You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Maxay ka fakarayaan ciidamada Hindiya iyo Pakistan kadib dagaalkii dhawaan dhex maray labada dal?
Sida wadamada kale ee gobolka, saraakiisha sare sare ee milatariga Pakistan iyo Hindiya ayaa sidoo kale ka qeyb galay Shirweynaha Amniga ee Shangri-La ee ka dhacay Singapore, waxaana ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah, oo ay ku jiraan dagaalkii bishii la soo dhaafay dhacay.
Shirka Shangri-La Dialogue waa shirweyne amni oo la' isugu keeno wasiirada difaaca iyo saraakiisha sare ee milatariga ee gobolka, kuwaas oo soo bandhiga mowqifyada dalalkooda. Waxa la filayaa inay soo jeediyaan talooyin u gaar ah si looga fogaado khilaafaadka gobolka.
Markan, intii lagu jiray shirka, hadal uu bixiyay Taliyaha Sare ee Difaaca Hindiya, Anil Chauhan, oo ku saabsanaa diyaaradii la soo riday, taas oo uu kaga hadlay wareysiyo uu siiyay Bloomberg iyo Reuters, ayaa noqday mowduuc laga hadal hayo gudaha Hindiya iyo Pakistan. Dhanka kale, Guddoomiyaha Guddiga Taliyeyaasha Wadajirka ah ee Pakistan, Jeneraal Sahir Shamshad Mirza, ayaa isaguna ka qeyb galay shirka, isaga oo adkeeyay muhiimadda maaraynta xiisadaha u dhexeeya labada dal.
Sidoo kale, saraakiisha milatari ee labada dal ayaa ka hadlay casharrada laga bartay dagaalkii afarta maalmood socday iyo suurtagalnimada in khilaafka u dhexeeya Hindiya iyo Pakistan uu isu beddeli karo dagaal weyn mustaqbalka.
Maxay sheegeen Jeneraal Anil Chauhan iyo Jeneral Sahir Shamshad Mirza ?
Marka la eego wareysiga uu Jeneraal Anil Chauhan siiyay Reuters, wuxuu ku muujiyay rajo wanaagsan isagoo sheegay in hoggaanka milatari ee labada dal ay haystaan garaad iyo taxadar ku filan oo ay uga fogaadaan in khilaafkoodu u gudbo dagaal gunta u dhaadhaca.
Dhankiisa, Jeneraal Sahir Shamshad Mirza, oo ah Guddoomiyaha Guddiga Taliyeyaasha Wadajirka ah ee Pakistan, ayaa ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay maaraynta si looga hortago in muranada u dhexeeya labada dal ay noqdaan kuwo dagaal horseeda.
Labada sarkaalba waxay muujiyeen in khilaafyada jiro, awgood ay muhiim tahay in laga shaqeeyo xasilooni iyo in la yareeyo suurtagalnimada dagaal weyn oo gobolka saameeya.
Inkastoo uu qirtay in Hindiya ay la kulantay khasaare dhinaca cirka ah, haddana Jeneraal Anil Chauhan wuxuu sheegay in duqeymaha cirka ee Hindiya ay ka fulisay gudaha Pakistan si xirfad leh loo qorsheeyay oo loo fuliyay.
Jeneraal Chauhan wuxuu intaas ku daray in dowladda Hindiya si cad u sheegtay in "haddii argagixisadu ay ka timaaddo Pakistan, Hindiya ay ka jawaabi doonto."
Si kastaba ha ahaatee, Chauhan wuxuu sheegay in tan iyo bilowgii Hawlgalka Sindoor, "xeelad iyo xikmad" laga arkay labada dhinac — Pakistan iyo Hindiya.
Wuxuu ku dooday in ay weli jirto "meel bannaan" oo loogu talagalay hawlgallo milatari oo dhaqameed ah ka hor inta aan la gaarin heerka dagaal nukliyeer ah, taas oo uu ku tilmaamay "xaalad cusub oo caadi ah."
Isagoo si shakhsiyan ula hadlayay Reuters, Jeneraal Chauhan wuxuu yiri: "Marka dagaal dhaco, dadka ugu fahamka badan waa kuwa is-aaminaya."
Dhinaca kale, Guddoomiyaha Guddiga Taliyeyaasha Ciidamada ee Pakistan, Jeneraal Sahir Shamshad Mirza, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters intii lagu jiray shirka inuu wax wadahadal ah oo qarsoodi ah aanu u socon Pakistan iyo Hindiya si loo yareeyo xiisadda.
Wuxuu sheegay inuusan qorshayn inuu la kulmo Jeneraal Anil Chauhan intii lagu jiray shirweynaha Shangri-La ee ka dhacay Singapore.
Jeneraal Sahir Shamshad ayaa ka digay khatarta dagaal hubka nukliyeerka ah oo ka dhaca Koonfurta Aasiya, isagoo u sheegay Reuters in "khilaafaadyo ka jira gobolka ay mar kasta noqon karaan kuwo gacanta ka baxa."
Markii dambe, isagoo khudbad ka jeedinayay shirweynaha Shangri-La Dialogue, Jeneraal Sahir Shamshad wuxuu sheegay in xiisadda u dhaxeysa Pakistan iyo Hindiya kadib weerarkii Pahalgam ay halis ku tahay horumarka gobolka, loona baahan yahay tallaabooyin meesha ka saaraya madmadowga khataraha ay xiisaddu keeni karto.
Jeneraal Sahir Shamshad Mirza ayaa xoogga saaray baahida loo qabo in la kordhiyo fahamka istaraatiijiyadeed, isagoo yiri: "Maareynta waarta ee khilaafaadku waxay u baahan tahay is-dulqaadasho labada dhinac ah, ixtiraamka xuduudaha iyo sinaan. Wax nidaam ah ma shaqeeyo marka ay jirto kalsooni darro."
Wuxuu intaa ku daray: "Jawaabaha kumeel-gaarka ah ma ku filna, waxaan u baahan nahay hannaan rasmi ah iyo khadad toos ah (hotlines), hab-raacyo lagu dejiyo xiisadaha, iyo tababbarro wadajir ah oo lagu maareeyo xaaladaha adag."
"Khilaafaadku waa in si nabad ah lagu xalliyo, isgaarsiinta istaraatiijiyadeedna waa muhiim. Fahan la'aanta iyo wararka been abuurka ah waxay kiciyaan xiisadaha."
Wuxuu sheegay in Pakistan diyaar u tahay inay la fariisato Hindiya si siman oo loo wada hadlo, si loo xalliyo dhammaan arrimaha taagan.
Maxay ka fakarayaan hogaanka ciidamada labada dal?
Hadalladii ay jeediyeen Jeneraal Anil Chauhan iyo Jeneraal Sahir Shamshad Mirza ee ka dhacay Singapore ayaa si weyn loogu falanqeynayaa gudaha Hindiya iyo Pakistan, waxaana loo arkaa kuwo muhiim u ah mustaqbalka xiriirka labada dal ee Pakistan iyo Hindiya.
Guddoomiyihii hore ee Guddiga Joogtada ah ee Aqalka Sare ee Soosaarka Difaaca, Liutenant Jeneraal (howlgab) Abdul Qayyum Khan, ayaa u sheegay BBC-da in mowqifka Pakistan uu yahay in dagaallo aan waxba laga faa'iidin, sidaas darteedna loo baahanyahay in loo jeesto wadahadal, ayna tahay in la aasaaso khad toos ah (hotline) oo aan kaliya u dhexeyn militariga, balse sidoo kale lagu daro Wasaaradda Arrimaha Dibadda.
In kasta oo Taliyaha Ciidamada Difaaca ee Hindiya (CDS), Jeneraal Anil Chauhan uu meesha ka saaray suuragalnimada dagaal nukliyeer ah, haddana waxaa weli jira walaacyo dhinaca Pakistan ah.
Sida uu sheegay Liutenant Jeneraal Abdul Qayyum, oo hore uga tirsanaa Guddiga Difaaca, labo arrimood ayaa la eega marka la qiimeynayo cadow: awoodda iyo niyadda.
Wuxuu intaa ku daray in khilaafaadka ay ku xiran yihiin go'aamada siyaasadeed, iyadoo xilligan uu talada Hindiya haya Ra'iisul Wasaare Modi, oo hadalladiisa, hamigiisa iyo niyaddiisa ay si cad u muuqatay — xitaa kadib "Hawlgalka Sindoor" — taasina ay tahay sababta Jeneraal Sahir Shamshad Mirza uu uga digay suurtagalnimada dagaal nukliyeer ah intii lagu jiray shirkii Shangri-La.
Markii la weydiiyay in khilaafku uu u gudbi karo dagaal weyn mustaqbalka, Liutenant Jeneraal Cabdul Qayyum ayaa sheegay in taas ay ku xiran tahay "gardarrada Hindiya."
Wuxuu faahfaahiyay: "Haddii Hindiya isku daydo inay qabsato qaybo ka mid ah dhulka Pakistan ama ay isku daydo inay si xoog ah ku qaadato qeyb ka mid ah biyaha Pakistan iyadoo jebinaysa Heshiiska Biyaha Indus, markaas waxay noqon doontaa arrin halis weyn ku ah gobolka."
Waxa uu aaminsan yahay in dhibaatooyinka aan lagu xallin karin oo keliya xiriirka khadka tooska ah ee u dhexeeya taliyeyaasha guud ee ciidamada (DGMOs). "Hindiya waa inay fahantaa in waddada nabaddu aysan ahayn dagaal, balse ay tahay wadahadal."
'Xikmad waa in la muujiyaa inta uusan dagaal bilaaban'
La-taliyihii hore ee Amniga Qaranka ee Pakistan, Jeneraal Nasser Janjua, ayaa u sheegay BBC Urdu in illaa iyo inta aan laga xallin khilaafaadka u dhexeeya labada dal, aan la bixin karin wax dammaanad ah oo ku saabsan mustaqbal nabadeed.
Isagoo falanqeynaya mowqifyada milateriga ee Hindiya iyo Pakistan ee lagu soo bandhigay shirkii Shangri-La Dialogue, wuxuu sheegay in xigmad la muujiyo kahor inta uusan dagaal bilaaban, waayo marka dagaalku bilaabmo wax walba waxay noqdaan kuwo aan la hubin, dammaanadna lama siin karo natiijadooda.
Wuxuu yiri: "Markii Pakistan noqotay awood nukliyeer ah, waxaan dhahnay dagaal dambe ma jiri karo, laakiin Hindiya waxay tiri maya, dagaal xaddidan baa jiri kara, kadibna waxaa soo baxay aragtiyo cusub oo sheegaya in haddii la qabsado dhul xad gaar ah ama khasaare dhaqaale la gaarsiiyo heer cayiman, la samayn karo dagaal xaddidan."
Dooddiisa waxay ahayd in khilaafkii dhowaan dhacay ee labada dal u dhexeeyay, "haddii Hindiya aysan dib uga noqon mowqifkeedii, xaaladdu waxay noqon lahayd mid faraha ka baxda, maadaama Pakistan ay aaminsan tahay inaysan jirin wax xad ah oo lagu xadidayo jawaab gardarro ah."
Si kastaba ha ahaatee, wuxuu sheegay in labada dalba ay yihiin awoodo leh nukliyeerka, isla markaana haddii uu khilaafkoodu sii baaho uu sababi karo 'xasuuq loo adeegsado nukliyeer' oo baabi'in doona wax badan— taasoo aan u fiicnayn gobolka iyo dunidaba.