You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Iran oo shaaca ka qaaday halkii lagu dilay Amir Ali Hajizadeh, taliyihii ciidamada cirka dalkaas
Afhayeenka Ilaalada Kacaanka Iran ayaa sheegay in taliyihii ciidamada cirka Iran, Amir Ali Hajizadeh, iyo taliyoyaal kale lagu dilay qolka howlgalada dagaalkii socday 12-ka maalmood.
Afhayeenka, Ali Mohammad Naeini, ayaa wareysi uu siiyay wakaalada wararka Mehr u sheegay in sidoo kale taliye Hossein Salam lagu dilay xarunta ciidamnada.
Mr. Naeini wuxuu beeniyay "in layaab ku aheyd Iran" isagoo sheegay in cutubyo howlgala la diyaariyay si ay u qaadaan weeraro rogaal celis ah waxyar kaddib weerarkii Israel.
Wuxuu sheegay afhayeenka in weerarada gantaalada dib loo dhigay 10 ilaa iyo 12 saacadood, sababtuna ay aheyd si loo soo magacaabo taliye cusub oo madax u noqda Ilaalada Kacaanka.
Werarkii Israel ee dhacay goor subax hore ah 13-kii June, waxay Israel ku beegsatay saraakiil badan oo madax u ahaa ciidamada Ilaalada Kacaanka iyo sidoo kale khubaro iyo saraakiisha barnaamijka nukliyeerka.
Isla markii uu weerarka dhacay saraakiisha ciidamada waxay xaqiijiyay geerida Major Janaraal Mohammad Bagheri, oo ahaa taliyaha ciidamada, Hossein Salam oo ahaa taliyaha ciidamada Ilaalada yo and Gholam Ali Rashid.
Qofkii ugu horeeyay ee geeridiisu sheegaan warbaahinta Israel waxa uu ahaa Amir Ali Hajizadeh, markaas kaddib ayey dowladda sheegtay.
Siyaabo kala duwan ayaa loo sheegay dilka Hajizadeh
Waxaa la daabacay maalintii ugu horeysay dagaalka ee 13-kii June warar sheegaya in diyaaradaha dagaalka Israel ay dileen Amir Ali Hajizadeh isagoo taliyayaal kale kula kulmayay xarunta ciidamada ee dhulka hoostiisa.
Markaa kaddib waxaa la sheegay in xubno sare oo ka mid ah Ilaalada Kacaanka iyo ciidamada cirka oo uu ku jiro Major Janaraal Mahmoud Bagheri iyo Janaraal Davud Sheikhian ay ku dhinteen hal weerar.
Afhayeenka IRGC waxa uu sheegay in dilka taliyaha ciidanmada cirka xiligaas la daabacay iyadoo qaar ka mid ah dad dowladda ka tirsan ay dhaliileen laamaha amniga iyo qaab dhismeedka guud ee dowladda.
Warbaahinta Israel waxay sheegtay in Hajizadeh iyo taliyayaal kale la ogaaday halka ay ku sugan yihiin. Warbaahinta ayaa sheegtay in xogtooda ay sirdoonka heleen kaddibna bartilmaameed laga dhigtay.
Xaaska Mr. Hajizadeh ayaa wareysi ay siisay telefishinka ku sheegtay in uu guriga joogay ilaa iyo habeen barkii. Saddex saac ka hor weerarka ayaa taliyaha loo sheegay in uu shaqada soo galo.
Xaaska Mr. Hajizadeh waxay sheegtay in ay hurdada ka toostay at 3:30 a.m markii ay maqashay dhawaqa qaraxa kaddibna ay gacanta qabsatay wiil ay ayeeyo u tahay oo ay aaday goobta wax ka dhaceen.
Sida ay sheegtay xaaska Mr. Hajizadeh, in qeybo ka mid ah gurigeeda oo uu ku jiro saqafka sare burbureen. Xaaska waxay sidoo kale sheegtay in aysan ogeyn geerida ninkeeda ilaa iyo galabtii.
Israel ma haystao shuruudo dagaal cusub
Ali Mohammad Naeini waxaa la weydiiyay marka la eego xaalada gobolka uu ku jiro iyo sida ay suuragal u tahay in dagaal qarxo waa sidee diyaargarowga ciiamada? Isagoo ka jawaabayay su'aashaas waxa uu yiri, "Cadowaga hadda ma taagna meel uu weerar ka qaadi karo. Caqabada ugu weyn waa awood kordheysa ee ciidamadeena taas oo aan u ogolaaneyn in ay sameeyeen go'aano cusub.
Isagoo xiganayay hanjabaadaha iyo digniinaha weeraro hor leh oo Isreal ku sooqaado ayuu sheegay, "waxa maanta la maqlayo waa dagaal maskaxeed".
"Ciidamada markasta heegan buuxa ayey ku jiraan si ay u bixiyaan jawaab daran oo laga qoomameeyo"
Afhayeenka wuxuu sidoo kale sheegay in ciidamadooda ay diyaar u yhin khatar kasta oo militiri, wuxuuna ugu baaqay hay'adaha rayidka in ay diyaar u ahaadaan weerar kaga yimaada dhanka cadowga.
Mr. Naeini wuxuu sidoo kale sheegay in dagaalkii 12-ka maalmood ay diyaargarow ka barteen iyadoo la saxay wixii qaldamay.
Afhayeenka wuxuu kaloo sheegay in madaxda militeriga iyo kuwa siyaasada ay sugayeen dagaal sanad ka hor weerarka Israel.
Mr. Mohammad Ali Naeini wuxuu hore u sheegay, "Taliyayaashii ugu sareeyay ayaa la beegsaday. Taliska ayaa la weeraray, waxaa la jray dhammaan isgaarsiinta, waxay duqeeyeen qeybo ka mid ah radaarka iyo gantaaladeena," balse ciidamadeena waa diyaar.