Muxuu yahay xanuunkan ay ka cabanayaan dadka ku nool Wajeer

Cudurka kelyo fadhiisiga ayaa aad ugu soo badanaya muddooyinkii u dambeeyay dhulka Soomaalida, iyada oo aad ay u kordhayso tirada dadka u baahanaya dhaqitaanka Kelyaha ama heer ay gaaraan in la beddelo.

Ismaamulka Wajeer ee Waqooyi Bari Kenya ayaa ka mid ah meelaha uu aad ugu badan yahay Kelyo istaagga, iyada oo ku dhowaad 80 qof ay gaarayaan tirada dadka uu cudurkaasi soo ritay ee hadda isticmaala mashiinada bilihii u dambeeyay.

Isbitaalka guud ee Wajeer ayaa tirakoob uu sameeyay ku ogaaday in ragga ay yihiin kuwa ugu badan ee xanuunkaasi la dhiban.

"Bukaanada ayaa 58 kamid ah ay yihiin rag, halka haweenka tiradooda ay gaarayso ilaa 21 dumar ah" sida uu isbitaalku sheegay.

Dadka qaba sonkorta iyo dhiig karka ayaa ah kuwa ugu badan ee laga diiwaan galiyay isbitaalka Wajeer ee la dhiban kelyo fariisashada.

Muxuu yahay Cudurka Kelyo Istaagga?

Kelyo istaaggu waa iyada oo ay kelyuhu howsha gabaan, ayna shaqeyn waayaan, waxaana ay sababtaa in loo baahdo in la beddelo ama in si joogto ah mashiin loogu dhaqo.

Kilyaha markii ay awoodi waayaan qashin saarista ka imaanaysa dhiigga waxaa sahlanaanaya in dheecaan iyo qashin ay soo daayaan, taasi oo keenta inay istaagto shaqadii kelyaha.

Kelli kasta waxaa looga baahan yahay in aysan ka yaraan heerka shaqadeeda ilaa 15% cabirka shaqada kilyaha, sida ay dhakhaatiirtu sheegayaan.

Dr Daa'uud Cabdi Sheekh oo kamid ah dhakhaatiirta ismaamulka Wajeer ayaa wareysi uu siiyay BBC uga warbixiyay dadka reer Wajeer ee cudurkan uu soo ritay oo tiradoodu soo badanayso, iyo habka ugu wanaagsan ee cudurkaasi looga hortagi karo.

Ugu horreyn waxaa uu sharraxayaa waxa uu yahay cudurkani, sida aad ku ogaan karto iyo waxyaabaha laga qaado.

''Kelyo fadhiisashadu waa cudur kelyaha ku dhaca, waxayna ka bilaabataa wax yar oo aan qiimo lahayn oo wax laga qaban karo, sida dhiig karka oo kugu ridi kara, iyo kiniiniyada xanuun baabi'iyaha oo Soomaalidu aadka u cunaan'' ayuu yiri dhakhtarku.

Baaritaan la'aanta aan joogtada ahayn ayeysan dad badani isaga warqabin in cudurkani uu soo hayo ama ay qabaan, iyada oo ay isbitaallada tagaan xilli aan waxba laga qaban karin oo kilyuhoodu fadhiisteen, sida uu dhaqtarku sheegay.

''Qofka Soomaaliga ah cudurkiisa waxaa la ogaadaa marka uu soo dhaco, qofka suu u fiican yahay wuu iska ordayaa wuu soo fadhiisanayaa, waa la baarayaa, kellidii inay fadhidaa la arkayaa, markaas oo ah goor dambe oo aan waxba laga qaban karin ilaa la dhaqo'' ayuu sheegay Dr Daa'uud Cabdi oo ka hawlgala Wajeer.

Dr Daa'uud ayaa aaminsan isbedelka nolosha Soomaalida in uusan sabab u ahayn xanuunka kelyaha oo waxyaabaha keena ay aad u badan yihiin.

Mashiinada kelyaha lagu dhaqo oo aad ugu yar dhulka Soomaalida ayaa ka mid ah caqabadaha qaar ee haysta dadka la dhiban xanuunkan.

Dhaqitaanka ayaa ah kaalmo uu qofku u helayo inuu shaqadiisa sii qabsado, mase aha xal abadi ah oo kilyaha caafimaadkooda wax ka taraya, sida uu sheegay Dr Daa'uud.

Dadka qaba Sokorta iyo Dhiigkarka ayaa u badan Kelyo Istaagga

Isbitaalka Wajeer dadka ugu badan ee haatan kelyaha looga dhaqo ayaa sidoo kale qaba cudurada u badan ee Soomaalidu la dhiban yihiin, sida macaanka iyo Dhiig-karka.

Dadka qaba sonkorta iyo dhiig-karka ayay tahay inay si joogta ah ula socdaan caafimaadkooda si aanu u gaarin heer ay ku dhacaan xanuunada sida keena in kelyuhu fariistaan.

''Cudurku wuu jiray, laakiin lama ogaan jirin, hadda waa la ogaanayaa. Dhibka Soomaalida haystayna waxa uu ahaa inay ka oo daahaan, mana aha dad lix bilood oo walba isbaara, waxaana fiican saddex ilaa lix bilood oo kasta in aad iska baartid kilyaha iyo wadnaha, oo sida ay u shaqeynayaan aad fiirisid'' ayuu yiri Dr Daa'uud.

Dr Daa'uud ayaa intaa ku daray inay jiraan dad guryahooda ku geeriyooday oo qur'aan lagu akhriyo iyada oo loo maleeyo inay xanuuno kale hayaan, uuna muhiim yahay baaritaanku.

Gobolka Waqooyi Bari Keniya waxaa hadda ku soo badanaya dhakhaatiirta iyo in dadka qaar ay isbaaraan si ay u ogaadaan caafimaadkooda, taasi oo keentay in la ogaado dad badan oo cudurkaasi iyo kuwo kaleba ay hayaan.

Dr Daa'uud ayaa ugu baaqay maamullada gobolka inay badiyaan dadka ku takhasusaya caafimaadka kilyaha , taasi oo sida uu aaminsan yahay ka qayb qaadanaysa wax ka qabashada cudurada uu kelyo istaagu ka midka yahay.

''Qofka inta uusan soo dhicin kahor waxaa uu isku arkaa luga barar, daal, shaqada sidii uu u qaban jiray uma qaban karo, qaar lugahooda ayaa khafiifa oo waa iska jabaan'' ayuu yiri Dr Daa'uud.