Muuqaalka ay BBC ka duubtay Shamsa ee sababay inay nolosheeda is beddesho

Nigeria

Shamsiyya Abubakar ayaa waxaa ku dhacay rajo-beel – dhaqaalaha Nigeria ee aadka hoos ugu sii dhacaya ayaa sababay inay maalin walba la daalaa dhacdo quudinta qoyskeeda sagaalka qof ka kooban.

Haweeneydan 32 jirka ah ayaa waxay billowday soo qaadashada cunnada afafata – oo ah haraaga bariiska oo jajaban kaasoo ay makiinaduhu iska daadiyaan.

Ms Abubakar, oo haatan umul ah, ayaa BBC Laanta Pidgin u sheegtay in nolosha adag ay gayeysiisay inay ku fekerto wax aan habbooneyn.

"Mararka qaar waxaan is iraahdaa: 'Intii aan sidan u noolaan lahaa, sow ma wanaagsan inaan iska dhinto?'" ayay ku tiri wareysiga oo luqadda ku baxay, kaasoo aad ay dadka Nigeria iskula wadaageen.

Balse tan iyo Talaadadii, dadka ayaa kusoo qulqulayay gurigeeda iyagoo siinaya cunno iyo lacag.

Falcelintan aan la filan ayaa "beddeshay nolosheeda", ayay tiri markii BBC ay mar labaad booqatay haweeneydan.

"Weligey nolosheyda ma arag lacag intaa la ek... aad baad dhabtii uga mahad-celinayaa.

"Waxaan lacag ka helay dhowr qof, halka qaar kalena ay ii keeneen jawaanno ay ka buuxaan bariis fiican iyo galley, marka haatan waxaan heysannaa cunno fiican oo nagu filan," ayay tiri.

Seygeeda Haruna Abubakar ayaa sidoo kale muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay qaabka ay noloshoodu isku beddeshay.

"Maalintii muuqaalka BBC, ma aynaan heysan wax aan cunno, waxaan la daalaa dhacayay inaan usoo helo 500 naira (£0.25; $0.32) oo aan ugu soo iibiyo xoogaa bariis ah," ayuu yiri.

"Maanta, waxaan ahay nin faraxsan maaddaama nolosheennu ay is beddeshay oo aan heysanno cunno nagu filan oo aan cunno."

Nigeria
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Sani Isah, oo ka mid ah dadka ka qeyb qaatay caawinaadda qoyska, ayaa sheegay in sheekada Ms Abubakar ay ka oysiisay. Mr Isah ayaa intaa ku daray inuu dareemay in qoyskan uu ku caawiyo inta yar ee uu heysto.

"Waxaan u maleynayaa in kiiskeeda uu hoggaamiyeyaasheenna ceeb ku yahay, waan ooyay runtii kadib markii aan daawaday muuqaalkeeda. Sidee qof uu u baryi karaa geeri intii uu jeclaan lahaa inuu noolaado sababo la xiriira cunno?" ayuu is weydiiyay.

"Waxaan ugu duceynayaa in dadka sideeda oo kale ahna oo xaaladdan ku jira ay sidoo kale helaan caawinta ay u baahan yihiin ee beddeli lahaa noloshooda."

Nigeria ayaa ahaatan la daalaa dhacaysa xasaraddii dhaqaale ee ugu darneyd in muddo ah, taasoo horseedday caro iyo nolosha oo dadka ku adkaata.

Talaadadii, kumannaan qof ayaa waddooyinka bannaanbaxyo ku dhigay iyagoo ka cabanaya sida ay dowladdu u maareysay dhaqaalaha.

Qiimaha sare ee cunnada ayaa ahayd waxa ugu badan ee ay dadku ka caroodeen.

Bariiska, oo ah cunnada aasaasiga ah ee Nigeria, ayaa qiimihiisu uu in ka badan labo jibbaar kordhay sanadkii lasoo dhaafay.

Shamsa keligeed maaha dadka ku nool bariiska jajaban ee wasakhda ah. Qiimihiisa oo aad u hooseeya ayaa qoysas badan oo waqooyiga ku nool noloshana la daalaa dhacaya ka caawiyay inay noolaadaan.

Dhowr kale ayaa sidoo kale ku qasbanaaday inay gaajo ku noolaadaan.

Shamsa oo u mahad-celisay naxariista dadka, ayaa sheegtay inay haatan ka dhursugi karto mustaqbalka.

Waxay BBC u sheegtay in si ay muddo dheer qoyskeedu u heystaan wax ay ku noolaadaan, ay dooneyso haatan in qaar ka mid ah cunnadii lagu caawiyay ay ku furato ganacsi.