Maxay muslimiintu uga caroodeen calaamadda uu jirkiisa ku xardhay wasiirka difaaca ee Maraykanka

Xigashada Sawirka, X
Waxaa baraha bulshada si weyn la isula dhex marayaa calaamadda taatuuga oo ku sawiran jirka xoghayaha difaaca Maraykanka Pete Hegseth taasi oo u muuqata inay u dhiganto ereyga ''Kafir'' oo ah gaal, waxaana laga arkay sawirro dhowaan la soo dhigay akoonka barta X, iyada oo si weyn looga falceliyay.
Calaamadaha ayaa sidoo kale ka muuqda sawirro kale oo la soo dhigay barta Instagram bishii Luulyo 2024.
Qaar kamid ah dadka isticmaala baraha bulshada ayaa Hegseth ku dhaleeceeyay calaamadaha ka muuqda inay meel ku dhac ku yihiin muslimiinta, gaar ahaan kuwa ka tirsan milatariga Maraykanka ee uu matalayo, iyaga oo lagu qiyaaso inay kor u dhaafayaan 5,000 ilaa 6,000 oo xubnood.
''Tani ma aha doorasho shakhsi ah, waa calaamada cad oo islaam nacayb ah oo ka timid ninka maamula dagaalada Maraykanka,'' ayaa lagu yiri qoraal ay soo dhigtay Nerdeen Kiswani oo u dhaqdhaqaaqda arimaha falastiiniyiinta oo ku sugan New York.
Waxa ay intaasi ku dartay ''Kafir'' inay ka dambeeyaan kuwa islaam nacaybka midigta fog ah si ay ugu jeesjeesaan una aflagaadeeyaan muslimiinta. Ma aha wax ku saabsan waxa uu sida gaarka u aaminsan yahay. Waa sida aaminaadahan loogu turjumo siyaasad ahaan, sida ay u qaabeeyaan go'aamada milatari, barnaamijyada dabagalka iyo faragalinta shisheeye ee lagu beegsanayo muslimiinta.
Hogaamiye hore oo ka tirsan kooxda Proud Boys ee midigta fog, Joe Biggs ayaa leh calaamado u dhow kuwaasi.
''Taatuuga ereyga carabiga ee Kafir ayaa loola jeedaa qof si bareer ah u diida ama u qariya xaqiiqda Alle ee aasaasiga. Jidhkiisa waxaa ka muuqda waa labadaba, cadaawad ka dhan ah muslimka iyo aamminaad la'aantiisa shaqsiga'' ayuu u sheegay Newsweek, Nihad Awad oo ah agaasinka fulinta qaran ee golaha xiriirka Mareykanka iyo Islaamka ee (Cair).
Arrintan ayaan ka dhignayn markii ugu horeysay oo Hegseth uu ku lug yeesho muran la xiriira calaamada ku sharxan jirkiisa ee muranka badan dhaliya. Waxaa uu xoghayaha difaacu uu horay u muujiyay calaamado kale oo muujinaya jamashadiisa ''saliibiyada'' oo ah waxyaabaha la hadal hayo ee ku dhex kordhaya kooxaha midigta fog,
Eedaha calaamada taatuuga ayaa kusoo aaday wakhti uu kordhay baaritaanka ka dhanka ah xooghayaha difaaca. Xubno ka tirsan aqalka hoose ee baarlamanka Maraykanka ayaa ku baaqay baaris lagu sameeyo Hegseth iyo kuwa kale ee ku lugta leh siraha soo shaac baxay ee Signal. Dhowr kamid ah xildhibaanada ayaa ku baaqay Hegseth in uu iscasilo.

Xigashada Sawirka, Instagram/X
Murandhalinta Calaamadaha Taatuuga ee Hegseth
Halyeey dagaal iyo marti hore ee warbaahinta Fox News, Pete Hegseth waxaa uu isku daboolay calaamada taatuuga. Waxaana ka mid ah, midka ugu muranka badan ilaa iyo hadda oo ah istalaabta Quddus oo laabtiisa ku taala, taasi oo uu ku difaacay inay tahay calaamad taariikhi ah oo Masiixi ah.
Qaybta sare murqaha garabkiisa midig waxaa ku yaal 'Deus Vult' oo macnaheedu yahay 'Haddii uu Alle idmo''.
Cududda Hegseth waxa ay leedahay isku-tallaab seef leh oo tixraacaysa aayadda Matayos 10:34, oo akhrinaysa "Ha u malayn inaan u imid inaan nabad dhulka keeno; uma aan imaan inaan nabad keeno, laakiin waxaan keenay seef".
Cududdiisa sare waxa uu ku khadeeyay xarfaha Giriigga ee chi iyo to, oo u taagan diinta Kirishtaanka.
Siraha Signal ee uu qaybta ka yahay Hegseth
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Garsoore Maraykan ah ayaa amray in saraakiisha aqalka cad ee ku lugta leh siraha laga helay koox wadasheekaysiga Signal inay ilaaliyaan fariimaha xogo sir ah oo lagu wadaagay oo ay kamid tahay duqaynta milatari ee Yemen.
James Boasberg oo ah garsoore heer degmo ayaa amray xubnaha kooxda ammaanka qaranka Maraykanka ee Donald Trump in ay hayaan fariimo kasta oo la isugu diray app-ka fariimaha Signal, intii u dhaxaysay 11 ilaa 15 Maarso.
Amarka ayaa daba socda dacwad ay xareeyeen kooxda madaxa banaan ee dabagalka (American Oversight), taasi oo ku eedeysay saraakiisha Trump isticmaalkood Signal uu buriyay sharciga diiwaanka federaalka.
Kooxda dacwada gudbisay ayaa magacaabay ka qayb galayaasha ugu sareeyay wadasheekaysiga oo ay ka mid yihiin xoghayaha difaaca Pete Hegseth, agaasimaha sirdoonka sirdoonka qaranka Tulsi Gabbard, agaasimaha CIA John Ratcliffe, xoghayaha maaliyada Scott Bassent iyo xoghayaha arimaha dibadda Marco Rubio.
Xubnaha wada sheekaysiga Signal ku jiray ayaa ka niqaashay weerar ka dhan ah kooxda Xuutiyiinta Yemen iyo akoon sheeganaya xoghayaha difaaca Pete Hegseth oo soo dhigay weerar faahfaahsan iyo qorshayaasha hubka duqaynta 15 Maarso.
Hegseth iyo saraakiil kale oo mamulka ka tirsan ayaa ku adkaystay in aysan macluumaad xasaasi la wadaagin. Karoline Leavitt oo ah Xoghayaha arrimaha saxaafadda Aqalka cad, ayaa sheegtay Arbacadii ' in aysan jirin qorshayaal dagaal'' oo looga wada hadlay wada sheekaysiga, waxaana ay ku adkaysatay in macluumaad la dhihi karo waa '' wadahadalo siyaasadeed oo xasaasi ah'' lagu wadaagay wada sheekaysigaasi.













