Sida ay Iran burcad dembiileyaal ah ugu adeegsato dadka dibadaha lagu khaarajiyo

kacaanka iran

Xigashada Sawirka, Islamic Revolutionary Guard Corps special forces (file photo)

Qoraalka sawirka, Ilaalada Kacaanka Iran

Waxaa si weyn u kordhay shirqoolada ay Iran sameyneyso kuwaas oo lagu afduubanayo ama lagu khaarijinayo mucaaradka, wariyayaasha iyo cadowga siyaasadeed ee dibadda ku nool, sidaasina waxaa lagu sheegay warbixin ka soo baxday sirdoonada reer galbeedka.

Isku dayadan waxay kordheen laga bilaabo 2022-kii. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la sheegay in uuu ka mid yahay bartilmaameedyada la sheegay. UK, booliska ayaa su'aalo weydiinaya dhowr qof oo Iran u dhashay kuwaas oo la xiray horaantii bishan kaddib markii looga shakiyay in ay qorsheynayeen weerar argagixiso. BBC-da waxay ogaatay in bartilmaameedka la sheegay uu ahaa safaarada Israel ee London.

Dokomentiyo maxkamadeed oo ka soo baxay Turkiga iyo Mareykanka oo barnaamijka baarista BBC Eye iyo kan afka Persia arkeen ayaa waxaa ku jiray cadeymo sheegaya in Iran ay kireysaneysay burcad dalal shisheeye dilal ka fuliya, eedahaasi dowladda Iran hore ayey u beenisay. Madaxda Iran kama jawaabin codsi hor leh oo ku saabsan arrintaas.

Hal magac oo si joogto ah dokomentiyada ugu soo laalaabtay ayaa ahaa Naji Sharifi Zindashti oo ah madaxa burcada dambiilayaasha Iran ee lagu yaqaan in ay kala gudbiyaan maandooriyaha.

Magaciisa waxa uu ka soo muuqday eedeymaha Turkiga ee la xiriira dilkii 2017-kii ka dhacay Istanbul ee Saeed Karimian oo ahaa madaxii telefishinka baahiya filimada iyo barnaamijyada reer galbeedka.

Naji Sharifi Zindasht

Xigashada Sawirka, Instagram

Qoraalka sawirka, Naji Sharifi Zindasht

Madaxda Iran waxay u arkayeen Karimian in uu khatar ku ahaa qiyamka Islaamka. Saddex bilood hore dilkiisa, waxay maxkamadda Kacaanka Islaamka ee Tehran ku xukuntay isagoo maqan lix bilood oo xabsi ah.

Mareykanka iyo madaxda Turkiga waxay aaminsan yihin in geeridiisa ay la xiriirta colaad ka dhexeysa maafiyada.

Massoud Molavi oo ka soo goostay Ilaalada Kacaanka Iran (IRGC) ayaa 2019-kii lagu dilay Istanbul, dilkaas wuxuu iftiimiyay kaalinta Zindashti uu ku lahaa khaarijinta Karimian.

Molavi waxa uu kashifay musuqmaasuqa heerkiisu sareeya ee ka dhex jira hoggaanka Iran. Booliska Turkiga waxay shaaca ka qaadeen in uu goobjoog ahaa ninkii ka shaqeynayay beerta Zindashti halkii lagu khaarijinayay Molavi. Sidoo kale darawalkiisa waxa uu joogay halkii lagu dilay Karimian. Booliska waxay ka shakiyeen in darawalka iyo ninka kale uu soo diray Zindashti.

Zindashti waxaa loo qabtay dilka Karimian balse si khilaaf ku jiro ayaa loo sii daayay lix bilood kaddib taas oo fadeexo ka dhalisay Turkiga. Garsoore ka tirsan maxkamadda sare ayaa amray in dib loo xiro balse dalka waa uu ka tagay.

Kaddib waxa uu u duulay Iran taas oo dhalisay shakiga in uu la shaqeynayay sirdoonka Iran.

Cengiz Erdinc oo ah wariye baaris sameeyay dalka Turkiga ayaa sheegay in dhammaan dilalka taliska Iran fuliyeen ay joogeen goobta shaqaalaha Zindashti.

Cengiz Erdinc
Qoraalka sawirka, Cengiz Erdinc
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

In ka badan 30 sano ka hor ayaa lagu helay in uu Iran geliyay daroogo, waxaana lagu xukumay dil. Balse warar suuqa ayaa sheegaya in sirdoonka Iran ay ka dambeeyeen in uu u baxsado Turkiga.

"Hadii qof dil lagu xukumay uu baxsado kaddib markii uu dilay askari, suurgal ma ahan in uu sii noolaado, hadii kale wax badan oo kale ayaa jira," ayuu yiri qof aad ugu dhawaa Zindashti. Qofkaas BBC-da ma sheegeyso cadeyntiisa sababo la xiriira badqabka qofkaas.

2020-kii magaca Zindashti waxa uu markale ka soo muuqday eedeymaha Turkiga isagoo lala xiriirinayo afduubka Habib Chaab oo Iran u dhashay kaas oo laga afduubtay Istanbul.

Chaab dil toogasho ah ayaa lagu xukumay, kaddibna waa la dilay. Zindashti ina adeerkii waxaa lagu xiray Turkiga, waxaana lagu tuhunsanaa sida lagu waayay Chaab.

Sanadkii 2021-kii Zindashti wuxuu ku lug lahaa shirqool ka dhacay Mareykanka. Sida laga soo xigtay dokomentiyo ka soo baxay maxkamada Minnesota, xiriirka ka dhexeeyay Zindashti iyo nin Canada u dhashay ayaa ka mid ahaa eedeysanayaasha.

Waxaa la sheegay in Zindashti uu ku yaboohay $370,000 si loo dilo labo qof oo ka soo baxsaday Iran. FBI-da ayaa ka hortagtay oo xirtay labada nin ka hor inta aan weerarka la fulin.

Baaristeena qoraalada maxkamada waxay sidoo kale shaaca kaqaadeen in IRGC iyo garabkeeda howlgalada dibadda, Quds Force, ay la shaqeynayeen kooxo burcad ah sida Thieves-in-Law iyo kuwa kale si ay u fuliyaan afduub iyo khaarijin.

Ilo wareediyo ka soo baxay Mareykanka iyo sirdoonka Israel ayaa sheegaya in unuga 840 ee garabka Quds ay ka mas'uul yihiin in ay qorsheeyaan oo ka dhisaan dibadda qeyb argagixiso.

Bishii Maarso, xeerbeegtida New York ayaa labo nin ku xukuntay in ay xiriir la lahaayeen kooxda Thieves-in-Law in ay ka dambeeyeen khaarijinta Masih Alinejad oo ah nin Mareykan ah oo asalkiisu Iran yahay.

Kaddib dilkii Qasem Soleimani 2020-kii, waxay Iran ku hanjabtay in ay aargudaneyso. Ilaa markaa kaddib Mareykanka waxay sheegeen in Iran ay qorsheyneysay dilka xubno ka tirsan maamulka Trump ee ku lugta lahaa dilka Soleimani, xubnahaasi waxaa ku jira John Bolton iyo Mike Pompeo.

Intii ay socotay doorashadii sanadkii hore ee Mareykanka, waxay dacwad oogayaasha ku eedeeyeen Iran in ay qorsheyneyso dilka Donald Trump kaas oo Iran ay si adag u beenisay.

Iyagoo ka jawaabeysa khatartaas ayey Mareykanka iyo UK waxay cunaqabateyn ku soo rogeen shaqsiyaadka lala xiriirinayo howlgalada sirdoonka Iran. Zindashti wuxuu beeniyay in uu la shaqeeyo sirdoonka Iran.

Sima Sabet,

Kaddib markii rag wajiga soo dabooshay ay afar hoggaamiyayaasha Kurdiyiinta Iran ku khaarijiyeen maqaayad ku taal Berlin sanadkii 1992-dii, dacwad oogayaasha Jarmalka waxay dilka ku eedeeyeen dhammaan hoggaanka Iran. Weerarka waxaa fuliyay wakiilada Iran iyo xubno ka tirsan Shiicada Xisbullah ee Lubnaan.

Waxaa la soo saaray amar caalami ah oo lagu xirayo wasiirka sirdoonka Iran, waxayna maxkamadda ku dhawaaqday in amarka khaarijinta uu ogaa hoggaamiyaha sare kacaanka Iran iyo madaxweynaha.

Ilaa markaa kaddib Iran waxay adeegsaneysay kooxo dambiilayaal ah si ay u fuliyaan afduubka iyo dilalka iyagoo isku dayay in ay ka fogaadaan in weerarada lala xiriiriyo taliska.

Matt Jukes oo ah madaxa booliska la ka hortaga argagixisada UK ayaa sheegay in ay booliska u fududay in ay dhexgalaan kooxaha burcada sababtoo ah fakar ahaan lama shaqeeyaan taliska Iran.