You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Al Karaama: dagaalkii ugu dambeeyey ee ay ciidanka Urdun iyo Falastiiniyiin wada socda la galeen Israa'iil
Ka hor 57 sano waxaa dhacay dagaal loogu magac daray dagaalkii Al-Karaama oo socday 15 saacadood oo kali ah, laakiin waxaa uu noqday guushii ugu horeysay ee Carabta iyo guuldaradii fadeexada ee waayitaanka ciidamada Israa'iil.
Aynu dib ugu laabano waxyar taariikhdhda, sanadkii 1948-dii oo Carabta ay la kulmeen guuldaradii soo gaartay ee lagu aasaasay dowlada Israa'iil ilaa iyo Juun 1967, oo ay Israa'iiliyiintu guul ka gaareen dagaalkii Lixda maalmood ama ''Naksa'' oo ciidamadii carabtu aad uu khasaaruhu u soo gaaray, wuxuuna ku dhamaaday qabsashadii Israa'iil ee gacanka Siinaay, buuraha Golan Heights ee Siiriya, marinka Qaza, iyo Daanta Galbeedka , oo ay ku jirto bariga quddus.
Wakhtigaasi ciidamada Israa'iil ayaa u muuqday kuwa qaba kalsooni, waxaana sagaal bilood ka dib dagaalkii 1967-dii ay qaadeen qabsashadii dagaalkii milatari ee dooxada Urdun.
Ma leh meel looga cararo Dagaalka
Runta ayaa ah dooda la xiriirta dhacdadii ''Al-karaama'' inay socotay 50 sano, ka soo bilow soo ifbaxeedii ilaa dagaalka dhexdiisa iyo dhamaadkii cawaaqibteeda. Si kastaba waxaa mid ka mid ah uu ahaa sugnaanshiyaha ''fadayeen'' oo ah erey bixin lagu yaqaanay dagaalyahanada Falastiiniyiinta ee ku dherersan daanta bari ee wabiga Urdun iyo weeraradii ay soo qaadayeen ee ka dhanka ahaa ciidamada Israa'iil ee fadhigoodu ahaa Daanta Galbeed ee dhowaan ay qabsadeen, taasoo ka dhigay dagaalka mid lama huraan ah.
Gaashaanlihii dhexe ee geeriyooday Jeneraal Mashhour Haditha al-Jazi oo ahaa taliyihii dagaalka Karaama ayaa sheegay intii u dhaxaysay dagaalkii 1967 iyo iska hor imaadkii 1968 uu goobjoog u ahaa isku dhacyadii goosgooska ee u dhaxeeyay ciidamada Israa'iil iyo kuwa Urdun. Waxaa uu intaas ku daray ciidamadii Urdun ay taageerayeen kuwii ku howlgalayay ''Fadayeen'' ayna siinayeen difaac kore oo ka dhan ah kuwa kasoo laabanayay Daanta Galbeed ee la haysto markii ay soo sameeyaan howlgalada Milatari.
Al-jazi ayaa intaas ku daray isaga oo ka sheekaynaya intii uu noolaa wixii uu u soo joogay in ciidamada Urdun ay ku wargalinayeen kooxihii Falastiiniyiinta inuu ku soo socdo weerarka Israa'iil, iyada oo uu dhexmaray iskuxir labada dhinac oo u diyaar garowga dagaalka.
Mid kamid ah aasaasayaashii Fatax, Saalax Khalaf oo loo yaqaan Abu Iyad ayaa ku sheegay buugiisa ''Falastiin aan lahayn Aqoonsi'' in Fatax hogaankeedii uu soo gaaray talo ka imaanaysay madaxii ciidanka Urdun sarreeye gaas Amer Khammash oo ahayd in la baneeyo magaaladii Karameh, taasi oo siisay kooxdii Fadeyeen ee aan awooda lahayn inay ka hor yimaadaan ciidamo nidaamsan oo dhisan. Si kastaba ha ahaatee, Abu Iyad ayaa sheegay in kasta oo taladu ahayd loo qaateen, tixgalin siyaasadeed ayaa keentay si degdeg ah Fatax ay uga hortimaado Khamaash iyo ciidamaynta halkaasi.
Markii ay saacadu ahayd 5:30 a.m, maalin Khamiis ah Maarso 21, 1968, ciidamadii Israa'iil oo ku hubaysan taangiyo, diyaaradaha dagaalka, ciidamada dhulka iyo kuwa baarashuutka ku duula ayaa bilaabay inay weeraraan xuduudka Urdun, iyaga oo ka soo galaya saddex dhinac buundada Suwayma, buundada boqor Xuseen iyo buundada Damia.
Buugiisii ''Shaqadayda ka boqornimo'' ee boqorkii geeriyooday Xuseen Bin Talaal ayaa ku qeexay dhacdooyinkii dagaalka ''howgalintu waxa ay ahayd mid dhiig badan uu ku daatay labada dhinac; waxaa jiray khasaarooyin bini'aadanimo iyo burburka qalab badan… Shaki kuma jiro Fadaayiin inay ahaayeen xoogag lagu xasuusan karo goobaha dagaalka, waxa ay u dagaalameen si geesinimo leh iyaga oo ka dhinac dagaalamaya xoogaggii Urdun ee dagaalkii Karaama.
Xisaabaadkii la rogay
Waxaa ay u muuqataa maragtii ay bixiyeen dadkii goobjooga ahaa inay ahayd wakhti Israa'iil si dhamaystiran uga yaabiyeen ciidamadii Urdun ee qaybta ka ahaa dagaalka, sida la qiyaasayay waxa lagu sheegay hadafka ''baabi'inta Fedaayiintii Falastiiniyiinta'' uu ku khasabayo ciidamada Urdun inay iska istaagaan oo daawadaan, ayna ciidamada bilo ka hor ku keentay burbur dagaalkii 1967 iyo xiriirkoodii ay isku dhibanaayeen Falastiiniyiinta hubaysnaa.
Si kastaba há ahaatee dokuminyada Urduninyiinta ayaa muujinaya Israa'iil in aysan kali ah raadinayn baabi'inta Fadayiin, laakiinse sidoo kale ay doonaysay qabsashada buuraha sare ee magaalada Salda iyo in loo soo jeediyo Cumaan inay qaadato heshiis nabadeed-wakhtigaasi.
Axmed Jibriil, xoghayihii guud ee jabhadda xoraynta Falastiiniyiinta ayaa sheegay is diyaarintii wanaagsanayd ee ciidamada Urdun iyo inay xili horeba qayb ka ahaayeen dagaalka, iyaga oo watay hub iyo gantaalo culus ayaa xisaabaadkii ay isku dhufsadeen Israa'iil hoos ugu rogtay, waxaana dagaal uu dhiig badan ku daatay ka dib ay ku khasabtay in ay ciidamadoodii la baxaan.
Waxaynu la hadalnay Saxafiga reer Israa'iil ee ku takhasusay arimaha Falstiiniyiinta Danny Rubinstein oo ka soo waramayay dagaalkii Karaama isaga oo wakhtigaasi weriye u ahaa Haartez.
''Ciidamada Israa'iil waa ay diidanayeen inay aqbalaan guuldarada dagaalka oo Israa'iil looga yaqaanay Karameh, waxaase badalkeeda ay sheegeen inay ku guulaysteen hadafkoodii koowaad ee howlgalka oo ahaa baabi'nta xerooyinka Fadaayiin iyo fadhiyadoodii Karaama ee ku dherersanaa wabiga Urdun'' ayuu yiri Rubinstein.
Haddii aynu dib ugu laabano kaydka, waxaynu ka helnay cadadkii 90aad ee wargayska Al-ittihad ee ku taariikhaysnaa Maarso 22, 1968, booskii ra'iisul wasaaraha Israa'iil Levi Eshkol oo ka hor sheegaya Knesset howlgalka. "Ciidamada Israa'iil waxa ay ka sifeeyeen aragagixisada meelihii ay isku qarinayeen, ayagoo dilay daraasiin iyaga kamid ah, innagana nalagu khasbay inaan burino xabad joojinta".
Saxafiga Rubinstein ayaa intaasi ku daray ra'yi aruurin dadweyne oo laga sameeyay Israa'iil ay ku tilmaameen mid aan la aqbali karin guuldaradaasi. Marka la eego baaxada khasaaraha soo gaaray ciidamada Israa'iil, kuwaasi oo la rabay inay si degdeg ah u bilaabaan dagaalka ka dhan ah tira kooban oo Falastiiniyiin ah.
Madaxii ciidanka Israa'iil Haim Bar-Lev ayaa isaga oo u waramayay wargayska Haartez 31-dii Maarso 1968 yiri ''Israa'iil waxaa ay gaareen guulo la taaban karo, laakiin Karameh waxaa uu ahaa mid gaar ah, iyada oo ay ugu wacan tahay tirada badan ee dhaawacyada na soo gaaray iyo ciidanka Urdun oo qabsaday tiro kamid ah taangiyadeena iyo baabuurteena. Waana sababta ay la yaabka ula kulmeen Israa'iiliyiintu".
Hal Daagaal iyo Sheekooyin badan
Ka dib 15 saacadood oo dagaal aad u daran ah, waxaa uu ku dhamaaday in ciidamadii Israa'iil ay dib u gurtaan. Howlgalka ayaa khasaaraha ka dhashay uu noqday 250 ciidan ah oo dhintay, 450 dhaawacmay iyo daraasiin taangiyo, baabuur iyo diyaarado dagaal ay ku waayeen.
Urdun sida laga soo xigtay ciidamada waxaa ay ku waayeen 86 askari, 108 ayaa kaga dhaawacantay, iyaga oo ku waayay gaadiid ay Israa'iil ka qabsatay.
Si kastaba Israa'iil ayaa khasaaraheeda ku qiyaastay ku dhowaad 30 askari oo dhimasho ah, daraasiin dhaawac ah iyo gaadiid iyo taangiyo ay ka qabsadeen ciidamada Urdun.
Khaasaraha Falastiiniyiinta ayaa lagu qiyaasay ku dhowaad 100 dagaalyahan oo kaga dhintay dagaalka, dhaawacyo iyo maxaabiis laga qabtay.
Ugu dambayntii, shaki kuma jiro iskudayga ah in si sax ah oo loo baaro xaqiiqooyinka dagaalka Karameh uu mar kasta la kulmayo kala qaybsanaan laba dhinac ah. Waxaa haysataa laba dhinac oo guulo kala sheeganayo, mid kastana uu dhiniciisa u jiidayo, kuwaasi oo mararka qaar iska hor imaanaya. Si kastaba ha ahaatee, waa wax la filan karo marka la eego adkaanshaha qalalaasaha ee ay marxaladaasi xukumayso iyo wixii natiijooyin ahaa ee xigay markii dambe.