You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Qaar ka mid ah cuntooyinka keena gaaska ee aadan ku baraarugsanayn
Gaaska waa wax iska caadi ah. Celcelis ahaan qofka waxa ay hawo ka timaadaa 5 ilaa iyo 15 jeer maalintii. In hawo badan kaa timaado maalmaha qaar waa astaan caafimaad oo wanaagsan hadii aad iska indhatirto wajigabaxa aad la kulmeyso marka dadku dareemaan urka dhuusadaada.
Cuntooyinka keena gaaska inta badan waxaa ka buuxa karbohaydaraytka iyo faybarka. Waxaa jira cuntooyin uu jirkaaga si buuxda u shiidi karin balse ay shiidi karto bakteeriyada calooshaada.
Hadaba maxaa ka mid ah cuntooyinka keena gaaska? Tee ayaa keenta hawada urka leh? Goormee ayey tahay in aad dhakhtar aragto adigoo ka welwelsan in aysan arrintu caadi aheyn.
Cuntooyinka dufanka leh
In si gaabis ah loo shiido cuntada dufanka leh waxay xiidmaha ku keeni kartaa hawo ur ah. Way adag tahay in la shiido hilibka xeyrta leh sababtoo ah waxaa ka buuxa Matoniin.
Marka bakteeriyada xiidmaha ay noqoto salfar waxay soo saartaa gaas la mid ah sida ukun quruntay. Inta badan waxaa taas keena marka la cuno hilibka iyo cuntooyinka qaar.
Digirta
Digirta waxaa ku badan faybarka. Waxay kaloo leedahay nooc ka mid ah sokorta oo jirka bani'aadanka uusan si fudud ku shiidi karin. Sokortan waxay dhaaftaa xiidmaha oo ah halka bakteeriyada ku shiido si ay tamar ugu badasho.
Ukunta
Dad badan ayaa aaminsan in ukuntu ay keento dhuuso balse xaalka sidaa ma ahan. Si kasta ha ahaatee, waxaa ku jira Matoniin. Hadii aad dooneyso in aad ka fogaato dhuusada urka leh, waxaa haboon in aadan ukun cunin iyo sidoo kale cuntooyinka kale ee keena gaaska urka leh.
Hadii ukuntu kuu keento gaas iyo in caloosha ku dibirta markaas waxaa suuragal ah in aad xasaasiyad ku qabto cunista ukunta.
Basasha
Noocyada basasha ay ka kooban tahay iyo toonta waxaa dhammantood ku jira nooc ka mid ah karbohaydareetka keena gaaska iyo dibiryada.
Waxyaabaha ka yimaada xoolaha
Waxyaabaha ka yimaada xoolaha waxaa ku jira Laktoos, waa nooc ka mid ah sokorta oo keena hawo ururta.
Intaa waxaa dheer in 65 boqolkiiba dadka waa weyn adduunka oo dhan ay si un ugu xanuunsadaan sokortaas. In aad cunto waxybaaha xoolaha ka yimaada sida ariga iyo lo'ada waxay keeni kartaa gaas.
Qamadiga
Qamadiga waxaa ku jiro waxybaaha keena gaaska ama dibiryada. Cuntooyinka laga sameeyo qamadiga sida baastada, rootiga ama mashaarida waxay keenaan gaas. Sidoo kale waxaa ku jira Gulutoon oo ah nooc ka mid ah borotiinka. Dadka qaar ayuuna dhibaa, waxayna ka qaadaan gaas.
Kabashka
Kabashka iyo noocyo kale oo ka mid ah khudaarta cagaaran waxaa ku badan faybarka. Khudaartaas way ku adag tahay dheefshiidka in uu jajabiyo balse bakteeriyada xidmahaaga ayaa ka dhigta nooc ka mid ah tamarta jirkaagu u baahan yahay, waxayna keenta in halkaas uu gaas ka abuurmo.
Noocyo badan oo khudaartaas ah waxaa sidoo kale ku jira waxyaabo keen ur caadi ah.
Cambaha iyo Tufaaxa
Tufaaxa, cambaha iyo nooc kale oo la mid ah mirahan waxaa si dabiici ah uga buuxa nooc ka mid ah sokorta.
Sidoo kale qaar ka mid ah tufaaxa waxaa ka buuxa faybar. Qaar ka mid ah dadkana way ku adag tahay in jirkoodu uu shiido, waxaana suuragal ah in ay arkaan gaas badan marka ay cunaan cuntooyinkan. Sababtuna waxay tahay jirkooda oo aan jajabin karin.
Ma joojin kartaa hawada soo baxeysa?
Khudaarta, miraha macaan iyo digirta waxay keenaan gaas balse in maalin kasta joogto loo cuno aad ayey u muhiim u yihiin mana ahan in aad joojiso si aad uga fogaato hawada kaa imaaneyso.
Hadii adigoon la qabsan aad cunto waxybaaha faybarka uu ka buuxo, waxay taasi keeni kartaa marka aad degdeg u kordhiso in jirkaaga la qabsan waayo oo ay dhibto.
Cuntada aad qaadato maalin kasta si tartiib tartiib ah faybar ugu dar si aad uga fogaato dhibaatada ay leedahay in aadan qaadan.
In jirkaaga uu qaato biyo ku filan waxay sidoo kale yareysaa khatarta ay leedahay in caloosha ku istaagto taas oo sidoo kale sababta gaaska.
Hadii wasaq ay ku harto xiidmahaaga waxay taasi soo saari kartaa gaas kale oo dheeri ah oo aad u uraya.
Marka waxaad isku daydaa in aad biyo cabto markasta oo aad cunto cuneyso maalintii oo dhan. Hay'ada caafimaadka UK ee magaceeda loo soo gaabiyo (NHS) waxay ku talisaa in la cabo shaaha reexaanta leh si taasi u yareyso gaaska iyo dibiryada.
Cabitaanada qaar waxaa ku jira gaas badan hadii aad in badan ka cabto. Taas waxaa la mid ah ruugista xanjada iyo in degdeg loo cuno kaniiniga. Dhammaan waxas waxay keenayaan in hawo badan ay jirkaaga gasho taas oo ay tahay in uu iska soo celiyo.
Ma wax laga welwelaa?
Inta badan gaaska ama hawada kaa imaaneyso ma ahan wax laga welwelo. Badiyaa waxaa keena ma ahan wax sidaa u weyn.
Balse mararka qaar hadii gaasku bato waxaa suuragal ah in taasi ay astaan u tahay caafimaad xumo weyn oo ku haysa. Hadii aad ka welwesho waxaa haboon in aad la xiriirto dhakhatarka