Gaza oo sahay gargaar la geeyay kaddib saddex maalmood oo dib u dhac ah

Xigashada Sawirka, Reuters
Gawaari Xamuul ah oo ka badan 90 kuwaas oo siday gargaarka bani'aadannimo ayey la wareegeen koox Qaramada Midoobay ka tirsan oo ku sugan gudaha Gaza saddex maalin kaddib markii Israel ay dabcisay xanibaaada 11-ka usbuuc socotay.
Gargaarka oo ka kooban bur, cuntada carruurta iyo qalab daawo waxaa habeenkii Arbacada laga soo qaaday albaabka Kerem Shalom iyadoo la geeyay baqaaradii lagu qeybin lahaa. Muuqaalada goobta laga qaaday ayaa muujinaya foorno rooti ka sameyneysa qaar ka mid ah burka la keenay.
Qaramada Midoobay waxay sheegtay in dib u dhaca uu ka yimid hubaal la'aanta ka jirtay halka kaliya ee laga soogalo magaalada taas oo militeriga Israel ay ogolaadeen.
Israel waxay sheegtay in ay ogolaadeen 100 gawaarida xamuulka oo dheeri ah in ay ka gudbaan Kerem Shalom.
Qaramada Midoobay waxay sheegtay, "in aysan ku filneyn baahida inta badan dadka Gaza".
Ururada samafalka waxay ka digeen gaajada aadka u daran ee ay wajahayaan dadka gaaraya 2.1-halka milyan iyo sidoo kale carruurta aadka u badan ee nafaqadarradu hayso iyadoo cuntada carruurta ay yaraatay, qiimahana uu aad kor ugu kacay.
Qiimeyn ay sameysay IPC, oo u xilsaaran in ay la socoto cuntada, ayaa sidoo kale sheegtay in nus milayn dad ah ay wajahayaan bilaha soo socda macluul.
Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay xalay ayaa ku dhawaaqay in ay 90 gaari oo kuwa xamuulka ah ay ka gudbiyeen Kerem Shalom oo ah halka sahayda Gaza la marsiiyo.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Muuqaallo kale ayaa muujinaya jawaano bur ah oo lagu dajinayo foorno iyo rooti mashiinada ku jiro oo la sameynayo.
Ka hor howlahan, sarkaal sare oo ka tirsan hay'adda cuntada adduunka WFP, Antoine Renard, ayaa BBC-da u sheegay in dhibaatada gudbinta gargaarka ay ka timid militeriga Israel oo doonaya in gawaarida gargaarka ay maraan wado Gaza dhinac ka marta, taas oo hay'adaha gargaarka sheegeen in ay halis tahay.
Jidkaas ayuu sheegay in ay ka soo weerari karaan rayid aad u gaajeysan iyo dambiilayaal hubeysan.
"Gaariga xamuulka ah ee bur ku raran yahay waxa uu Gaza hadda ka joogaa ku dhawaad $400,000" ayuu yiri Mr Renard oo intaas ku daray, "xalka waa in boqolaal gaari joogto" u maraan wado ammaan ah si ay u gaaraan baqaarada. Wuxuu kaloo sheegay wixii intaas ka yar in khatartoodu badan tahay.
Mr Renard wuxuu sheegay hay'adaha gargaarka ee Gaza in aysan qoran ilaalo hubeysan oo raaca gawaaridooda, maxaa yeelay in loo arkay halis weyn. Xabad joojin dheer iyo shanta maalmood ee hadda la haysto ayaa aad loogu baahnaa.
Israel waxay joojisay labadii bishii Maarso dhammaan gargaarka iyo sahayda ganacsi ee galeysa Gaza, waxayna dib u bilowday labo toddobaad kaddib weerarada militeri.
Israel waxay sheegtay in jeedkeedu yahay in ay ku cadaadiso kooxda hubeysan sidii ay ku sii deyn laheyd 58 la hayste oo weli lagu hayo Gaza, 23 ka mid ah waxaa la rumeysan yahay in ay weli nool yihiin.
Waxay sidoo kale Israel ku adkeysaneysaa in gargaarka uusan yareyn iyadoo ku eedeysay Xamaas in ay xadayaan sahayda si ay u siiyaan dagaalyahanadooda ama lacag uga sameeyaan, Xamaas wey beenisay eedahaas.
Qaramada Midoobay waxay sidoo kale sheegtay in gargaarka la celiyay, Israel-na uu waajib ka saaran yahay sida uu qabo qeynuunka caalamiga xaqiijinta sidii cunto iyo daawo ku gaari lahaayeen Gaza.

Raysalwasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in uu ogolaaday gargaar xadidan in uu galo Gaza si militeriga Israel u sii wataan weerarkooda cusub ee dhulka. Ciidamada waxay doonayaan in ay si buuxda ula wareegaan dhulka reer Falastiin.
"Waa in aan ka fogaanaa xaalad bani'aadannimo si aan u sii wadano howlgalkeena," ayuu shir jaraa'id ka sheegay Netanyahu.
Netanyahu wuxuu kaloo sheegay in qorshaha khilaafka dhaliyay ee Mareykanka iyo Israel kaas oo gargaar lagu geynayo Gaza uu dhinac mari doono xarumaha Qaramada Midoobay ee hada jira iyagoo isticmaali doona shirkado gaar ah kuwaas oo cuntada ku qeybin doono xarumo ku yaal koonfurta iyo bartamaha Gaza, waxaana ilaalinaya sida u sheegay shirkad ammaan iyadoo taas ay siineyso Israel "fursad kale ay dagaalka ugu guuleysaneyso".
Qaramada Midoobay iyo hay'adaha kale ee gargaarka waxay sheegeen in aysan ku shaqeyeynin qorshahaas iyagoo sheegay in ay taas ka horjeedo mabaad'ida aasaasiga ee bani'aadannimada, waxayna u muuqdaa "gargaarka oo hub laga dhiganayo".
WFP ayaa sidoo kale ka digtay in taasi ay ku qasbeyso 2.1 milyan in ay safar dheer u galaan sidii ay cunto ku heli lahaayeen.
Sida Qaramada Midoobay sheegeyso ku dhawaad 81% Gaza waxay u qeybsan tahay qeyb israel amartay in laga baxo iyo qeyb aag militeri oo aan la gali karin ah.
Dad gaaraya ilaa 600,000 ayaa barakacay ilaa bishii Maarso, waxaana ku jira dadkaas 161kun oo toddobaadkii la soo dhaafay qaxay.













