Faahfaahin: Trump oo duqaymo ku gaaracay IS ta Nigeria

.

Xigashada Sawirka, US Department of Defense

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Maraykanku uu fuliyay "duqaymo xooggan oo dhimasho leh" oo ka dhan ah kooxda Dawladda Islaamka (IS) ee waqooyi-galbeed Nigeria.

Qoraal uu ku daabacay barta Truth Social, madaxweynaha Maraykanka ayaa ku tilmaamay IS inay yihiin "argagixiso wasakh ah", isaga oo ku eedeeyay inay "beegsanayaan oo si arxan darro ah u dilayaan, inta badan, Masiixiyiin aan waxba galabsan".

Trump wuxuu sheegay in militariga Maraykanku ay "fuliyeen weerarro badan oo si qumman u dhacay", balse ma uusan bixin faahfaahin dheeraad ah. Dhanka kale, Xoghayaha Difaaca Pete Hegseth ayaa sheegay inuu "u mahadcelinayo taageerada iyo wada-shaqaynta dowladda Nigeria.

Ma cadda bartilmaameedyada saxda ah ee la duqeeyay iyo goorta ay dhaceen. Bishii Nofeembar, Trump ayaa amray in militariga Maraykanka isu diyaariyaan tallaabooyin ka dhan ah kooxaha xagjirka Islaamiga ah ee ka hawlgala Nigeria.

Dowladda Nigeria weli si rasmi ah ugama hadlin weerarrada la sheegay in la fuliyay.

Qoraal uu soo dhigay fiidkii Khamiista, Trump ayaa sheegay in "maamuleykayga, waddankeenna marnaba oggolaan doonin in argagixisada Islaamiga ah ee xagjirka ahi ay horumar sameeyaan".

Digniintii uu bixiyay bishii Nofeembar, hoggaamiyaha Maraykanku ma uusan caddeyn dilalka uu ka hadlayay — balse sheegashooyin ah in la gaystay xasuuq ka dhana Masiixiyiinta Nigaria ayey faaafiyeen kooxaha midigta fog ee Maraykanka.

Kooxo kormeera rabshadaha ayaa sheegay inaysan jirin wax caddeyn ah oo muujinaysa in Masiixiyiinta lagu dilo Nigeria si ka badan Muslimiinta, iyadoo dalkaasi uu si ku dhowaad siman ugu kala qaybsan yahay labada diin.

La taliye madaxweynaha Nigeria Bola Tinubu ayaa wakhtigaas u sheegay BBC-da in tallaabo kasta oo militari oo lagula dagaallamayo kooxaha jihaadiga ah ay tahay in si wadajir ah loo fuliyo.

Daniel Bwala ayaa sheegay in Nigeria ay soo dhaweynayso caawimaadda Maraykanka ee la xiriirta la-dagaallanka fallaagada Islaamiga ah, balse uu xusay in Nigeria ay tahay dal "madax-bannaan".

Nigeria
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Tani waa magac-bixin ay adeegsato Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, taas oo oggolaanaysa in cunaqabatayn lagu soo rogo dalalka "ku lug leh xadgudubyo culus oo ka dhan ah xorriyadda diinta".

Ka dib ku dhawaaqistan, Tinubu ayaa sheegay in dowladdiisu ay ka go'an tahay inay la shaqeyso Maraykanka iyo beesha caalamka si loo ilaaliyo bulshooyinka dhammaan diimaha kala duwan.

Kooxaha jihaadiga ah sida Boko Haram iyo Dawladda Islaamka ee Galbeedka Afrika (ISWAP) ayaa burbur iyo qalalaase ka abuurayay waqooyi-bari Nigeria in ka badan toban sano, iyaga oo dilay kumannaan qof — hase yeeshee inta badan dadkaas la dilay waxay ahaayeen Muslimiin, sida ay sheegtay ACLED, oo ah hay'ad falanqeysa rabshadaha siyaasadeed ee caalamka.

Bartamaha Nigeria, waxaa sidoo kale si joogto ah uga dhaca isku dhacyo u dhexeeya xoolo-dhaqato u badan Muslimiin iyo beeraley, kuwaas oo badanaa Masiixiyiin ah, kuwaas oo ku muransan helitaanka biyo iyo daaq.

Wareegyo rabshado is-aargoosi ah ayaa sidoo kale sababay in kumannaan qof la dilo — balse tacaddiyo ayaa ka dhacay labada dhinacba.

Kooxo u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegay inaysan jirin wax caddeyn ah oo muujinaysa in Masiixiyiinta si gaar ah loo beegsaday ama loo dilay si ka badan kuwa kale.

Toddobaadkii hore, Maraykanku wuxuu sheegay inuu fuliyay "weerar ballaaran" oo ka dhan ah IS gudaha Suuriya.

Taliska Dhexe ee Militariga Maraykanka (Centcom) ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka, helikobtarrada weerarka iyo madaafiicdu ay "beegsadeen in ka badan 70 bartilmaameed oo ku kala yaalla meelo kala duwan oo bartamaha Suuriya ah".