Macallin dugsi gawracay gabar ay ehel ahaayeen oo xukun lagu riday

Xigashada Sawirka, .
Macallin ree wajeer ah ayaa lagu xukumay 12 sano oo xarig ah kadib markii lagu helay in uu tooreey ku dilay gabar dhalinyaro ah.
Ku dhawaad 8 sano ayuu qaatay kiiskaan six al looga gaaro.
Genyo Nuur Axmed, oo ahayd 16 jir iyoardayad dhiganeysay dugsi hoose dhexe, ayaa lagu dilay deegaanka Kutulo ee hoos yimaada degmada Tarbaj ee hoos tagta ismaamulka Wajeer bishii May ee sanadkii 2016.
Nuur Cabdi Axmed, oo macalin ka ahaa dugsi Qur’aan, ayaa lagu soo oogay dacwad ah inuu si bareer ah u dilay gabadha waxaana lagu xukumay dilka darajada koowaad ah ka dib markii la horgeeyay Maxkamadda Sare ee Garissa.
Waxaa xukunka riday Garsoore John Onyiego oo ka tirsan Maxkamadda Sare ee Garissa ka dib markii lagu helay dembiga uu galay.
"Waxaan ogaaday in xeer ilaalintu ay caddeeyeen kiiska dilka ah ee ka dhanka ah eedaysanaha, sidaas darteed, waxaan ku helay dambiga lagu soo oogay, waana xukumay si waafaqsan sharciga," ayuu yiri Garsooraha Onyiego. Waxa uu sidoo kale sheegay in 12-ka sano ay ku jirto 3 sano iyo bar oo uu xabsiga ku jiray oo uu sugayay xukunka dilka lagu soo eedeeyay.
Hase yeeshe qoyska gabadha ayaa BBC-da u sheegay inaysan ku qanacsanayn xukunka lagu riday ninka dilay gabadhooda.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Adeerkeed oo la yirahdo Aamin Dhimbil Axmed oo BBC-da la hadlay ayaa yiri: “Marnaba kuma qanacsanin xukunka 12-ka sano ah ee lagu riday Nuur Cabdi Axmed waxayna noola mid tahay in aan la xirinba oo uu aqalkiisa joogo marka marnaba kuma qanacsanin xukunka.”
Waxa uu sidoo kale BBC-da u sheegay in ninka gabadha uu dilay ay ilmo abti iyo ilmo eeddo ahaayeen oo ay qaraabo yihiinba.
Intii ay socotay dhageysiga dacwadda, ayay maxkamaddu dhageysatay in Genyo jirkeeda ay ka muuqdeen 2 dhaawac oo mindi ah oo dhanka xabadka ah, qoortana ay ka gawracnayd, waxaana dhimashadeeda sababay dhaawacyadii soo gaaray.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sidee ayuu u dhacay dilka?
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Genyo Nuur Axmed ayaa maydkeeda waxaa ka helay haweenay geel baadi ah raadineysay taas oo deegaanka ku suganayd.
Waxay dhacdada ku wargelisay dadka tuulada iyo odayaasha, kuwaas oo raacay calaamadaha raadka qof xirnaa kabo buudh ah oo u horseeday in ay gaaraan guriga Nuur, oo loo aqoonsaday inuu yahay tuhmanaha koowaad.
Odayaashii waxa ay soo heleen mindi dhiig ku yaallo iyo kabo buudh ah oo uu macallimku lahaa, sidaasna lagu soo qabtay. Sida uu BBC-da u sheegay Aamin Dhimbil Axmed oo gabadha adeerkeed ah.
Waxa uu sheegay in marnaba aysan filanayn in Nuur oo ay gabadha ilmo adeer ahaayeen uu dilkan u geystay.
Waxaa uu dugsiga u dhigayay gabadha walaalahayd oo ka yaryar.
Dacwad oogaha waxa uu aad ugu tiirsanaa baaritaannada saynisyahannada dawladda Elizabeth Waithera Onyiego iyo William Munyoki, iyo Johansen Oduor oo cilmi-nafsiga qaabilsanaa si ay u caddeeyaan kiiska ka dhanka ah Noor.
Agaasinka danbi baarista (DCI) ayaa si loo baaro maxkamadda u gudbiyay dharkii dhiiga lahaa ee ay xirnayd maalintii la dilayay iyada oo ay weheliyaan mindi, xanjo iyo shaal laga helay guriga Noor. “Nuur waxa uu xirnaa shaalkaas maalintii dambiga geysanayay.”
Baaritaannada DNA-da ee garsooraha loo gudbiyay ayaa waxay caddeeyeen in Nuur uu geystay dilka.













