Maxaad ka taqaan labada nin ee hugaaminaya wufuuda Soomaaliya iyo Itoobiya ku matalaya wadahallada Ankara?

Xigashada Sawirka, Social
Turkiga ayaa bilaabay inuu dhex dhexaadiyo Soomaaliya iyo Itoobiya ka dib khilaafkii labada dhinac ee la xiriiray heshiiskii badda ee ay Itoobiya la gashay maamulka gooni isu taaggiisa ku dhawaaqay ee Somaliland horaantii sanadkan, sida ay warbaahinta Reuters u sheegeen afar sarkaal oo arrintan xog ogaal u ah.
Wada-hadalladan ayaa ah isku daygii ugu dambeeyay ee lagu doonayo in lagu soo hagaajiyo xiriirkii diblomaasiyadeed ee u dhexeeyay dalalkan dariska ah, kuwaas oo xiriidhkoodu xumaaday bishii January, markii Itoobiya ogolaatay inay 20 km (12 mayl) ka kirayso xeebta Somaliland, taas baddelkeedana ay u aqoonsato madaxbannaanida Somaliland.
Muqdisho ayaa heshiiskaas ku tilmaantay mid sharci darro ah, waxayna dalkeeda ka eriday safiirkii Itoobiya, waxayna ku hanjabtay in ay dalka ka saari doonto kumannaan ka tirsan ciidamada Itoobiya ee ku sugan gudaha dalka oo gacan ka siinaya dagaalka ay kula jiraan kooxaha Islaamiyiinta ah.
Afhayeen u hadlay Somaliland oo halgan ugu jirta sidii ay aqoonsi caalami ah u heli lahayd inkasta oo ay iskeed isu maamusho oo ay ku naaloonayso nabad iyo xasillooni tan iyo markii ay ku dhawaaqday madaxbannaanida 1991-kii, ayaa sheegay wakaaladda wararka ee reutres u sheegay in aanay qeyb ka ahayn wadahadallada.
Dhanka kale wasaaradda arimaha dibadda ee Somaliland ayaa war ka soo saartay walaac arrinkaasi ku saabsan.
War qoraal ah oo lagu daabacay bogga wasaaradda arimaha dibadda Somaliland ayaa u qornaa sidatan:
“Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga ah ee JSL mudane Dr. Ciise Kayd Maxamuud ayaa xafiiskiisa kula kulmay Qunsulka Guud ee Türkiga u fadhiya Somaliland Mr. Levent Çeri. Wasiirku waxa uu la wadaagay walaaca ay xukuumadda Somaliland ka qabto arrimo door ah oo saamayn kara xidhiidhka labada dawladood ee Türkiga iyo Somaliland.”
“Kulanka oo kusoo dhammaaday is-afgarad ayaa waxa la isla qaatay in la sii xoojiyo xidhiidhka iyo wadashaqeynta dawladaha Somaliland iyo Türkiga.”
Wadahalka oo la sheegay inuu maanta bilowday ayaa ahaa mid hal maalin ku eg inkastoo ilaa hadda aan wax war ah aan ka soo bixin Soomaaliya iyo Itoobiya iyo sidoo kale oo Turkiga oo dhex-dhexaadinaya labada dhinac.
Wadahadalka waxaa dhinaca Soomaaliya u matalaya wafdi uu horkacayo wasiirka arrimaha dibedda Axmed Macallin Fiqi, halka Itoobiya uu wakiil u yahay wasiirka arrimaha dibedda Taye Atske Selassiem.
Haddaba maxaan ka naqaanaa labada wasiir arrime dibadeed ee Soomaaliya iyo ku matalaya kulanka Ankara?
Wa kuma Taye Atskeselassie - wasiirka arrimaha dibadda ee Itoobiya?

Xigashada Sawirka, EBC
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Taye Atskeselassie waa dublamaasi Itoobiyaan ah oo hadda haya xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda tan iyo 8 Febraayo 2024.
Marar badan ayuu shaqada safiirnimo ka soo qabtay Qaramada Midoobay.
Taye Atskeselassie wuxuu ku dhashay magaalada Debarq Gonder ee Gobolka Begemder ee dalka Itoobiya.
Waxbarashadiisii dugsiga sare ka dib waxa uu ka baxay Jaamacadaha Addis Ababa, kadibna waxa uu wax ka bartay Jaamacadda Lancaster ee Ingiriiska oo uu ka bartay Cilmiga Siyaasadda ee Xiriirka Caalamiga ah, iyo Daraasaadka Istiraatiijiga ah.
Waxa uu soo noqday Ergeyga Joogtada ah ee Qaramada Midoobay laga soo bilaabo 2018 kii.
Kahor magacaabista Qaramada Midoobay, Taye waxa uu soo noqday Qunsulka Guud ee Itoobiya ee Los Angeles. Waxaa kale oo uu xilal uu Itoobiya ku matalayay kaga soo shaqeeyay Washington DC, Stockholm, iyo safiirka Itoobiya ee Masar.
8-dii Febraayo 2024, waxa uu Demeke Mekonnen kala wareegay xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda, ka dib markii Demeke uu is casilay 26-kii Janaayo.
Danjire Taye oo muddo sodon sano ah ku guda jiray xirfaddiisa diblomaasi, wuxuu awood u yeeshay inuu xilal kala duwan iyo fagaarayaal caalami ah ku metelo Itoobiya.
Waa Kuma Axmed Macallin Fiqi?

Xigashada Sawirka, SOCIAL
Bilwogii bishii Abriil ayaa Axmed Macallin Fiqi loo magaacabay wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, isagoo horena xilal kala duwan hore usoo qabtay.
Waxa uu hore u ahaa wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta, bishii August sanadkii 2022 loo magacaabay.
Axmed Macallim Fiqi waxa uu xirfaddiisa siyaasadeed soo billaabay xilligii Maxkamadaha Islaamiga ah ay qabsadeen qeybo ka mid ah Soomaaliya, waxaana la sheegaa in uu saaxiib dhow la ahaa guddoomiyihii maxaakiimta ee xilligaas, Shariir Sheekh Axmed.
Sannadkii 2011, waxa uu ka mid noqday xubnaha loo doortay baarlamaanka Soomaaliya, halkaas oo uu siyaasaddiisa sare uga sii qaaday.
Intii ay jirtay dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Shariif Sheekh Axmed, Fiqi waxa uu noqday danjiraha Soomaaliya ee dalka Suudaan. Xilka Safiirka waxa uu hayay intii u dhaxeysay 2010 ilaa 2011.
2015, waxa uu qayb ka ahaa aasaaskii xisbiga Daljir oo ay ku mideysnaayeen isaga, Shariif Sheekh iyo siyaasiyiin kale. Xisbigan waxa uu 2015 ilaa 2018, ka ahaa Xog-hayaha guud.
Axmed Macallin Fiqi wuxuu ka mid ahaa saraakiishii ugu saameynta badnaa ee soo maray hoggaanka hay'adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka ee Soomaaliya.
Intii u dhaxeysay bishii May ee sannadkii 2011 ilaa bishii March ee 2013, ayuu ahaa agaasimaha guud ee hay'adda NISA oo ah mid awood badan.
Xilkaas markii uu qabanayay waxaa madaxweyne ahaa Shariif Sheekh Axmed, markii uu shaqada ka tagayayna waxaa dalka madaxweyne ka ahaa Xasan Sheekh Maxamuud.
Waxaa lagu tilmaamaa inuu shaqo weyn ka soo qabtay NISA uuna dhidibbo adag u taagay.
Dad badan wuxuu kaga yaabsaday go'aankii uu ku noqday Wasiirka Amniga gudaha ee maamul goboleedka Galmudug, kaddib markii uu madaxweynaha noqday Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.
Bishii April ee sannadkii 2020 ayuu xilkaas kala wareegay Saadaq Sheekh Yuusuf.
Intii uu xilkaas hayay waxa uu sidoo kale maamulka magaalada Gaalkacyo ee dhinaca Puntland kala shaqeynayay howlaha la xiriira nabadda iyo sugidda amniga.
Bishii Oktoobar sanadkii 2021 ayuu iska casilay xilkii Wasiirka Amniga ee maamul goboleedka Galmudug, isagoo dhaliilo xilligaas u jeedinayay madaxweynaha maamulkaas, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor).













