Nin 29 jir ah oo abihii maxkamad geeyay si lacag looga qaado

Kulanti wacan kusoo dhawaada tebinta tooska ah

Tebin toos ah

  1. Nin loo soo xiray xatooyo oo labo askari xabsiga ku dilay

    .
    Qoraalka sawirka, Ninka ayaa qori ka dafay askari u raacay musqusha

    Nin xabsi ku yaalla dalka Talyaaniga ugu jiray tuhun la xiriira inuu mooto xaday ayaa toogasho ku dilay labo askari, xilli uu damacsanaa inuu baxsado.

    Muuqaal lagu shaaciyay warbaahinta ayaa laga arkayaa ninkan oo isagoo hubeysan isku dayaya inuu ka baxsado saldhig ay boolisku leeyihiin oo ku yaalla magaalada Trieste.

    Ninkan 29 jirka ah ayaa loo soo xiray eedeyn ku saabsan inuu mooto xaday.

    Askarta oo su’aalo weydiinaya ayuu codsaday inuu musqul aado, ka dibna wuxuu qori ka xoogay askarigii loo raaciyay inuu dusha kala socdo inta uu suuliga isticmaalayo.

    Waxaa lagu soo warramay inuu labada askari toogtay isagoo u dhow.

    Waxaa goor dambe la arkayay isagoo dhismaha markuu kasii baxayay ridaya rasaas kale oo dheeraad ah.

    .
    Qoraalka sawirka, Booliska ayaa mar kale gacanta kusoo dhigay eedeysanaha

    Eedeysanaha, oo lagu magacaabo Alejandro Augusto Meran ayaa goor dambe dib gacanta loogu soo dhigay.

    Labada askari ee uu dilay ayaa kala ahaa Pierluigi Rota iyo Matteo Demenego.

    .
    Qoraalka sawirka, Labada askari ee uu dilay ayaa kala ahaa Pierluigi Rota(bidix) iyo Matteo Demenego(midig).
  2. Dowladda Ruushka oo u yeertay danjiraha Iran u fadhiya Moscow

    Wasaarada arrimaha dibadda Ruushka ayaa u yeertay danjiraha Iran u fadhiya Moscow ka dib markii saxafi u dhalatay Ruushka lagu xiray Tehran.

    Wasaaradadda ayaa sheegtay in ay Iran ay ka doonayaan inay sharaxaad ka bixiyaan sababta loo xiray Yulia Yuzik.

    Warbaahinta ayaa ku warameysa in maxkamad la soo taagi doono sabtida wariye Yulia Yuzik .

    Waxaa lagu wadaa in lagu soo oogo dacwado ay ka mid yihiin in ay u basaas u ahayd Israa’iil.

    Yulia ayaa isla marki ay garoonka ka soo dagtay ba khamiistii waxaa lagala wareegay baasaboorkii ay wdatay.

    Waxaa sidoo kale ay wararku sheegayaan in markii dambe ay ciidamada ka soo xireen hotelkii ay daganeyd.

    khariirad

    Xigashada Sawirka, .

    Qoraalka sawirka, khariirad
  3. Farxiya: ‘’waxay moodaan in aad qaban Karin shaqada garsoore-nimo kubadda cagta"

    Farxiya mahad waxay garsoore ka tahay horyaallada Kenya waxay kala kulantaa bulshada caqabadooyin badan.

    Farxiya inkastoo ay ka heysatay taageero qoyskeeda waxay caqabado kala kulmi jirtay dhallinyarada.

    ‘’Mararka ugu horreyso ee lagu arko inaad tahay qof dumar oo haddana xijaaban waxaa waaye waa ay ku yasayaan oo waxay moodaan in aad qaban Karin shaqada garsoore-nimo ama in aad ordi Karin waxaa ay dhahayaan maxay tahay maanta buybuy ayaad rabtaa miyaa inaad nagula ciyaartid.

    Farxiyo ayaa sheegtay in ciyaaraha kubadda cagta ay aad u jeceshahay taas ayaana ku dhelisay inay garsoore noqoto.

    Waxay shaqadii ay ka heli jirtay nooligeeda ay uga soo tagtay in ay garsoore ay ka noqoto ciyaaraha.

    Farxiya ayaa sheegtay in shaqadaan aan ku heysanin wax dhaqaalo ah balse ay u geysay rabitaan iyo jaceyl ay u qabto ciyaaraha kubadda cagta.

    ‘’Run ahaantii wax dhaqaalo ah kama helo oo jaceylka aan u qabo mooye, mararka qaar waxaan wayaa lacagta gaari raaca ah ee aan ku imaado garoonka iskadaaye in aan iska debarro nolosheyda kale.

    Farxiya garsoore
    Qoraalka sawirka, Farxiya garsoore
  4. Diyaarad shidaal la'aan u burburtay oo ay dad ku dhinteen

    Diyaarad ah ku xamuulka qaada oo ah nooca Antonov ayaa ku burburtay meel u dhaw garoonka Lviv ee galbeedka dalka Ukraine maanta oo jimca ah.

    Shilkan ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 5 qof.

    Diyaaradani oo ay lahayd shirkada diyaaradaha ee Ukraine Air Alliance ayaa waxaa ka dhamaaday shidalka ka hor intii aan la gaarin xilligii ay ku sii hakan lahayd Lviv.

    Diyaaradda ayaa waxay ka timid dalka Spain waxayna ku sii jeeday magaalada Istanbul, waxaa sidaasi sheegay wasiirka gaadiidka Ukraine Vladislav Krikliy.

    Wuxuu qorshuhu ahaa in ay shidaal ka sii qaadato magaalada Lviv.

    Wasaarada ayaa intaa ku dartay in diyaaradan ay saarnaayeen 7 shaqaala ah iyo ninkii la socday xamuulkii ay waday.

    Ma cadda waxay ahayd diyaaradaasi.

    Diyaaradda ayaa ku soo dhacday meel u dhaw garoon kubbadda cagta ah,waxaana la xiray garoonka diyaaradaha ee Lviv ka dib burburka diyaaradaasi.

    burburka diyaaradda

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, burburka diyaaradda
  5. Jamaal'waan ku faraxsanahay in aniga oo qaxooti ah aan ka qeyb galo tartanka Dooxa'

    Jamaal Maxammed, oo ah qaxooti u dhashay Sudan kuna sugan israa’iil ayaa ka mid noqday ciyaartooyda ka qeyb galaysa tartanka ciyaaraha fudud ee ka socda magaalada Doxa ee dalka Qadar.

    Waxa uu Sudan ka tagay markii uu jiray 9 sano ka dib markii maleeshiyaadkii Janjaweed ay weerareen tuulo ku taalla Darfur islmarkana ay dileen 97 qof oo uu ka mid ahaa aabihii.

    Jamaal waxa uu ku biiray kooxda ciyaaraha fudud ee ka socota Qaxootiga islmarkana ah koox ay dhistay hay’ad gargaar oo ka shaqeysa howlaha bulshooyiinka dayacan ee Israa’iil ku sugan.

    Jamal ayaa BBC u sheegay in riyadiisa ay tahay in uu noqdo ciyaaryahan ka qeyb qaata ciyaaraha fudud.

    Jamaal Maxamed
    Qoraalka sawirka, Jamaal Maxamed
  6. Nin 29 jir ah oo aabihii maxkamad geeyay si lacag looga qaado

    Nin ganacsade ah oo reer Kenya ah oo maxkamad geeyay aabihii isaga oo dalbanayay in uu siiyo lacago uu noolashiisa ku dabaro ayaa kiiskiisa ku guuldareystay.

    Garsoore Aggrey Muchelule ayaa ku amray wiilka oo agaasima ka ah shirkad shidaal in uu bixiyo qarashaadkii aabihii uga baxay intii uu kiiska socday.

    Kiiskani oo maxkamadda yaalay saddex sano ayaa ninkan oo 29 jir ah waxa uu dalbanayay lacag dhan Sh2.8 milyan oo u dhiganta 28000 oo doolar.

    Lacagtan ayuu maxkamada ka dalbaday in uu aabihii bixiyo si uu ugu biiro jaamac islamarkana u sameeyo shahaadada labaad ee barashada la dagaalanka argagixisada iyo arrimaha ammaanka.

    Garsoore Muchelule ayaa sheegay in Allan Njau Waiyaki, uu helay shahaadad koowaad ee jaamacadda iyada oo qarashaadka uu bixinayay aabihii Eddie Waiyaki Hinga.

    Garsooraha ayaa sheegay in Allan uu imika yahay agaasimaha shirkad batroolka ka shaqeysa dakhli na uu ka soo galo islamarkana uusan u baahnayn in uu isku haleeyo aabihii.

    Maxkamadda ayaa tuurtay kiiska Njau ka dib markii ay ogaatay in masuuliyada waalidkiisa ay ku egtahay 18 sano jir.

    Njau ayaa ku dooday in aabihii uu yahay nin maalqabeen ah islamrkana masuuliyad la mid ah midda hooyadii ay ka saaran tahay daryeelka wiilkiisa.

    Waxa uu ku andacooday in hooyadii ay siisay lacag dhanSh2.6 milyan ah oo u dhiganta 26000 oo doolar.

    Waxa uu maxkamadda ugu baaqay in aabihii lagu qasbo in uu lcagtaas bixiyo taasi oo ay ka mid tahay lacagtii uu ay hooyadii siisay.

    Aabihii oo lagu magacaabo Waiyaki ayaa dhankiisa ku dooday in wiilkiisa uu soo waxbaray islamarkana uu masuuliyadiisa hayay ilaa 22 sano uu ka gaarayay.

    Maxkamada ayaa ku raacday Mr Waiyaki waxayna tuurtay kiiska wiiilkiisa.

    .

    Xigashada Sawirka, .

    Qoraalka sawirka, .
  7. Dibadbaxyo ka dhacay magaalada Baqdaad

    Booliiska dalka Ciraaq ayaa rasaas kor u riday si ay u kala ceyriyaan dibadbaxayaal maalinkii afaraad isugu soo baxay caasimadda Baqdaad.

    Ma jirto ilaa iyo imika wax khasaaro ah oo la soo sheegayo in ay dibadbaxayadaasi ka dhasheen.

    In ka badan 30 qof ayaa lagu soo waramayaa in la dilay toddobaadkan iyada oo kumannaan qof ay iska dhaga tireen Bandow ay dowladda soo rogtay.

    Mar sii horeysay rai’sul wasaaraha Ciraaq Cabdel Cabdul Mahdi, ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in dibadbaxayaasha kala hadlo waxayabaha ay dalbanayaan.

    Dibadbaxyada Baqdaad

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Dibadbaxyada Baqdaad
  8. Dad si khasab ah looga raray dhismayaasha dowladda ee Garowe

    bbc

    Maamul goboleedka Puntland ayaa si khasab ah uga raraya dadka ku jira dhismayaasha dawladda ee magaalada Garowe.

    Dawladda hoose ee Garowe ayaa hawsha fulinta amarkan oo lagu bannaynayo ilaa 50 xarumood oo dawladdu leedahay ka dambaysa.

    Waxay shegetay in horay loogu digay, balse qaar ka mid ah dadkii dagganaa hakaasi ayaa cabasho ka muujiyay tillaabadan.

    “Waan doooneynaa in magaalada la qurixyo, balse waxay ahayd in naloo sheega oon digniin nala siiya. Khasaara ayaa na gaaray hadda markii meheradaheenii la burburiyay. Waxaan haysanaa waraqad ruqso ah in aan meeshan ku shaqeysan karna”, ayay tiri Sahra Axmed

  9. Dameer farow baxsaday oo toogasho lagu dilay

    Dameer ferow baxsad ah ayaa lagu toogtay dalka Jarmalk kadib markii uu ka soo baxsaday beertii uu ku jiray oo uu soo galay waddada sababayna shil ka dhacay waddo mashquul badan.

    Booliska magaalada waqooyiga dalkaasi ku taalla ee Rostock ayaa sheegay in xayawaankan uu burburiyay gawaari dhowr ah xannibayna isku socodka gaadiidka Arbacadii ka hor inta aan la tooganin.

    Dameer ferow labaad oo isna isla goobtaas ka baxsaday ayaa la qabtay

    Ma cadda sida ay u baxsadeen labada xaywaan oo xerada ka baxay habeenkii Talaadada.

    afp

    Xigashada Sawirka, AFP

  10. DRC: 14 ku dhimatay goob macdanta laga qodo

    Getty Images

    Xigashada Sawirka, getty Images

    Sarkaal ka tirsan dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo ayaa sheegay in ugu yaraan 14 qof ay ku dhinteen god ay ka qodanayeen dahab sharci darro ah.

    Wasiir katirsan dowladda oo lagu magacaabo Steve Mbikayi aya sheegay in sadex qof oo kale la dhiga isbitalka, kuwaas oo uu soo gaaray dhaawac daran, waxaana haatan la soo sheegayaa inay socdaan dedaallada gurmadka.

    Shilkan ayaa ka dhacay Magaalada Kampene ee dalkaas, mana ahan markii ugu horeesay oo dalkas uu ka dhaco shil noocan oo kale ah oo marar badan ayay k adhaceen dalkaas, waxaana sababta la sheegay inay tahay dadka oo ana heysanin qalabkii loogu talo galay macdan qodoshada.

    .

  11. Mareykanka oo dib u furay safaaradiisii Muqdisho

    Mareykanka ayaa dib u furay safaaradii uu ku lahaa Magaalada Muqdisho.

    Safaaradda ayaa xirneyd mudo ku dhaw 30 sano, waxaana la xiray markii Soomalaiya ka qarxay dagaalkii sokeeye.

    War qoraal ah oo ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya aya lagu sheegay in arrintan ay timid, kadib markii Mareykanka uu sandkii hore dib u bilaabay xiriirkii diblomaasi ee uu la lahaa Soomaaliya.

    "Waa tallaabo kale oo horay loo qaaday, taas oo markale dib boorka looga jafayo xirirkii caadiga ahaa ee u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Mareykanka, waxay calaamad u tahay xiriirka sii xoogeysanay ee Mareykanka iyo Soomaaliya iyo horumarka xasiloonida, iyo nabadda Soomaaliya." Ayaa lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya.

    Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Donald Yamamoto ayaa sidoo kale sheegay in dib u furida safaaradda Mareykanka ay tahay taariikh muhiim ah iyo tallaaba kale oo loo qaaday joogteynta xiriirka diblomaasi ee ka dhaxeeya Mareykanka iyo Muqdisho.

    Dowladda Mareykanka oo horay u aqoonsatay dowladda Soomaaliya ayaa wakaaladda wararka ee Reuters waxay kusoo warantay in Mareykanka uu yahay dalka ugu badan ee taageerada siiya Soomaaliya oo waxaa uu sanadkii hore la sheegay in U.S uu Soomaaliya siiyay gargaar dhan 730 milyan oo doolar

    Mareykanka ayaa sidoo kale Soomaaliya ka taageero dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab oo waxaa uu Soomaaliya ka fuliya duqeymo dhanka cirka ah oo uu ku bartilmamaeedsado dagaalamayaasha Al Shabaab.

    bbc
  12. , Saraakiil ka socoto Kenya oo wadahadal la qaatay R/wasaaraha Soomaaliya

    Ra'isul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilay wafti ka socdo wasaradda riimah dibedda ee Kenya.

    Waxaa ka mid ahaa waftigan Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Ababu Namwamba iyo safiirka Kenya u fadhiya Soomalaiya Lucas Tumbo.

    Qoraal uu Ababu Namwamba soo geliyay bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay in dabaha labada dal ay kulanka uga wadahadleen.

    “wada hadal ayaan magaalda Muqdisho caawa kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo aan ka wada hadalnay arrimaha labada dhinac ee oo dan u ah Kenya iyo Soomaaliya”ayuu qoray Ababu Namwamba.

    Madaxweynayaasha labada dal ayaa isbuucii hore ku kulmay New York, waxyna ku heshiiyeen inay soo celiyaan xiriirka labada dal, sida ay sheegtay madaxtooyada labada dal.

    waxay ku mursan yahay xadka badda labada dal iyadoo dacwad arrintaa la xiriirta ay ka socoto maxkamadda Caddaaladda Adduunka.

    Kenya waxay ku adkeysaneysaa in lagu dhameeya muranka wadahadal halka Soomaaliyana ay doorbideysa maxkamadda.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

  13. Trump oo ku taliyay in ‘muhaajiriinta la toogto’

    Trump oo ku taliyay in ‘muhaajiriinta la toogto’

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa soo jeediyay in muhaajiriinta lugaha laga toogto si loo joojiyo, sida lagu qoray buug cusub oo soo baxay.

    Buugan oo ay qoreen laba weriye oo u shaqeeya wargeyska The New York Times ayaa lagu sheegay in Trump uu soo jeediyay taladan si muhaajiriinta aysanba ugu dhiiranin inay Mareykanka u safraan.

    Waxaa ka mid ah waxyaabaha kale ee uu ku taliyay Trump in la dhiso darbi dheer oo koronto lagu xiray iyo godod hoy u ah halaqa sida maska oo xadka laga sameeya.

    Dhismaha darbiga xadka Mexico wuxuu ka mid ahaa ballanqaadyada uu Trump ku galay ololaha doorashada 2016

    Dhismaha darbiga ayaa billowday, waxaana la sheegay in wasaaradda gaashandhigga Mareykanka ay u qoondeysay 3.6 bilyan oo doolar.

    Aqalka Cad kama uusan hadal eedeyntan u dambeysay ee lagu qoray buugaasi.

    bbc
  14. Maxay Puntland u qaadacday shirka Muqdisho ka furmay?

    Qoraalka Codka, Wasiirka qorsheynta Puntland oo ka hadlay sababta ay Puntland uga qeybgaleynin shirka

    Dowladda Goboleedka Puntland ayaa sheegtay inaysan ka qeybgeli doonin shirka iskaashiga ee maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

    Wasiirka qorsheynta Puntland Cabdiqafaar Cilmi xaange ayaa BBC-da u sheegay in "Puntland aan laga qeybgelinin wadatashigii hor udhaca ahaa ee lagu qabanqaabinayay shirka sida caadaada ahaydba'' sidaa darteedna ay go'aansadeen inaysan u safrin kulanka oo wufuud caalami ah ka qeybgalayaan.

    Wuxuu intaasi ku daray in qodobadii waaweynaa ee lagu soo qaaday shirkan kii ka horreeyay aan waxba laga fulinin, sidaa darteedna Puntland "aysan dooneyn inay makhraati been ah meesha geyso"

    Shirkan oo socon doonaa laba maalmood ah ayaa diiradda lagu saarayaa waxyaabihii ka hirgalay qodobadii la isku afgartay shirkii kan ka horeeyay oo lagu qabtay magaalada Brussels ee dalka Belgium.

    Jubaland ayaan sidoo kale la qeybgaleynin kulankan, mana cadda in la casumay iyo in kale balse dowladda ayaa horay u shegetay inaysan aqoonsanayn doorashadii Axmed Madoobe dib loogu doortay.

  15. Catoosh oo maanta BBC-da dib ugu so laabtay

    BBC

    Weriyaha BBC- da ee caanka ah, Cabdirisaaq Catoosh, ayaa dib ugu soo laabtay laanta af-Sooomaaliga ee BBC, kaddib muddo sanad ah oo uu fasax ku maqnaa. Waxaa uu dib u billaabi doonaa inuu tebiyo barnaamijyada raadiyaha ah ee BBC.

    bbc

    Catosh waa weriye leh khibrad 20 sano ka badan, waxaa uuna soo laabanayaa dhowr bilood kaddib markii dhamaan barnaamijyada raadiyaha laga soo wareejiyay London oo loo soo wareejiyay bariga Afrika.

    BBC

    Madaxa qeybta Afrika ee BBC-da Solomon Mugera, ayaa yiri, "Waan hubaa Catoosh dhageystayaasha way kuu xiiseen waxa ay sugi la' yihiin halyeygoodii inuu makarfoonka dib ugu soo nqodo. Catoosh soo noqosho wacan"

  16. Shir caalami ah oo ka furmay magaalada Muqdisho

    Shirka iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya oo ay ka qayb galayaan in ka badan wakiillada 50 waddan ee daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa Muqdisho ka furmay.

    Waxaa sidoo kale ka qeybgalaya qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada iyo qaar ka mid ah ururada bulshada rayidka ah.

    Hogaamiyayaasha Jubaland iyo Puntland ayaa haseyeeshee la sheegay inaysna ka qeybgeli doonin kulankan.

    bbc
    bbc
  17. Shiinaha: Ma jiro dal u babacdhigi kara awoodeena

    Qoraalka Muuqaalka, Dabbaldegga 70 sanaguuradii aasaaska xisbiga Shuuciga ee Shiinaha

    Waxaa dalka Shiinaha ka socdo xaflada lagu weyneynaya todobaatan sano guuradii ka soo wareegatay aasaaskii xisbiga shuuciga ee dalkaasi ee PRC.

    1-dii bishii October 1949-kii ayaa Mao Zedong waxa uu shaaca ka qaadayalkumidda PRC ka dib markii xoogagga shuuciga ay ku guulesteen dagaal sokeeye oo uu dhiig badan ku daatay.

    Tan iyo markaasi Shiinaha ayaa ku tallaabsaday horumar ballaaran balse waa mid ka mid ah dalalka ugu xirxiran caalamka.

    Madaxweynaha Shiinaha ayaa sheegay inuusan jirin xoog u babac dhigi lara cududda milatari ee Shiinaha. Wuxuu hadalkan ka jeediyay fagaaraha Tiananmen Square oo lagu soo bandhigay dhoolatus ballaaran.

    Si kastaba dabbaaldegyada ka socdo Shiinaha waxaa hareeyay dibadbaxyada Hong Kong halkaas oo lagu wada inay isugu soo baxay kumanaan diidan xukunka Bejing.

    bbc

    Xigashada Sawirka, bbc

  18. Suudaan oo u yeertay safiirka Masar markii la xiray ardey u dhashay dalkaas

    Dibadbaxyo looga soo horjeedo madaxweyne Sisi ayaa ka dhacay Qaahira toddobaadkii lasoo dhaafay

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Dibadbaxyo looga soo horjeedo madaxweyne Al-Sisi ayaa ka dhacay Qaahira toddobaadkii lasoo dhaafay

    Dowladda Suudaan ayaa u yeertay safiirka Masar u fadhiyo dalkeeda kaddib markii magaalada Qaahira lagu xiray ardey u dhashay dalkaas.

    Waliid Cabdiraxmaan oo u dhashay Suudaan ayaa la sheegay inuu ka qeyb qaadanayay dibadbaxyo ka dhan ah dowladda Masar balse qoyskiisa waxay beeniyeen eedeymahaas.

    Boqolaal qof ayaa dibadbaxyo ka dhigay afaafka hore ee wasaaradda arrimaha dibadda Suudaan ee magaalada Khartuum, waxay codsanayeen in Masar ay sii deyso ardeygaasi.

    Toddobaadkii lasoo dhaafay, Masar waxaa ka bilaawda dibadbaxyo looga soo horjeedo madaxweyne Cabdel Fataax Al Sisi.

  19. Nin 17 sanno booliska Shiinaha god uga dhuumanayay oo lasoo qabtay

    17 sanno kaddib, booliska waxaa u suurogashay inay soo qabtaan Song Jiang

    Xigashada Sawirka, YONGSHAN POLICE

    Qoraalka sawirka, 17 sanno kaddib, booliska waxaa u suurogashay inay soo qabtaan Song Jiang

    Ciidammada booliska Shiinaha ayaa gacanta ku dhigay nin baxsad ahaa oo muddo 17 sanno ah god uga dhuumanayay kaddib markii la adeegsaday diyaaradaha Drones-ka sii loo soo qabto.

    Ninka 63 jir ah oo ay booliska magaciisa ku sheegeen, Song Jiang wuxuu ka baxsaday xabsi sannadkii 2002-dii, waxaana loo heystay inuu ku howlanaa ka ganacsiga carruurta iyo haweenka.

    Ninka wuxuu ku noolaa god yar oo ay ku hareereeysan yihiin buuro, muddo sannooyin ah wuxuu iska ilaalinayay inuu arko qof banii'aadan ah.

    Ciidammada booliska ayaa horraantii bishan helay warar sheegayo in ninkaas uu ku noola godkaas ku yaal gobolka Yunnan ee koonfur galbeed dalka Shiinaha.

    Muuqaalka god uu ku noola ninkan

    Xigashada Sawirka, YONGSHAN POLICE

    Qoraalka sawirka, Muuqaalka god uu ku noola ninkan

    Ciidammada ayaa dhowr mar ku guul dareystay inay soo qabtaan, waxay adeegsadeen diyaaradah aan cidna wadin.

    Booliska ayaa sheegay in ninka markii ay qabteen uu hadli waayay maadama uu in muddo kaligiis noolaa.

    Warbaahinta dowladda ayaa ku warrantay in ninkan la qabtay uu ku noola biyaha webi halkaas mara iyo geedaha ku yaal halkaas.

    Waxaa dib loogu celiyay xabsiga uu 17 sanno ka hor kasoo baxsaday.

  20. Muqdisho: Qarax lala eegtay ciidammo Talyaani ah

    Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho waxay sheegayaan in qarax ismaadiin ah lala eegtay ciidamo Talyaani ah oo marayay waddo ku taal halkaas.

    Ugu yaraan 1 qof oo rayid ah ayaa ku dhintay qaraxaas halka 2 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen markii weerarka lagu qaaday kolonyo baabuur ah oo ay saarnaayeen militariga Talyaaniga.

    Warar ayaa sheegaya in markii uu qaraxa dhacayay in ciidammada Talyaaniga ay kasoo baxeen xarunta Xalane, waxay ku wajahnaayeen xarunta wasaaradda gaashandhigga.