in maamulka Trump uu muujiyay xiisaha uu u qabo heshiis ku lug leh macdanta istiraatiijiga ah.

Maalin ka hor markaas, Golaha Ganacsiga Afrika iyo Mareykanka - koox ololeeyeyaal ah - ayaa codsi u qoray Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Marco Rubio iyagoo ka wakiil ah sanator Congo u dhashay, kaas oo qeexaya heshiis suurtagal ah oo ay ku jiraan "iskaashi dhaqaale iyo militari".

Maxaa dan ah oo ugu jiri karta Mareykanka?

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

DR Congo waxa lagu qiyaasaa in ay haysato $24tn oo u dhiganta (£19tn) oo kheyraad ah oo aan weli laga faa'iidaysan – oo ay ku jiraan cobalt, dahab iyo maar.

Dalku hadda waa kan ugu weyn adduunka ee Cobalt-ka bixiya - kaas oo loo adeegsan karo difaaca iyo hawada iyo sidoo kalena muhiim u ah baytariyada baabuurta korontada ku shaqeeya - laakiin inta badan waxaa loo dhoofiyaa Shiinaha. Waxaa kale oo ay leedahay kaydka lithium, tantalum iyo uranium-ta muhiimka ah, kuwaas oo sidoo kale milatarigu isticmaalaan.

In kasta oo Maraykanku uu maalgelinayo mashruuc weyn oo kaabayaal dhaqaale - Waddada Lobito - oo loogu talagalay in badeecadaha laga keeno bartamaha Afrika oo la geeyo deked ku taal Angola, shirkadahooda kuma lug laha macdanta DR Congo.

Maaddaama uu Shiinuhu gacanta ku hayo qaybta macdanta ee Kongo, waxaa jiri kara "farqi istaraatiiji ah oo sii ballaaranaya, halkaas oo waddammada iska soo horjeeda ay sii wadaan inay keli ku noqdaan kheyraadka Afrika", warqadda loo diray Rubio ayaa sidaa lagu yiri.

Aragti ahaan, DR Congo waxay shirkadaha Maraykanka u fidin kartaa shuruudo u fiican si ay uga faa'iidaystaan ​​kheyraadka.

Laakiin, sida uu qabo falanqeeyaha macdanta Gregory Mthembu-Salter, sida Maraykanka, oo ka duwan Shiinaha, waxay ku tiirsan yihiin shirkadaha ganacsiga gaarka loo leeyahay si ay u qabtaan shaqada ay go'aansan karaan inay aad khatar u tahay in ganacsi laga sameeyo.

Laakiin tani waa mala-awaal aad u weyn, afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa sheegay in aysan jirin "wax laga sii fekero ama lagu dhawaaqo waqtigan".

Si kastaba ha ahaatee Maraykanku "waxa uu diyaar u yahay in uu wada-hadal ka galo iskaashiga qaybtan" kaas oo la jaan-qaadaya amarka fulinta ee looga gol-leeyahay in laga dhigo Maraykanka "hormuudka soo saaraha iyo warshadeynta macdanta aan shidaalka ahayn, oo ay ku jiraan macdanta dhulka ee naadir ah".

Sidee ayay DR Congo uga faa'iidi doontaa?

Mid ka mid ah meelaha muhiimka ah ayaa noqon kara "xoojinta iskaashiga milatari", sida warqadda Rubio ku qoran.

Tani waxay ku lug yeelan doontaa:

  • Tababarka iyo qalabaynta askarta "si ay u ilaaliyaan waddooyinka sahayda macdanta
  • "In Maraykanka loo fasaxo saldhigyada milatari" si loo ilaaliyo ilaha istaraatiijiga ah"
  • Iyo "in lagu bedelo hawlgallada nabad ilaalinta ee aan waxtarka lahayn ee Qaramada Midoobay iyada oo la adeegsanayo iskaashiga amniga tooska ah ee US-DRC".

Afhayeenka Congo waa uu diiday inuu xaqiijiyo faahfaahintan, laakiin waxaa jira xoogaa shaki ah oo ku saabsan sida ay dhab u yihiin waxtarna ay durba u yeelan karaan.

Sida laga soo xigtay Stephanie Wolters, oo ah falanqeeye gobolka kana tirsan machadka arrimaha caalamiga ah ee Koonfur Afrika, haddii Kinshasa ay rabto joogitaanka militariga Mareykanka ee bariga markaas "taasi uma badna inay dhacdo".

Intaa waxaa dheer "hubka iyo tababarku waa arrimo mustaqbalka fog ah", ayay u sheegtay BBC Focus on Africa.

"Waxaan u maleynayaa in codsiga ay samaysay dowladda Congo ay tahay hubaal sababtoo ah xaaladda milatari ee ka holcaya bariga, kuma qanacsani in waxa Maraykanku uga beddelan karo uu yahay mid dhab ahaantii wax ka qaban kara baahida ba'an ee xilligan."

Falanqeeyaha warshadaha macdanta ee Congo Jean-Pierre Okenda ayaa sheegay in qaar ka mid ah kormeerka heshiiska uu noqon doono mid macquul ah, isagoo soo jeediyay baarlamaanka iyo bulshada rayidka waa in sidoo kale lagala tashado haddii ay tahay mid u adeegaysa danaha dadka.

Heshiis hore oo lala galay Shiinaha kaas oo u fasaxaya macdanta si loogu beddelo mashaariicda kaabayaasha ayaa lagu dhaleeceeyay inaysan bixinin qaar ka mid ah waxyaabihii la ballan qaaday.

Tshisekedi ayaa tan iyo mar kale wada-xaajood ka galay arrintan, laakiin daahfurnaan la'aanta wadahadalladaas ayaa la cambaareeyay.

Maxaa xiga?

Ma jiro wax la taaban karo oo laga yaabo inay dhowaan dhacaan.

Halka Muyaya, oo u hadlayay Kinshasa, uu ka gaabsaday waxa aan filan karno, wuxuu u sheegay BBC in "maalmaha soo socda aan heli karno faahfaahin dheeraad ah oo aan soo wadaagno".

Waxa uu intaa ku daray in ay jirto "rabitaanka siyaasadeed [ee ka yimid Tshisekedi] waxaana filayaa in Maraykanku uu fiiro gaar ah u leeyahay su'aalahaas".

Dhinaca Maraykanka, sida laga soo xigtay mareegta wararka ee Semafor, Madaxweyne Trump ayaa lagu wadaa inuu ku dhawaaqo in Massad Boulos uu noqon doono ergeyga cusub ee gobolka Great Lakes ee Aqalka Cad.

Waa aabbaha dhalay Michael Boulos oo qaba gabadha Trump ee Tiffany, wuxuuna tan iyo bishii December ahaa la taliyaha sare ee Trump ee arrimaha Carabta iyo Bariga Dhexe.

Danihiisa ganacsi waxaa ka mid ah shirkad fadhigeedu yahay Nigeria oo ku takhasustay qeybinta gawaarida iyo qalabka guud ahaan Galbeedka Afrika - waxaana la filayaa inuu mar uun u duulo Kinshasa dhowrka toddobaad ee soo socda.