You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Dowladda Australia oo ku dhawaaqday Tallaabo ka dhan ah Ciidanka Kacaanka Islaamiga ee Iran
Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Australia Penny Wong ayaa sheegtay maanta Khamiis ah in dalkeedu uu ku daray Ciidanka Kacaanka Islaamiga ee Iran (IRGC) liiska dalalka taageera argagixisada.
Tallaabadan Australia ayaa timid kaddib qiimeyn sirdoon oo tilmaantay in IRGC ay ku lug lahayd abaabulka weerarro ka dhan ah bulshada Yuhuudda ee Australia.
Bishii Agoosto, Ra'iisul Wasaaraha Australia Anthony Albanese ayaa ku eedeeyay Iran inay hoggaamisay laba weerar oo ku saleysan nacaybka Yuhuudka iyo gubis loo geystay hanti ay leeyihiin dadkaas ee magaalooyinka Sydney iyo Melbourne, wuxuuna sheegay inuu dalka saari doono doono safiirka Iran.
Waqtigaas, dowladda Australia waxay Safiirka Iran, Axmed Sadeqi, ku tilmaantay "qof aan laga rabin dalka", waxayna isaga iyo saddex mas'uul oo kale oo ka tirsan Jamhuuriyadda Islaamiga ah siisay toddoba maalmood inay dalka kaga baxaan.
Mr. Albanese waxa uu sidoo kale sheegay in safaaradda Australia ee Tehran la hakiyay, dhammaan diblomaasiyiin tii ka shaqayn jirayna ay ku sugan yihiin waddan saddexaad oo ay ammaan ku yihiin.
Ra'iisul Wasaaruhu wuxuu hore u sheegay in dowladdiisu ay u aqoonsan doonto Ciidanka Kacaanka Islaamiga ah urur "argagixiso" ah.
Dhanka kale, Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran, Esmail Baghaei, ayaa beeniyay eedeymaha, isaga oo sheegay in "nacaybka Yuhuudda aanu meel kaga jirin siyaasadeena."
Baghaei wuxuu sheegay in eeddaasi ay "Mossad been abuurtay" isla markaana wuxuu ku boorriyay Australia "inay aysan oggolaan in xiriirkeeda dalal kale uu saameeyo been-abuurka iyo shirqoollada hay'adaha sirdoonka Israa'iil."
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran ayaa ku tilmaamay warbixinta ay Mossad ka soo saartay ku lug lahaanshaha cutub ka tirsan Quds Force ee IRGC ee weerarro lagu bartilmaameedsaday Yuhuudda gudaha Australia "sheeko la sameeyay," wuxuuna sheegay in hay'adaha reer Australia ay iyaguna faafiyeen isla "sheegashadan."
Laakiin Wasiirka Arrimaha Gudaha Australia Tony Burke ayaa ku adkaystay bil ka hor in go'aannada dowladda Australia iyo xogteeda ku saabsan ku lug lahaanshaha Iran ee weerarrada naceybka Yuhuudda ee Sydney iyo Melbourne ay ku salaysnaayeen oo keliya macluumaadka hay'adaha gudaha dalka.
Safaaradda Israel ee Australia ayaa soo dhaweeysay go'aanka dalkaas uu ku cayrinayo safiirka Iran iyo go'aanka lagu magacaabay Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga (IRGC) urur argagixiso ah.
Michael Burgess, madaxa Hay'adda Sirdoonka iyo Amniga Australia, ayaa sidoo kale sheegay in baaritaan "qoto dheer" uu sirdoonku sameeyay uu muujiyay xiriir ka dhexeeya weerarrada naceybka bulshada Yuhuudda ah iyo IRGC, isla markaana ay caddaatay in IRGC ay hagaysay ugu yaraan laba weerar iyo "malaha" qaar kale oo ka dhan ah danaha Yuhuudda ee Australia.
Madaxa Hay'adda Sirdoonka iyo Amniga Australia wuxuu sidoo kale sheegay in safaaradda Iran ee Australia iyo diblomaasiyiinteedu aanay wax door ah ku lahayn weerarradan.
Wax warbixin ah kama aysan soo bixin dad lagu dilay ama ku dhaawacmay labada weerar.