Daraasad lagu ogaaday in socodka maalin laha ah uu ka hortago xanuunno halis ah

Khasab ma ahan inaad orodyahan noqoto ama sports ciyaarto si aad u hesho faa’iidooyinka jimcisiga oo waxaa kaa badan socodka maalin laha ah, sida lagu sheegay taxliilin ka soo baxday UK.

Waxaa la ogaaday haddii qof kasta uu sameeyo wax yar oo ah 11 daqiiqo oo hawl maalmeed ah, mid ka mid ah 10-kii dhimasho ee dhicis ah ayaa laga hortagi karaa.

Hase yeeshee dadka intooda badan uma suurogasho inay sameeyaan ugu yaraan 150 daqiiqo oo jimicsi ah todobaadkii.

Laakiin jimicsiga qaar ayaa ka fiican inaadan waxba samayn, cilmi-baarayaasha ka socda Jaamacadda Cambridge ayaa sidaasi sheegay.

NHS waxay ku talinaysaa in qof kastaa sameeyo 150-300 daqiiqo oo dhaqdhaqaaq jireed ah kaas oo kor u qaadaya garaaca wadnaha toddobaad kasta ama 75-150 daqiiqo oo jimicsi xoog leh todobaadkii, taas oo kugu adkeynaysa neefsashada.

Kooxdan cilmi-baariseed waxay eegeen boqollaal daraasadood oo hore oo ku saabsan faa'iidooyinka jimicsiga jirka waxayna ku soo gabagabeeyeen in xitaa kala bar la sameeyo qaddarka lagu taliyey ay ka hortagi karto 20-kii kiisba mid ka mid ah cudurrada wadnaha iyo ku dhawaad mid ka mid ah 30 kiis ee kansarka.

Taasi waxay u dhigantaa 75 daqiiqo asbuucii - ama 11 daqiiqo maalintii oo aad sameyso dhaq-dhaqaaq baaskiil wadid ah, socodka degdega ah, socodka caadiga ah, qoob ka ciyaarka ama ciyaarta tennis-ka.

"Waa inaad dareentaa inaad dhaq-dhaqaaq samaynayso, ka dib wadnahaagu si dhakhso ah ayuu u garaacmi doonaa, laakiin Khasab ma ah inaad dareento neefta," ayuu yiri Dr Soren Brage, oo hoggaaminayay cilmi-baarista.

Inaad sameyso jimicsiyadaasi ayaa ku filan inaad yareeyso khatarta ah inuu kuugu dhaco cudurrada wadnaha iyo istaroogga 17% iyo kansarka 7%, natiijooyinka ayaa sidaas soo jeedinaya.

Jimicsiga joogtada ah waxa uu yareeyaa dufanka jirka iyo cadaadiska dhiigga halka uu sidoo kale wax u leeyahay jirdhiska, hurdada iyo caafimaadka wadnaha mustaqbalka fog.

Faa'iidooyinka jimicsiga ayaa xitaa si weyn wax uga tara qaar ka mid ah noocyada kansarrada gaarka ah, sida madaxa iyo qoorta, gastric, leukemia iyo kansarka dhiigga, laakiin waxaa la ogaaday inuusan wax badan ka tarin kansarka ku dhaca sambabada, beerka, mindhicirka iyo naasaha.

Qof kastaa uma fududa inuu sameeyo jimicsiga ay ku talisay hay’adda NHS-ta oo saddexdii qof laba ka mid ah waxay sheegaan inay sameeyaan wax ka yar 150 daqiiqo (2.5 saacadood) oo jimicsi dhexdhexaad ah iyo in ka yar hal 10kiiba waxay sameeyaan in ka badan 300 daqiiqo (shan saacadood) toddobaadkii.

"Haddii aad ogaato in 75 daqiiqo todobaadkii la maareyn karo, markaas waxaad isku dayi kartaa inaad si tartiib tartiib ah kor ugu qaaddo qaddarka buuxa ee lagu taliyey," ayuu yidhi Dr Brage.

Falanqaynta, oo ku jirta Joornaalka Ingiriiska ee Isboortiga, waxay eegtay cilmi-baaris hore oo la daabacay oo ku saabsan faa'iidooyinka jimicsiga ee ku dhawaad 100 daraasadood oo waaweyn iyo ku dhawaad 200 oo maqaallo ah oo dib loo eegay si loo helo caddeyn guud.

NHS-ta waxay ku talinaysaa in dadka waaweyn ay sameeyaan waxqabadyo xoojiya murqaha laba jeer toddobaadkii.

Yoga, pilates, qaadista culeyska, beerista culus iyo qaadista bacaha wax lagu soo iibsado ee culus, dhamaantood waa la xisaabiyaa.