Farriimo xasaasi ah oo ka mid ahaa kuwii saraakiisha maraykanka ay ku wadaageen barta Signal oo sharraxaad dheeraad ah laga bixiyey

Saraakiisha Maraykanka

Wadasheekaysi ay yeesheen saraakiil sare oo amaanka Maraykanka ka shaqeysa, kuna aadanaa duqaymaha cirka Maraykanka ee uu ka gaysanayo Yemen ayaa majalada Atlantic ay si buuxda u daabacday, iyada oo wadahadalka kooxda oo ka socday app-ka Signal si qalad ah uu ugu jiray tafatiraha guud ee Atlantic, Jeffrey Goldberg.

Qaybtii hore ee maqaalka sheekada oo uu qaybo sheekada kamid ahaa uu hakiyay ayuu Arbacadii go'aansaday inuu ku dhowaad dhamaantood daabaco wixii la is weydaarsaday, ka dib markii saraakiisha sare ee qaybta ka ahaa ku adkeysteen in aysan jirin xog sir ah oo lala wadaagay kooxdii wadasheekaysiga.

Bayaanadaasi ''ayaa nagu hogaamiyay in aan rumaysano inay tahay dadku inay arkaan qoraalada si ay u gaaraan go'aanadooda u gaarka ah'' ayuu qoray Goldberg.

Si kastaba ha ahaatee fariimaha qayb kamid ah ayaa u baahan furfurid, waa tan saddex kamid ah oo ay la socdeen qaar kamid ah falanqaynada.

Farriin

Xigashada Sawirka, The Atlantic

Jadwalka Weerarka

Farriimahan ayaa faahfaahin ka bixinaya qorshaha milatariga Maraykanka ee Yemen oo lagu qeexay ''xirmo'' erey-bixin milatari oo tilmaamaysa qayb kamid ah diyaaradaha, nidaamyada hubka iyo qalabka ururinta siraha ee ka qayb qaadan doona howlgal.

''Fikrada arrintan ma ahayn xog gaar ah oo aan la qaadan karin wakhtigaas,'' ayuu u sheegay BBC, madaxii hore ee arimaha sharciga hay'adda amaanka qaranka (NSA).

Waxa uu intaasi ku daray in laga yaabo markaasi ka dib in la kala saaray, laakiin talaabo milatari oo khatar dhow ah oo ay qayb ka yihiin ciidamada Maraykanka la kala saari lahaa wakhtiga la wadaagay.

Fariimaha Hegseth ayaa xusaya wakhtiga jadwalka diyaaradaha dagaalka F-18 la dirayo iyo sidoo kale marka duqaymaha ay bilaabayaan iyo wakhtiga go'an ee weerarada kicinta ay dhacayaan.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Macnaha guud ee ''kicin'' ayaa tilmaamaya tiro xaddidan oo ay tahay in la aqoonsado ka hor inta aan hubka la daabulin. Waxa ay noqon kartaa barta tixraaca, sida iftiinka taleefonka gacanta.

Macluumaadkan waxaa loo tixgalinayaa mid aad u xasaasi ah.

Philip Ingram oo horay u soo noqday sarkaal sirdoonka milatariga ee ciidamada Ingiiriiska ayaa u sheegay BBC maclumaad la mid ah ''waxa uu ugu dhacayaa si xoog leh guntiga wax lagu sifayn karay sirta sare''.

''Waxaa si gaar ah u qorsheyn kartaa halka diyaarado ay ka imaan karaan'' ayuu ku daray hadalkiisa.

Markii uu soo shaac baxay wada sheekaysigu, aqalka cad iyo saraakiil Maraykan ah ayaa ku dooday in macluumaadkan aysan ka koobnayn ''qorshe dagaal''.

Qoraal uu soo dhigay Hegseth barta X ayuu ku sheegay '' Atlantic in ay sii daayeen waxa loogu yeero 'qorshayaasha dagaalka' ayna 'qorshayaashaasi yihiin kuwo aan lahayn magacyo, oo aan lahayn Bartilmaameed. Ma leh waddooyin. Ma leh Ilo. Ma leh. Ma leh habab''.

Farriin

Xigashada Sawirka, The Atlantic

Erey bixin dahsoon oo la macnaynayo

'Xariifka gantaalka' oo ku dhuftay guriga saaxibtiis - waa sida loo yiri ama ay u qornayd farriinta dahsoon.

Qaybtan kamid ah wada sheekaysiga kooxda. La-taliyaha Amniga Qaranka Mike Waltz ayaa bixinaya waxyaabaha ka cusub duqaynta - kaas oo luqadda milatariga loo yaqaan qiimaynta waxyeelada dagaalka, ama BDA.

Waltz ayaa xusay in dhismihii bartilmaameedka uu dumay iyo in milatariga Maraykanku ay hore u haysteen bartilmaameedka aqoonsi togan oo ah - Xuutiyiinta "xariifka gantaalka" - oo gudaha u galay dhismaha, oo la rumaysan yahay in ay deggan tahay saaxiibtiis.

Farriintiisa, Waltz ayaa u hambalyeynaysa Pete - isaga oo ula jeeda Hegseth, iyo sidoo kale IC, gacanta gaaban ee "bulshada sirdoonka" iyo Kurilla, oo ah tixraaca Michael Kurilla, Jeneraalka ciidamada Maraykanka ee Taliska Dhexe, taliska dagaal goboleedka ee mas'uulka ka ah Bariga Dhexe iyo qaybo ka mid ah Bartamaha iyo Koonfurta Aasiya.

Fariimaha ma muujinayaan sida loo daba socday bartilmaameedka iyo dhaqdhaqaaqa.

Khabiir milateri oo ay BBC la xiriirtay - balse doonaya in aan magaciisa la sheegin ayaa soo jeediyay in la isticmaali karo isku darka aaladaha hawada sare, awoodaha raadraaca tignoolajiyada ama sirdoonka aadanaha ee dhulka laga isticmaalo ama isku darka ilo kala duwan.

Ugu yaraan 53 qof ayaa lagu dilay mowjadihii ugu horreeyay ee duqeymaha Mareykanka ee bartilmaameedyada Xuutiyiinta ee Yemen, kuwaas oo lala beegsaday in ka badan 30 bartilmaameed oo ay ku jiraan xarumo tababar, kaabayaasha diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, iyo sidoo kale warshadaha lagu sameeyo hubka, taliska iyo xarumaha laga maamulo, oo ay ku jirto mid ay Pentagon-ku sheegtay inay ku sugnaayeen khubarada gaadiidka hawada. Ma cadda bartilmaameedka Waltz uu ula jeeday sheekadii kooxda wadasheekaysiga ku jirtay.

Farriin

Xigashada Sawirka, The atlantic

Dhaqdhaqaaqyada CIA ee Yemen

Mid kale oo ah suurtgalnimada farriin xasaasi ah ayaa ka timi Joe Kent, oo ah askari hore oo ka tirsanaa ciidamada hawlgallada gaarka ah, ahaana musharax ku guul-darraystay kusriga aqalka baarlamanka kaasi oo Trump u soo magacaabay inuu noqdo Agaasimaha Xarunta La-dagaalanka Argagaxisada Qaranka.

Farriintiisa, Kent waxa uu ula jeedaa Israa'iil oo qaaday duqaymahooda u gaarka ah.

Milatariga Israa'iil ayaa si isdaba joog ah u garaacay bartilmaameedyada Xuutiyiinta ee Yemen tan iyo markii uu billowday dagaalka Qaza, iyaga oo uga aargudanaya weerarrada gantaalada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee xuutiyiintu ku qaadeen Israa'iil iyaga oo taageeraya Xamaas.

Weeraradii ugu dambeeyay ayaa dhacay 19-kii iyo 26-dii Diseember ee sanadkii aynu soo dhaafnay.

Sida laga soo xigtay Kent, dawladda Israa'iil ayaa raadin doontaa inay "dib u buuxiso" kayd kasta oo hub ah oo loo isticmaalo weerarro dheeraad ah, in kasta oo uu aaminsan yahay inay taasi ay tahay "arrin yar".

Farriin yar oo xasaasi ah ayaa daba socota taasi oo ka timi agaasimaha CIA John Ratcliffe oo xusay in Maraykanku "ururinayo dhaqaale" ka caawiya duqaynta, hase ahaatee dib u dhaca aanu "saameyn aan khaldanayn" ku lahaanayn shaqada hay'adda ee Yemen.

"Wakhti dheeri ah ayaa loo adeegsan doonaa si loo ogaado meelaha ugu wanaagsan ee laga bilaabi karo wax ka qabashada hoggaanka Xuutiyiinta," ayuu qoray.

Hantida ku jirta macnaha guud ayaa loo tixraaci karaa basaasiinta ay CIA maamusho ee dhulka Yaman ama hababka tiknoolajiyadeed sida dabagalka duullimaadyada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Ku-xigeenkii hore ee kaaliyaha xoghayaha difaaca iyo sarkaalkii hore ee ciidamada CIA-da, Mick Mulroy ayaa sheegay in fariinta Ratcliffe ay ahayd mid aad xasaasi u ah.

''Asal ahaantii, ma doonayno inaan dadka la wadaagno halka ay CIA-du diiradda saarayso," ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Ratcliffe ayaa ka sheegay kulan dhagaysi oo baarlamanku lahaa Arbacadii in uusan gudbin wax macluumaad oo sir ah