You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Haweeneeydii la arkay iyada oo ku dhex neefsanaysa naxashkii meydkeeda la geliyay oo hadda geeriyootay
Haweeney u dhalatay dalka Ecuador ayaa geeriyootay maalmo kaddib markii dad u baroor-diiqayay ay la amakaageen markii la arkay iyadoo ku dhex neefsaneysa naxashkii la geliyay.
Bella Montoya, oo 76 jir ahayd, ayaa markii ugu horreysay toddobaadkii hore uu dhaqtar sheegay inay geeriyootay iyadoo ku jirtay isbitaal ku yaalla magaalada Babahoyo.
Balse markii dadkii u baroor-diiqayay ay maqleen iyadoo naxashka gudihiisa garaaceysa, waxaa degdeg loogu celiyay isla isbitaalkii lagu daweynayay.
Kaddib toddobo maalmood oo ay ku jirtay qeybta daryeelka gaarka ah, wasaaradda caafimaadka Ecuador ayaa xaqiijiyay inay geeriyootay.
Qoraal ka soo baxay wasaaradda ayaa intaa ku daray in "si joogto ah ilaalo looga hayay" intii ay isbitaalka ku jirtay.
Kaddib geerideeda, waxaa Ms Montoya dib loogu celiyay isla halkii ay ka dhaceysay duugteeda, sida warbaahinta gudaha ay tabiyeen.
Guddi khubarro ah ayay wasaaradda caafimaadka u saartay kiiskeeda.
Ms Montoya ayaa la geliyay naxashka waxaana loo qaaday xarun ay ka dhici lahayd duugteeda oo ku taalla magaalada Babahoyo, oo koofur-galbeed ka xigta caasimadda Quito, kaddib markii 9-kii Bishan lagu dhawaaqay inay geeriyootay.
Balse markii ay shan saacadood ku dhex jirtay naxashka, haweeneydan ayaa neefsatay kaddibna qaraabadeeda ayaa furay naxashka si ay dharka uga beddelaan uguna diyaariyaan in la aaso.
Daqiiqado kaddib, waxaa soo saaray kooxaha dabka damiska oo kaddibna isla isbitaalkii ay ku jirtay dib ugu celiyay.
Sidee ayay wax u dhaceen?
Dhakhtarkii shaqada ku jiray ayaa xaqiijiyay dhimashadeeda.
Wiilkeeda, Gilber Rodolfo Balberán Montoya, ayay warbaahinta maxalliga ah ka soo xigatay in hooyadiis la seexiyay abbaare 09:00 subaxnimo, duhurnimadiina dhakhaatiirta u sheegeen in ay hooyadiis dhimatay.
Ms Montoya ayaa markaas kaddib lagu riday naxash muddo saacado ah ilaa ay markii dambe ay xubno qoyskeeda ka tirsan arkeen iyadoo isku dayaysa in ay neefsato.
Muuqaal la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya iyadoo dhex jiifta sanduuq furan oo neefsanaysa dhowr qofna ay hareeraheeda ku soo xoomeen.
Dhakhaatiirta caafimaadka ayaa markaas la arkayaa iyagoo imaanaya oo eegaya Ms Montoya ka hor inta aysan saarin bareelle oo ay gelin ambalaas.
Wakaaladda wararka ee AFP ayaa ka soo xigatay Mr Balberán isagoo leh: "Wax yar ayaan ka fahmayaa waxa dhacay, hadda waxaan kaliya u duceeyaa in hooyaday caafimaadkeeda uu soo hagaago, waxaan rabaa in ay noolaato oo aan garab istaago." Ayuu markaas yiri wiilkeeda.
Bella Montoya ma aha qofka keliya ee "soo noolaada" kaddib markii la sheegay inuu geeriyooday.
Bishii February, haweeney 82 jir ah ayaa la arkay iyadoo ku dhex neefsaneysa xarun la dhigay oo ku taalla New York State. Saddex saacadood markaas kahor ayaa lagu dhawaaqay inay dhimatay