ONLF oo BBC uga warrantay go'aan ka dhan ah dowladda Itoobiya oo ay soo saareen

Cabdiraxmaan Mahdi, ayaa BBC-da u sheegay in aanay hadda wixii ka dambeeya "la shaqayn doonin dawladda,

Xigashada Sawirka, ONLF

Qoraalka sawirka, Cabdiraxmaan Mahdi ayaa BBC-da u sheegay in aanay hadda wixii ka dambeeya "la shaqayn doonin dawladda

Garabka Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogaadeeniya (ONLF) oo uu hoggaamiyo Cabdiraxmaan Mahdi, ayaa BBC-da u sheegay in aanay hadda wixii ka dambeeya "la shaqayn doonin dawladda, isla markaana ay wada-hadal la geli doonaan shacabka" si ay u go'aamiyaan istaraatijiyaddooda xigta.

Koox kale, oo sheeganaysa inay tahay guddiga dhexe ee xisbiga, ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay ku sheegayaan in mowqifkani "aan lagu matalin xisbiga."

ONLF oo dalka soo gashay lix sano ka hor markii ay joojisay halgankii hubaysnaa ayaa ku dhawaaqday go'aankaan kaas oo ay baraha bulshada ay soo dhigeen.

ONLF oo muddo ka badan soddon sano ku soo jirtay halgan hubeysan, ayaa waxay gashay halgan nabadeed, kaddib markii ay heshiis la gashay dowladda sanadkii 2018-kii, waqtigaas oo uu xukunka qabtay maamulka ra'iisul wasaare Abiy Axmed.

Afhayeenka ONLF Cabdulqaadir Xasan Hirmooge ( Caddaani) ayaa isna BBC-da u sheegay in la isku afgartay in la xaliyo "arrintii aayo ka tashiga shacabka Ogaadeeniya" ee ONLF ay lix sano ka hor uga dagaallantay magaalada Asmara ee dalka Eritrea.

ONLF ayaa sidoo kale ku micneysay arrintaan in ay doonayso in afti laga qaado Ismaamulka Soomaalida si looga jawaabo su'aashan.

Afhayeenku wuxuu sharraxay in heshiiska lagu gaaray in si mug leh wax looga qabto "cabashada siyaasadeed, dhaqaale, iyo dhaqan ee dadka" ka dhex abuurmay.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in "ku darista maleeshiyaadkii ONLF ee ciidanka amniga gobollada" iyo "in dhaqan celin loo smaeeyo kuwii dagaalku saameeyay" ay sidoo kale ka mid ahaayeen arrimihii lagu heshiiyay.

Si kastaba ha ahaatee, afhayeenku wuxuu sheegay in heshiisyadan "aan la fulin".

Cabdulqaadir waxa uu sheegay in ONLF ay siddeeddii bilood ee la soo dhaafay dadaal ugu jirtay sidii dib loogu soo laaban lahaa heshiiskii lix sano ka hor la gaaray, lana dhaqan geliyo qodobbadii lagu heshiiyay.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Caddaani oo horay u sheegay in uu fashilmay wadahadal lagu waday in uu ka dhaco dalka Jabuuti ayaa mar kale sheegay in la isku afgartay in wada hadalka lagu qabto dalka Kenya. Sida laga soo xigtay afhayeenku, Kenya waxay ku mudaysay todobaadkii hore, hase-yeeshee war-saxaafadeed uu shalay soo saaray xisbiga ayaa sidoo kale looga hadlay kulankii lagu waday in lagu qabto dalka Kenya, ay dowladda federaalka ku eedeeyeen inay ka baxday wada xaajoodka halkii ay ka fulin lahayd ballan-qaadkeedii.

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar ayaa isaguna dhaleeceeyey ururkaas, waxaanu yiri "Waxay abaabuleen munaasibad been abuur ah, iyagoo iska dhigaya inay ku xiran yihiin yihiin ONLF.

Afhayeenka ONLF Cabdiqaadir oo la hadlay BBC-da ayaa yiri "Dowladda Deegaanka Soomaalida waxay isku dayday inay kala qeybiso ONLF, iyadoo wada hadal la yeelatay xubno kooban oo xiriir la leh.

Waxa uu sheegay in dadka la soo xiriiray Dowlad Deegaanka ay yihiin xubno "ka baxay xisbiga mar hore".

Arrimahaas ka dib, ururka ONLF ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in aanay wax xiriir ah la yeelan doonin dawladda.

"ONLF mar dambe lama macaamili doonto dowladda si bareer ah ayay u burburisay geeddi-socodkii nabadda," ayuu ku yiri war uu soo saaray.

Xisbigu wuxuu intaas ku daray, "Arrimahaas ka dib, ONLF waxay si firfircoon u raadinaysaa wadooyin kale si loo xaqiijiyo xaqa aayo-ka-tashigooda, caddaaladda, iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed," ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Afhayeenka ONLF C/ Qaadir Xassan Hirmooge ( Caddaani)
Qoraalka sawirka, Afhayeenka ONLF C/Qaadir Xasan Hirmooge (Caddaani)

Afhayeenka ONLF Caddaani oo la waydiiyay in ay caddeeyaan qaybtan ka midka ah bayaanka ayaa sheegay in ay qaban doonaan dood dadweyne si ay u faahfaahiyaan xaaladihii uu soo maray heshiiskaas ka dibna la qaban doono shirka golaha dhexe oo lagu go'aamin doono hadafka siyaasadeed ee mustaqbalka.

Afhayeenka waxaa la waydiiyay in ONLF ay halgankeeda ku sii wadi doonto si nabad ah ama qaab hubaysan waxaana uu yiri: "Ma oran karo halgankeenna si nabad ah ayaan ku sii wadi doonnaa, waayo ma awoodno, mar walba rabshad baa ka dhacda, xafiiskiina way xireen,".

"Dadkeenna waanu la tashan doonnaa, waxaanu isku dayi doonnaa inaanu albaabka wada-hadalka u furno hoggaanka ururka oo keliya, balse si guud qof walba," ayuu yiri.

"Ma ku sii wadan karnaa xaaladdan mise waa inaan quusannaa oo aan dagaalannaa?" ayuu raaciyay. Wuxuuna intaas ku daray in dood guud ay la yeelan doonaan jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Waqooyiga Mareykanka, Yurub, Bariga Dhexe iyo Afrika.

Wuxuu ku micneeyay wada hadalka shacabka, lala yeelanayo mid lagu gaarayo go'aan loo dhan yahay.

Cabdiqaadir waxa uu sheegay in wada-xaajoodyadan ay qorshaynayaan in la qabto bishaan Maarso waxaanu uu tilmaamay in shirka golaha Dhexe ee xisbiga la qaban doono bisha Abriil.

Waxa uu sheegay in go'aanka ugu dambeeya laga soo saari doono shirka Golaha Dhexe.

Inkasta oo ururka ONLF oo uu hoggaamiyo guddoomiye Cabdiraxmaan Mahdi uu hadalkan sheegay, haddana war kale oo la sheegay in uu soo saaray "Guddiga Dhexe" ee xisbiga ayaa ku gacan sayray mowqifkaas.

War-saxaafadeedka oo la soo dhigay barta Facebook ayaa lagu sheegay in war-murtiyeedka ka soo baxay magaalada Nairobi ee dalka Kenya aysan aqoonsaneyn ONLF.

Wuxuu sheegay in hadalka ah "in dowladda Itoobiya ay jabisay heshiiskii nabadeed" uu yahay mid ay dano gaar ah ka leeyihiin shakhsiyaad gaar ah oo aan oggolaansho ka heysan golaha dhexe ee ururka iyo xubnaha fulinta.

Ururku wuxuu bayaankiisa ku sheegay inay taageersan yihiin heshiiska nabadeed, ayna sii wadi doonaan xoojinta halganka siyaasadeed ee nabadeed.

"Waan aqoonsannahay kaalmadii ay dowladda federaalka iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida ka geysteen hirgelinta heshiiskii Asmara," ayuu yiri.

War-saxaafadeedka oo lagu sheegay in dhawaan la qaban doono shirweyne waafaqsan xeer hoosaadka guddiga doorashooyinka qaranka, ayaa lagu shaaciyey in shirka laga soo saari doono go'aamo iyo awaamiir xoojinaya halganka nabadda ah.

BBC-da ayaa isku dayday in ay faahfaahin dheeri ka hesho kooxdan baahisay warkaan hase-yeeshee ma suurta galin arrintaas.