Suuli ka qaalisan guryaha iyo gawaarida lagu raaxaysto

Xigashada Sawirka, SOTHEBY'S
Suuliga halka lagu fariisto marka la saxaroonayo oo qiimahiisu gaarayo 12 milyan oo doolar ayaa xaraash lagu iibiyay. Xaraashka ayaa soo jiitay indhaha caalamka.
Suuliga oo loo bixiyay "Amerika" waxaa sameeyay farshaxaniiste u dhashay Talyaaniga oo lagu magacaabo Maurizio Cattelan. Mr. Maurizio ayaa suuligan ka sameeyay dahab cabirkiisu gaarayo 101.2 kiilogaraam oo nambarkiisuna yahay 18 karat ah.
Suuligan oo uu sameeyay Mr. Maurizio waa mid shaqeynaya oo la mid ah suuliyada kale ee caadiga marka laga reebo in uu dahab yahay.
Suuligii ugu horeeyay oo dahab ah waxaa lagu rakibay musqul dadweyne oo ku taal matxafka Guggenheim ee New York sanadkii 2016-kii. Markii sheekada suuliga dahabka ah la maqlay koox burcad ah ayaa ka xaday qasriga Oxfordshire.
In ay jirto musqul labaad oo dahab laga sameeyay ayaa markii dambe shaaca laga qaaday, waana tan lagu xaraashay Sotheby talaadadii.
Qof u hadlay guriga xaraashka ayaa sheegay in qiimaha xaraashka musqushaan dahabka ah lagu saleeyay culeyska dahabka kaas oo ahaa 10 milyan oo doolar.
Inkastoo la sheegay qof aan la aqoon oo Mareykan ah in uu iibsaday hadana markii dambe ayaa barta Instagram-ka lagu sheegay in shirkadda Ripley ay iibsatay.
Shirkadda maaweelada ee Ripley waxay maamushaa ganacsiyo badan oo ay ku jiraan matxafyo iyo waxyaabo kale oo badan oo ku yaal meelo badan oo caalamka ah.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Sanadkii 2022-kii ayey shirkadda qabsatay saxaafadda caalamka kaddib markii gabadha caanka ah ee Kim Kardashian ay u ogolaadeen in ay xirato dhar ay laheyd Marilyn Monoroe oo aheyd jilaa caan ah taas oo geeriyootay 1962-dii. Iibka suuligan dahabka ayaa noqonaya kii labaad ee ugu qaalisanaa ee uu sameeyo Cattelan
Hadda, waxay shirkadda ka fakareysaa hadii martida loo ogolaanayo in ay ku fariistaan kuraas dahab ah.
"In taasi ay dhacdo waxay u baahan tahay qorshe adag iyo geesinimo lagu xaqiijiyo in waxwalba ay dhanka saxda ah u socdaan".
Dad lagu qiyaasay ilaa 100,000 ayaa isticmaalay suuligii hore intii uu yaalay matxafka Guggenheim, kaddibna waxaa loo qaaday bandhigga qasirga Blenheim.
Halkaas ayuu yaalay saacadihii ugu horeeyay ee 14-kii sabtembar sanadkii 2019 balse waxaa dhacday markii dambe in shan nin ay soo jabiyeen muraayada ayna, qaateen dahab qiimahiisu ka badnaa lix milyan oo doolar. Shanta nin ayaa markii dambe ku baxsaday gaari Volkswagen Golf ah oo la soo xaday.

Xigashada Sawirka, SOTHEBY'S
James Sheen oo 40 jir ah kana soo jeeda Oxford ayaa lagu helay dambi ah in uu xaday oo uu galay dambi hanti lagu qaatay sanadkii 2024-kii. Sidoo kale Michael Jones oo 39 jir ah ayaa isna lagu helay dambi bishii Maarso. Labadooda waxaa la xiray horaantii sanadkan. Sidoo kale Fred Doe oo 36 jir ah ayaa dambiga xatooyada lagu helay.
Guriga xaraashka ayaa ku tilmaamay in ay tahay "Ifafaale dhaqan" iyo mid soo jiidasho leh farshaxankan.
David Galperin oo ah madaxa farshaxanka Sotheby ee New York ayaa sheegay in shaqada uu sameeyay Cattelan ay tahay "guul weyn oo la gaaray".
Wuxuu sheegay in tani ay muraayad u tahay dunida farshaxanka, ayna dadka hor dhigeyso su'aalo adag oo la xiriira waxa dhabti uu farshaxan yahay iyo waxa suuqyada matxafyada iyo farshaxanka ay aaminsan yihiin.
Isla fiidkaas ayaa lagu kala iibsaday $236.4 milayn oo doolar farshaxanka kale oo uu sameeyay Gustav Klimt kaas oo noqday kii labaad ee ugu qaalisan oo la xaraasho.













